Sign in to follow this  
Qudhac

B reaking News UDUB losing the plot... two ministers Resign.....

Recommended Posts

Qudhac   

wasiirka Madaxtooyada.... resigned this evening

Wasiirka Warshadaha...... resigned this evening

official reason they gave was due to mismanagement by President Riyaale of the campain...

but it could be they are jumping the ship before its too late to join Kulmiye......

Share this post

Link to post
Share on other sites

Excellent news do you have a source though

wasiirka madaxtooyada ma kii ina cadaani mooga . ki rayaale noloshida badbadiye 2008 qaraxyadi hargeisa

Share this post

Link to post
Share on other sites

Hadhwanaagnews) Wednesday, June 23, 2010

Hargeysa(HWN):- Laba Wasiirka ka tirsan Xukuummada Madaxweyne Rayaale ayaa caawa goorihii danbe isku casilay Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

War Deg-dega: Laba Wasiir Oo Ka Tirsan Golaha Wasiirada Xukuummada Madaxweyne

(Hadhwanaagnews) Wednesday, June 23, 2010

Hargeysa(HWN):- Laba Wasiirka ka tirsan Xukuummada Madaxweyne Rayaale ayaa caawa goorihii danbe isku casilay Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Labadan oo kala ah Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Xasan Macalin Axmed [Xasan Macalin] Iyo Wasiirka Warshadaha Axmed Cali Ubaxle ayaa ku sababeeyey is-casilaadooda inuu madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin uu ka baxay saaxadii ololaha doorashada, isla markaa uu ololaha doorashada madaxtooyada oo ku eeg maanta oo ay bisha June tahay 23 uu kaga qeybgalay si kala daadsan oo dib u gurasho ka muuqato, taas oo dhabar jab ku noqotay Hormoodka Xisbiga UDUB iyo taageerayaashooda.

Iscasilaadan labada Wasiir ayaa u muuqata marka mid aan faalo lahayn, sababta oo ah waxa maalinta Sabtida ee ay taariikhduna tahay 26 June 2010 guud ahaanba Shacabka reer Somaliland u dareeri donaan Doorashada Madaxtooyada Somaliland la sugayey muddo badan.

Originally posted by Qudhac:

what do you think is behind their motive....

This was their motive they were looking for a job :D

Furfuranka Xukuumadda Madaxweyne Rayaale oo bilaabmay iyo Wasiiro ku biiray KULMIYE

June 23rd, 2010 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ayaa caawa is-casilay, kuna biiray KULMIYE.

Wasiiradan is-casilay oo sidan ka sheegay shirjaraa’id oo ay caawa ku qabteen Hotelka Summer Time ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ay kala yihiin Wasiirkii Madaxtooyadda Somaliland Xasan Macallin iyo Wasiirkii Wershadaha Axmed Cali Ubaxle.

Wasiiradan is-casilay oo ka mid ahaa Wasiirada ugu miisaanka cuslaa xukuumada Madaxweyne Rayaale, ayaa is-casilaadooda ku sababeeyey, ka dib markii sida ay sheegeen ay arkeen in xukuumadda Rayaale lumisay kalsoonidii shacabka oo aanay wax taageero ah ka haysan, sidaa darteedna ay goosteen inay iscasilaan, islamarkaana si ba’an u weeraray xukuumadda.

