Sign in to follow this  
Che -Guevara

Enough is Enough

Recommended Posts

Qiimihii Lacagaha Qalaad oo sare u kacay guud ahaan Puntland.

 

Guud ahaan degaanada Puntland ayaa waxaa ka jira Sicir barar baaxad leh waxaa saldhig u ah Qiimaha boqolka doolar oo gaarey heerkii ugu sareeyey ee uu gaaro waxaana shaley suuqa magaalada Boosaaso shaley doolarka la kala siisanayayn boqolkii 2400,000, waxaana taasi ay keentey in maciishada daruuriga ah ay cirka isku shareerto gaar ahaan raashinka, shidaalka iyo waxyaabaha kale.

 

 

Sicir bararkan ka jira guud ahaan somalia gara ahaan Puntland ayaa saamayn badan ku yeeshay nolasha dadka dan yarta ah oo aan iyaga cidna u soo dirin lacagaha Qalaad,sababtoo ah maalinba maalinta ka danbaysa waxaa sii kordhaya Qiimaha Raashinka taas oo hada sababtay in aan dad badan oo dan yar ahi aanay iibsan karin Raashinkii.

 

 

Dhinaca kale waxaa socday maalmahan shirar kala duwan oo ay lahayaeen Wasaarada Maaliyada waxaana lagaga hadlayey sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinkaa ka jira guud ahaa Puntland waxaana kasoo qaybgaleen Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa saaka lugu qabtay Xafiiska Wasiirka Maaliyadda ee kudhexyaal Gudaha Dakadda Magaaladda Boosaaso, shirka oo ay kasoo qaybgaleen,Wasiirka Maaliyadda Dr Maxamed Cali Yuusuf{Gaagaab}Wasiir kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Yasiin Cartan Maxamed, gaasimaha guud ee Maamulka Wasaaradda maaliyadda C/risaaq Maxamed Xasan,Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Cusmaan Cumar Guure,Xisaabiyaha Guud ee Dowlada,Agaasimaha Waaxda Canshuuraha Barriga,Kuxigeenka Agaasimaha Canshuuraha Barriga,Agaasimaha Waaxda Furdooyinka,Maamulaha Dakadda Boosaaso,Xoghayaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Masuuliyiin kale,Ayaa laga wada Arrimo ay kamidyahiin

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaalkacyo: Banaanbax ka dhacay magaalada Gaalkacyo

 

 

Gaalkacyo(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in ay magaalada Saaka ka dhaceen banaanbaxyo waa weyn oo looga soo horjeedo Sicir bararka ba'an ee ka jira Suuqyada Puntland gaar ahaana Magaalada Gaalkacyo.

 

Dadweynahan Banaanbaxayay ayaa socod ku soo marey Wadooyinka waa weyn ee Magaalada Gaalkacyo ,ayagoo sidoo kale ay dadkan socod ku soo mareen Xarumaha Maamulka gobalka iyo Kan degmada Gaalkacyo.

 

Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayey Erayo ay uga soo horjeedaan Lacagaha been Abuurkaa ee lugu sameeyo deegaanada Puntland iyo Maciishada Lacagta oo Samada isku shareertay.

 

Mudaharaadayaasha ayaa tagey Xarunta maamulka gobalka Mudug ayagoo halkaasi uu kula hadlay Taliyaha ciidanka Daraawiishta ee gobalka Mudug G/sarre Maxamuud Muuse (Ilka dheerre) isagoo ka codsadey in ay daganaansho muujiyaan.

 

Wuxuu ubalanqaaday in ay wax ka qabanayaan arimaha nabadgalyada Magaalada ,ayagoo sidoo kale baadi goob xoogan ugalaya dadka leh Makiinadaha lacagta sameeya ee Yaala Magaalada Gaalkacyo.

 

"Waxaan idinka balanqaadaynaa in aan soo qabano Makiinadaha lugu sameeyo lacagaha been abuurkaa ,waxaan sidoo kale raadineynaa hadii aad gacan nagu siin saan dadka sameynaya falalka amaan ka soo horjeeda" Ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Daraawiishta ee gobalka Mudug.

