Sign in to follow this  
Dhubad.

Beelaha Xamar garabka Xaaji Cabdi Iimaan oo an shirka soo xaadirin maanta...

Recommended Posts

Dhubad.   

Golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha ****** garabka Xaaji Cabdi Iimaan oo maanta aan soo xaadirin munaasabadii furitaanka shirka dib u heshiisiinta beelaha

 

Waxaa maanta laga waayey madashii u dib uga furmayey shirka dib u heshisiinta Qaranka Sooomaliyeed ee Ex-xarunta gaadiidka booliska ee magaalada Muqdisho xubnaha golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha ****** uu hogaamiyo Xaaji Cabdi Iimaan Cumar, kuwaasoo tiradoodu ay gaareyso ilaa 100 xubnood.

 

Shir jaraa’id oo ay maanta si wdajir ah ugu qabteen hotelka Ramadaan ee magaalada Muqdisho guddoomihayaha dhaqanka iyo midnmimada beelaha ****** Xaaji Cabdi Iimaan Cumar iyo afhayeenkooda C/llaahi Sheekh Xasan ayey kaga warbixiyeen sababaha ay uga qeyb geli waayeen kulankii maanta oo ay sheegeen iney ka dambeysay ka dib markii loo soo dhameystiri waayey casuumadii ay shirka kaga qeyb geli lahaayeen ilaa 100 xubnood oo shirkaasi uga meteli lahaa dhinacooda, kuwasoo uu ku jiro imaamka beelaha Hiraab Imaam Max’uud.

 

Sido kale, waxay sheegeen xubnahan in ay si weyn u dhaliilsan yihiin qaabka uu ku socdo shirweynaha oo ay sheegeen in dadka qaar ay marin habaabninayaan, waxayna sidoo kale sheegeen in qaabka loo soo xulay ergooyinka shirka ay yihiin kuwo aan loo marin dariiq saxa ah oo isla markaana ay ka muuqato wax is daba marin, waxayna xuseen in guddiga qaban qaabada ee shirka uu iska indhatirayo wax ka qabashada qeylo dhaanta ka soo yeereysa qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed.

 

Source Dayniile

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this