Sign in to follow this  
Gar-haye

TERRORIZING THE POPULATION.

Recommended Posts

Gar-haye   

Ciidamada gumaysiga Itoobiya oo maanta ka soo guuray Degmada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose

Beerdhiga 27.03.2008 15:05

 

Ciidamada gumaysiga Itoobiya oo dhawaan degay duleedka degmada marka ee xarunta Gobolka Sh.Hoose ayaa maanta gabi ahaanba isaga soo halkii ay ka deganaayen degmadaas ayaga oo u anbabaxay dhinaca degmada qoryooleey ee isla Gobolka Sh.Hoose.

 

Dad goob joog ah ayaa waxay sheegeen in ay arkayeen ciidamada gumaysiga oo lugayna islamarkaana ay daba joogaan gaadiid gaaraya ilaa 10 oo isugu jira gawaarida qoryuhu ku rakiban yihiin iyo kuwa Qaada ciidamada.

 

Ciidamadan ayaa waxay degmada Marka ku sugnaayeen 3-dii maalmood ee la soo dhaafay ayaga oo markii hore ka tagay degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose waxayna intii ay joogeen kulamo la yeesheen Maamulka Gobolka Sh.Hoose iyo odayaasha deegaanka.

 

Dhanka kale warar ka imaanaya Degmada Qoryooleey ayaa waxay shegayaan in ciidamadii ka soo guuray Marka ay soo gaareen degmadaas oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamo Itoobiyaan ah.

 

Lama garanayo sababaha ay ciidamada gumaysigu uga guureen degmada Marka ee xarunta Gobolka Sh.Hoose oo ay dhawaanahan ka wadeen dhaq dhqaaqyo aan la garanayn ujeedooyinka ay ka leeyigiin ciidamada gumaysigu.

 

Dhaq dhaqaaqyada ciidamada gumaysiga ayaa waxay u egyihiin qaab cabsi gelin ah oo ay ka wadaan qaar kamid ah gobolada Soomaaliya kadib markii ay guuldarooyin laxaad leh kala kulmeed dagaaladii ay la galeen xoogagga Mujaahidiinta Soomaaliyeed ayaga oo muujinaya in ay goobo badan oo Soomaaliya ka mid ah tegi karaan islamarkaana ay qalqal giliyaan ra’yul caamka dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaamada ay tagayaan.

 

the most plausible explanation to ethiopia's army manuevers. terrorize the population into submision. keep every warlord and traditional elder in check by paying annual reassurance visits.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

I see, the enemy planning out their next move to suppress more freedoms, to bring more terror, and to scare the population into accepting their way as the only way. Problem is, people are waking up real quick to this scam and the Axmaar is the one now getting scared. You see, there is more of us wanting freedom, then of them wanting to take it away. Rise up, take back what is yours. YOUR FREEDOMS AND RIGHTS.

 

No, TFG stooges is not going to do that for you, neither is your neighbors, you are on your own. WAKE UP, RISE UP and TAKE IT BACK [somalia].

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this