 

Dibadbax oo ku bilowday si nabadgalyo ah ayaa ugu danbeyntii wuxuu sababey in ay xirmaan rugaha Ganacsiga iyo Xawaaladaha Magaalada Gaalkacyo ,ka dib markii ay halkaasi xoog ku galeen dadkii dibadbaxayay.

 

Faarax Cabdulqaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boosaaso(HRNet):-Maamulka degmada Boosaaso iyo kan gobalka Bari ayaa sheegay in aan magaalada Bosaaso laga sameyn karin wax mudaharaad ah.

 

 

Arrintan ayaa timid kadib markii ay saaka xireen suuqyada ganacstada Puntland ayagoo ka cabanaya sicir bararka.

 

Dad badan oo isugu jira Ganacsato iyo Dad shacab ah oo maanta ku xoomay xarunta Gobalka Bari ee magaalada Bosaaso, ayaa waxaa halkaasi kula kulmay mas'uuliyiin ka socota maamulka Puntland.

 

Mas'uuliyiintaasi oo ay kamid ahaayeen Guddoomiyaha Gobalka Bari, Guddoomiyaha degmada Boosaaso, Wasiir kuxigeenka amniga iyo Taliyaha Booliiska Puntland.

 

Kulan halkaasi kadhacay ayey dadkii halkaasi isugu yimid uga hadleen xaalada maanta magaalada ka taagan iyo waliba xirnaanshaha suuqyada qaarkood iyo bakhaarada waaweyn.

 

Mas'uuliyiinta halkaasi ka hadashay oo uu kamid ahaa Wasiir kuxigeenka Amniga Puntland Xaaji Bakiin ayaa sheegay in dhibaatada sicir bararka ay ka danbeeyaan kooxo ganacsato ah oo doonaya in ay dollarka sare u qaadaan.

 

Wuxuu Mr.Bakiin uga digay ganacsatadaasi uu sheegay in ay ka danbeeyaan sicir bararka in lasoo qaban doono oo xabsiga la dhigi doono, waxa ay heystaana laga qaadi doono, waa suu hadalka u dhigayee.

 

Dhinaca kale shacab u badan dhalinyaro ayaa maanta lagu arkayey qaar kamid ah jidadka magaalada ayadoo ciidamada Booliiskana ay kala eryeen kooxo mudaharaadayey meelo u dhaw suuqa weyn ee magaalada Boosaaso.

 

Ciidamada Booliiska ayaa sheegay in ay gacan adag ku qaban doonaan cidii amniga wax u dhinta, waxaana maanta gudaha magaalada lagu arkayey gaadiidka ciidamada iyo askarta Booliiska oo lagu xoojiyey xarumaha Dowlada.

 

Waxaa gebi ahaanba la mamnuucay in wax mudaharaad ah ay magaalada ka dhacaan ayadoo uu maamulka degmada sheegay in amniga la xoojinayo.

 

Xassan Ciise

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bosaaso & Galkacayo oo ka mudahaaradey Faalsada

16 Jan 16, 2008 - 7:05:29 AM

 

 

 

Isu soo baxyadaan oo looga soo horjeedey sicir barar ayaa dadweynihii ka qeyb galey sidoo kale uga cabanayeen daabacada lacagaha Faalsada ah.

 

Dadka banaanbaxayey ayaa socod ku tagey guriga gobolka ee magaalada Galkacayo iyada dadka soo qaban qaabiyey shegeen in goobaha ganacsiga xirnaanayaan inta wax laga qabanayo cabashada dadweynaha.

 

Daabacaada lacagaha Faalsada ayaa sarifka doolarka gaarsiiyey heerki ugu sareeyey gobolda Puntland iyada oo maanta boqolkii dolar oo Mareykan ah lagu kala sarifanayey magaalada Bosaso 2600,000 Sh.So ah.