Tallaabadan is-casilaada ah ee ay ku dhaqaaqeen labadaas Wasiir, ayaa ku soo beegan tahay xilli kala-guur ah, oo la isu diyaaarinayo doorashadii Madaxtooyada, iyada oo arrintani adhax-jab ku tahay xukuumada Rayaale iyo xisbiga UDUB.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

Share this post

Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Rayaale oo cadeeyay inuu kalsooni ku qabo Doorashada, labadii wasiir ee iscasilayna ku tilmaamay khaa’imiin aan Kulmiye waxba ku kordhinayn

Hargeysa(Waaheen)Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo goor dhaweyd la hadlay ayaa shacabka Somaliland iyo sadexda Xisbiba uga mahad-naqay sidii fiicnayd ee ay uga qayb qaateen 21 kii cisho ee Ololaha Doorashooyinku ka socdeen Dalka, waxaanu si gaar ah ugu mahadnaqay xisbigiisa oo uu sheegay inay muujiyeen taageerada ay haystaan

Madaxweyne Rayaale waxa kale oo uu shacabka Somaliland ugu baaqay inay si nabad-gelyo ah ku codeeyaan maalinta Doorasahada oo ay ka hadhay hal maalin isagoo u rajeeyay inay Guul ku dhamaato

Intaa kadib waxa ay suxufiyiintii ka qayb galay war-saxaafadeedkaa uu bixiyay weydiiyeen bal siada uu u arko laba kamid ah wasiiradiisa oo xalay goor danbe iscasilay, waxaanu ku jawaabay wax saamayn ah oo ay ku yeelanayaan inaanu jirin isagoo ku tilmaamay wasiiradaas inay ahaayeen niman ka mid ahaa golihiisa kalsooni buuxdana uu ku qabay balse ay khiyaameeyeen isagoo intaa ku daray inaanay jirin wax ay ku biirin karaan xisbiga Kulmiye ee ay ku biireen

Madaxweyne Rayaale mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd waxqabadkiisii iyo waxa uu yeelayo hadii lagaga guiulaysto Doorashada waxa uu sheegay mudadii uu xilka hayay inuu wax badan oo uu ku faani karo Dalka ka qabtay isla mar ahaantaana waxa uu ku nuuxnuuxsaday hadii laga guulaysto inuu sida ugu haboon xilka ku wareejin doono

Share this post

Link to post
Share on other sites

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

wasiirka madaxtooyada ma kii ina cadaani mooga . ki rayaale noloshida badbadiye 2008 qaraxyadi hargeisa

No ,, that is the afhayeenka madaxtooyada.

This is another one ,, used to be my friend but never expected such useless will become a minister ,,, one of the mistakes that udub done ,,,

Share this post

Link to post
Share on other sites

Mudanayaal Ka Tarsan Xisbiga UDUB Oo Taageerayaashooda Ugu Baaqay Inay Codka Siiyaan Xisbiga KULMIYE.

Hargaysa(Ramaas) June 24, 2010 - laba Mudane oo ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland, kana soo baxay Xisbiga talada haya ee UDUB ayaa maanta taageerayaashooda ugu baaqay inay maalinta Sabtida ee codbixinta doorashada Madaxtooyada codkooda siiyaan Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE.

Xildhibaan Cali Aareeye iyo Xildhibaan Cabdikariim Aw Cali Shabeele oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargaysa ayaa sheegay in Xisbiga UDUB uu baaba’ay oo aanay ku hadhin cid ka qayb gasha tartanka doorashada madaxtooyada, waxaanay shaaca ka qaadeen in Xisbigaasi ay ku hadheen oo kaliya Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin iyo Ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin.

Xildhibaan Cali Aareye oo ugu horayn halkaas ka hadlay ayaa sheegay in uu Xildhibaan ahaan ka soo baxay Xisbiga UDUB, balse aanu garanayn Gole dhexe iyo Gole fulineed mid uu ka tirsan yahay wakhtigan xaadirka ah.

“ Anigu reerkayagii (Ciise) siyaasada Xisbiga UDUB way ka soo horjeesteen, waxaanay ugu yidhaahdeen anaga ha noo iman adigoo UDUB cod u raadinaya, waxaan ummada reer Somaliland u sheegaynaa in Xisbigii UDUB uu nagu dul baaba’ay oo aanay maanta joogin cid ka qayb gasha tartanka doorashada.” Ayuu yidhi Xildhibaan Cali

Ramaasnews Desk

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this