Sign in to follow this  
General Duke

Yusuf Inda cade fails in Baidoa-

Recommended Posts

Yusuf Indhocade oo sheegay inuu ku guuldareystay waan waantii uu Baydhabo ka waday!

 

Muqdisho :- Hogaamiye kooxeedka magaalada Marka ayaa lagu soo waramayaa inuu shalay isaga soo baxay magaalada Baydhabo kadib markii ay xiisado badan ka dhasheen tagi taankii uu tagay magaalada Baydhabo oo ay ku dagaalameen labo kooxood oo kamid ah Jabhada RRA.

 

Yusuf Siyad Indhocade oo ah hogaamiyaha maamulka magaalada Marka ee shabeelada Hoose ayaa lagu dhaliiceeyey inuu ka qeyb qaatay dagaalkii Jimcihii iyo sabtidii ka dhacay magaalada Baydhabo oo ay ku dirireen maleeshiyooyinka Col. Shaatiguduud iyo kuwa Ibraahim Xaabsade oo ay xulafo yihiin Yusuf Indhocade.

 

Mr.Yusuf ayaa intuu ku sugnaa magaalada Baydhabo mar uu saxaafada la hadlay sheegay inuu waan waan nabadeed u yimid magaalada Baydhabo, balse arrintan ayey ku gacanseedheen dhinaca kasoo horjeeda oo sheegay in hogaamiyaashi uu garab siiyey Xaabsade iyo maleeshiyadiisa sidii ay magaaladaa gacanta ugu dhigi lahaayeen.

 

Inta badan hogaamiyaasha ururka RRA marka laga reebo Xaabsade ayaa waxay ku sheegeen imaanshaha Yusuf Indhocade ee Baydhabo mid duulaan ah ayagoo markaa digniin kusiiyey shalay in uu halkaa isaga baxo.

 

Hogaamiyaasha Col. Xassan Nuur Shaatiguduud, Shiikha Aadan Madoobe iyo Cabdalla Deeroq ***** oo intaba wasiiro ka ah dowlada Federaalka oo shalay wafdi ay wataan gaaray magaalada Xudur ayaa ku dhawaaqay in ay awood ciidan u adeegsan doonaan sidii ay dhulka RRA-da uga saari lahaayeen awoodaha shisheeye ee kusoo duulay, waa sida ay hadalka u dhigeenee.

 

Hogaamiyaashan oo sheegay in beelaha RRA wixii khilaaf ah oo soo dhexgala ay nabad ku xalin doonaan balse aysan marnaba ogolaan doonin Yusuf Indhocade uu ku sugnaado dhulkooda oo uu waliba ciidamo lasoo galo.

 

Sidoo kale magaalada Baydhabo ayey isla shalay ka dhaceen shirar looga arrinsanayo ciidamada Yusuf Indhocade ee kusugnaa Baydhabo, waxayna imaanshaha hogaamiyaasi ay dib u soo kicisay xasaasiyada la xariira dhibaatooyiinkii ay dhulkaasi horey uga geysteen maleeshiyooyin ay isku beel yihiin Yusuf Indhocade.

 

Hogaamiyaha Marka Shiikh Yusuf Siyaad Indhocade ayaa shalay galab asagu u baxay dhanka Airporka Balidoogle ayadoo la sheegay inuu qaar kamid ah maleeshiyadiisa uu ku reebay xeryahay Ibraahim Xaabsade ku leeyahay magaalada Baydhabo.

 

Mar ay saxaafada magaalada Muqdisho ay wareysatay Yusuf Indhocade oo sheegay inuu ku sugan yahay Balidoogle ayaa sheegay inuu Baydhabo uu u tagay waan waan nabadeed iyo inuu kala dhexgalo dadka walaalaha ah ee dagaalamay, inkastoo uu ka gaabsaday inuu sheego cida ka codsatay hawshaasi uu faraha la galay.

 

Yusuf Indhocade ayaa sheegay inuu ku guuldareystay waan waantii uu waday isla markaana imaanshihiisa loo arkay si khaldan, waa suu hadalka u dhigayee.

 

 

"....Waan isaga soo kacay Baydhabo markii ay diideen dhex dhexaadinta.....Arrintaasi ayaga ayey hada u taal arrintaasi...." ayuu yiri Shiikh Yusuf Indhacade mar uu ka hadlay idaacadaha FMka ee Muqdisho.

 

Yusuf Indhocade oo kamid ah hogaamiyaasha iskooda isugu magacaabay Guddoomiyaasha goobah ay heystaan ayaa marar badan lagu dhaliiceeyey inuu ka qeyb qaato dagaalo ka dhacay koonfurta Soomaaliya.

 

Dagaaladii ugu danbeeyey ee ka dhaca gobalada Jubooyinka gaar ahaan J/Hoose ayaa lagu tuhunsan yahay in hogaamiyaasi iyo maleeshiyadiisa ay burbur iyo dhac baaxad leh u geysteen deegaano ku yaal J/Hoose oo ay kamid tahay magaalada Dhoobleey.

 

Yusuf Indhocade oo wakhtigaa garab siinayey maleeshiyooyinka Isbaheysiga Dooxada Jubba ayaa hadana la sheegay inuu ka qeyb qaatay dagaalkii asbuucii tagay ka dhacay magaalada Baydhabo oo uu hada gacanta ku hayo ninka ay xulafada yihiin ee Maxamed Ibraahim Xaabsade.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Muqdisho, Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

DUKE -

 

What is your obsession with this donkey? The guy is still stuck in the days of "badar iyo naafto." RRA's Kishbur said this guy thinks we're in 1991 where robbery, murder and rape is normal everytime you invade a city. He thinks he's immune to law and justice - he hates Ethiopians "invading" Baydhabo but he thinks its okay for him to invade Baydhabo. Good thing he left - and Xaabsade will soon join him in Marka seeking asylum. He's the new kid on the block and he's making hasty decisions that undoubtedly earn him a spot on the Wanted List. I even read somewhere that he has an armed fleet of warships ready to defend against any attack from the sea. With time, Abdiqasim Salat will be overthrown by this ambitious so-called "sheekh" - the same "sheekh" who spearheaded the Dhoobley Massacre of 2004. Think people forget that easily?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ LOL..I have no obsession with this joker, its just the news, his comment of "I failed in my mediation attempt between the RRA" that made me laugh.....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this