 

Dhinaca kale Bosaso ayaa waxaa ka dhacey banaanbax la mid ah kan magaalada Galkacayo kaas oo dadkii isu soo baxey dhagxaan dhigeen wadada Laamiga ah ee dhexmarta magaalada.

 

Ka ganaacsiga lacagaha Falsada ayaa gobolada Puntland ka noqdey mid lamid ah badeecadaha caadiga sida [bariiska,Sonkorta] iyada oo bakhaaro ku yaala magaalada Bosaso loo furey iibinteeda iyada oo milkiilayashu ku badalanayaan lacagta doolarka

 

Dabacaada lacagahan Faalsada ah ayaa sida Idacada SBS Australia u sheegey Cabdi Shakur Mire Aadan waxaa ku lug leh ganacsato iyo qaar ka tirsan mas'uuliyiinta sare ee DGPL kuwaas oo gacansaar leh.

 

Bile Qabowsade oo ah la taliyaha Madaxweynaha xaga saxafada ayaa sidoo kale SBS u sheegey in sicir bararka PL mas'uuliyadeda leeyihiin ganacsatada gobolka kuwaas oo sarey u qaadey qiimaha badeecada.

 

Qabowsade ayaa ayaa sheegey in xukuumada Puntland go'aan ka soo saari doonto dabacaada lacagaha faalsada ah maalmaha soo socda.

 

Magaalo madaxda dowlada goboleedka Puntland ayaa July 25,2008 waxaa ka dhacey mudaharaad balaaran oo looga soo horjeeda daaabacada lacagaha Falsada.

 

Xukuumada Cadde oo waxaa lagu eedeeyaa in qeyb ka tahay daabacada lacagaha Falsada iyada oo Wasiirkeeda Maaliyada haba yaraatee qaadin talaabooyin lagu xakameynayo sicir bararka isla markaana soo bandhigin siyaasad dhaqaale ee MGPL ku dhaqmo.

 

Mr.Gagaab oo ah nin ay aad isugu dhowyihiin Madaxweynaha Puntland ayaan wax saameyn ah ku yeelan isbadalada Cadde Muse ku sameeyo golihiisa Wasiirada.

 

 

Garowe Online.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Very bad, it must stop, Actually Dahabshil takes a big part in distributing the fake currency, after being printed in Bosaso, Adde's militia takes to Dahabshil , where it is then distributed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

The people of Puntland have the right to show their anger against the current Admin... Inflation is no good for the poor and certainly not helping the region. Adde is introducing higher taxes as well, it's unfortunate, bizarre and quite puzzling to see the Admin that vowed to help the country, promised security, free education and claimed to lead us to prosperity behaving like this... I think the blame is not only on Adde but most of the Administration officials are incompetent, corrupt and lack vision, the likes of Gaagaab, Afqudhac, Awaare and the rest have been working hard to fill their stomachs, however, Adde as the current President must ultimately bear responsibility.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Haa brother,Adde's team are big thieves. All they want is quick money, But Dahabshil as a big company should not be involved in this dirty business, which is badly affecting the poor people.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Somalia: Protests against hyperinflation in major Puntland cities

16 Jan 16, 2008 - 9:36:25 AM

 

BOSSASO, Somalia Jan 16 (Garowe Online) - Hundreds of protestors poured into the streets in Somalia's Puntland region on Wednesday to demonstrate against hyperinflation, which has severely impacted the price of goods.

 

The largest market in the port city of Bossaso, Puntland's commercial capital, was shut down today as traders and consumers alike took to the streets, demanding that the Puntland government do something about false currency that has devalued the Somali Shilling in the region.

 

The dollar exchange has reached new heights in the region, negatively affecting the flow of commerce. One dollar was exchanged for 26,000 Shillings today, according to Bossaso traders.

 

 

Bossaso: Puntland's commercial capital

Last week, the exchange rate stood at 21,000 Shillings. Residents told Garowe Online the most impacted goods include the price for food and gas.

 

A group of traders met with Puntland officials in Bossaso midday today to express their anger with the continued flow of false currency into the region, sources said.

 

Haji Bakin, Puntland's deputy security minister, told reporters after the meeting that "some Puntland businesspeople" are directly responsible for printing and importing the false Shillings.

 

He warned that such businesspeople will be arrested and their property confiscated if they continue their illegal activities.

 

Puntland police chief Col. Abdiaziz Ga'amey said some protestors, mostly youth, attempted to take advantage of the demonstration in Bossaso by throwing stones and placing objects along major roads.

 

Bossaso police forcefully dispersed such crowds, although peaceful demonstrators were allowed to continue their protest, sources said.

 

Some of the Bossaso businesses reopened Wednesday afternoon, although the money exchange centers remained closed.

 

But a decree issued by the Puntland government later today banned all public protests in Bossaso until further notice, a government news agency reported.

 

In Galkayo, the second-largest city in Puntland, a similar protest took place today but soon turned violent, according to witnesses.

 

Galkayo protestors took to the streets demanding immediate action against criminals responsible for the hyperinflation, but some protestors "were armed," witnesses said.

 

Police sources said the armed protestors fired on officers trying to clear off the roads, sparking off a brief exchange of gunfire with police.

 

Some Galkayo businesses were damaged in the exchange.

 

Casualty reports could not be immediately verified, but Galkayo residents said the city is tense.

 

The Puntland government has been ineffective in taking tough measures against those responsible for the false Shillings. Independent sources who spoke with Garowe Online say government officials are unlikely to take action and are partially to blame, because they are "involved" in the false Shillings affair themselves.

 

In July 2007, protestors threw rocks at the presidential palace in Garowe, the region's administrative capital. Even then, they were demonstrating against hyperinflation.

 

Source: Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Banaanbax ka socda Qardho oo looga soo horjeedo sicir Bararka

Last Updated::2008-01-17 12:25:22

 

Qardho(HRNet):-Banaanbax balaaran oo looga soo horjeedo Sicir Bararka ayaa ka dhacay magaaladan Qardho maanta.

 

Banaanbaxan ayaa waxaa ka qeyb qaadanayey dadweyne aad u badan dhalinyaro kuwaasi oo socod ku maray wadooyinka magaalada.

 

Banaanbaxan ayaa kusoo beegmay maalin kadib markii banaanbaxyo ay ka dhaceen magaalooyinka Ganacsiga ee Puntland ee Boosaaso iyo Gaalkacyo.

 

Ciidamada Booliiska ayaa markii danbe rasaas ku kala eryey dadweynihii mudaharaadayey.

 

Ma jiraan wax khasaaro ah oo rasaastaasi ka dhalatay ayadoo xaalada magaalada Qardho ay hada degen tahay.

 

Xalay ayuu magaalada Qardho soo gaaray Madaxweynaha Puntland Md.Cadde Musse.

 

Madaxweynaha iyo wafdiggiisa ayaa saaka arooryo u gudbay magaalada Garowe kahor intii aysan magaalada ka dhacin mudaharaadyada looga soo horjeedo sicir bararka sida weyn u saameeyey Puntland iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

 

Qiimaha lagu sarifo dollarka ayaa shalay mar gaaray 100kii Dollar = 2.500.000 oo Shilling Soomaali ah. Saaka ayey sariflayaasha ku qabanayeen dollarka 2.380.000 shilling Somali ah. Ayadoo ay adagtahay in aad sarif dollar ah ka hesho Sariflayaasha, isla markaana shilling somali oo kalliya ay kusiinayaan. Taasi oo muujineysa sida ay cid waliba ugu dhegan tahay Dollarka ee lacagta adag.

 

C/risaaq Shiino

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Good, another excellent move to step up the Pressure on the Admin to act... It's time to act, people are hungury and the country is at a critical moment, the politicians aren't doing anything to better the situation but adding insult to injury... They should really get serious about the country or otherwise the people would get serious about them, and it's exactly what's hapening, people are getting serious...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this