Sign in to follow this  
Gabbal

The Republic's situation escalates: can our slide towards Civil War II be stopped?

Recommended Posts

Gabbal   

Isbahaysi ciidan oo loogu magacdaray ciidanka badbaadada iyo difaaca qaranka oo ku sii jeeda magaalada Jowhar si ay uga saaraan halkaas ciidamada itoobiyaanka ee soo galay deegaankaas.

Muqdisho

 

Warar aan ka helnay ilo lagu kalsoon yahay oo caawa saacadii hore naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in shir degdeg ah oo yeesheen hogaamiyayaasha Hubeysan ee beesha ee ****** ee awooda ciidan ku leh koonfurta Soomaaliya inay go’aan ku gaareen in ciidamo ay u diiraan gobolka shabeelada dhexe si ay halkaas uga saaraan ciidamo Itoobiyaan iyo ciidamo kale oo reer Puntland oo halkaas soo gaaray iyagoo ku hubeysan gawaarida gaashaaman. Ciidankaas yimid magaalada Jowhar ayaa waxay horudhac u yihiin sida ay sheegeen ilo ku dhowdhow ciidankaas ciidamo xoogan oo isugu jira Itoobiyaan iyo reer Puntland oo doonaya inay xoog ku qabsadaan magaalada Muqdisho iyo gobolada koonfurta Soomaaliya kadibna ay hubka ka dhigaan dadka ku nool gobolada Koonfureed ee Soomaaliya.

 

Markii uu warkaas soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxaa markiiba bilowday kulan wadatashi ay yeelanayaan hogaamiyayaasha Hubeysan ee ku sugan magaalada Muqdisho iyadoo kulankaas ay qadka telefoonka uga qayb galeen Wasiirka amniga Qaranka Mudane Maxamed Qanyare iyo Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Korneyl Cabdi Cawaale Qaybdiid.

Wadatashigaas waxaa lagu go’aamiyey in ciidamada hogaamiyayaashaas ay iska dhinac dagaalamaan iyadoo loo samayn doono bar hogaamin oo ay u wada dhan yihiin iyadoo la qori doono ciidamo naftii hurayaal ah oo si mutawadacnimo uga qayb gali doona dagaaladaas dalka looga difaacayo ciidamada Itoobiyaanka ee raba inay qabsadaan dalka Soomaaliya.

 

Wasiirada Amniga iyo Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa si degdeg ugu soo noqon doono magaalada Muqdisho isla maalmahan fooda nagu soo hayo si ay uga qayb qaataan abaabulka difaaca dalka iyo sidii looga hor tagi karaa ciidamadaas ku soo xadgudbey dalka soomaaliyeed.

 

Ciidamo daacad ah wasiirka Ganacsiga Muusr Suudi Yalaxoow oo isagu gacanta ku haayo deegaano ka mid ah gobolka shabeelada dhexe ayaa aad u adkeeyey difaacooda si ay isaga difaacaan hadii ciiidamadaas ay kusoo xad gudbaan deegaanadooda,iyadoo la sheegay in wasiirka ganacsiga naftiisa uu caawa ku suganyahay meel magaalada Jowhar u jirta 7 km

 

Warar kale oo aan ka heleyno dhinaca Shabeelada Hoose ayaa sheegayo in ciidamo xoogan oo uu hor kacayo Sheikh Yuusuf Indhacade ay u dhaqaaqeen dhinaca gobolka Shabeelada Dhexe si ay u xoojiyaan ciidamada isku dhafka ah ee uu hor kacaayo wasiirka Ganacsiga Muusr Suudi Yalaxoow

 

Dhinaca kale waxaa heegan la galiyey ciidamada maleeshiyooyinka ah ee ku sugan magaalada Muqdisho iyadoo xarumaha maleesiyooyinka ee magaalada Muqdisho iyo nawaaxigooda laga maqlayay darandooriga hubka waaweyn oo loo fasirtey tijaabooyin lagu samaynayo hubka ciidamadaas taasoona magaalada Muqdisho lagu arkin tobankii sano ee u danbeysey.

 

Ugu danbeys waxaan shaki ku jirin in Soomaaliya gashay marxalad adag oo leh sansaan colaadeed iyada oo aan la garan karin cawaaqibta ay yeelan karto colaad dagaal oo ka aloosanta gayiga dalka Soomaaliya oo ay dagaaladu baabi’iyeen mudada ka badan labaatanka sano.

 

 

Ku noqo beejka

 

 

dayniilecom @hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

to me this is not a surprise at all from the day c/y was elected i was saying bloody civil war is almost innevatable but was accused of war mongering, infact i would have been amazed if c/y ventures didnt end in blood for the somali people.

 

 

but i also had the believe that maybe somalia needs one last bloody war to end the stand off and polarisation, this may seem shocking to some but war can sometimes be the road to a peacefull resolution to never ending stand off.

 

 

with this one last blood bath i believe there will be loosers and winners (ofcourse all sides are loosers ofcourse}and after this war i believe we will see the end of warlords.

 

and a new era may be born for the tired somalis in somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jawhar, Buula Burde, Beledweyn, Guraceel, iyo Dhuusamareeb oo Dhamaan

 

Hawada laga waayay iyo in ka Badan Shan kun oo Askari oo Ciidankii Xooga Dalka ah oo Jawhar Gaadhay

 

{Jawhar}7.09-05

 

Waxaa Maalintii Shalay Gelinkii Danbe Gaadhay Magaaldada Jawhar in ka badan Shan kun oo Askari oo ah Ciidanka ......

 

Xooga Dalka Soomaaliyeed.

 

Ciidankan oo ay ugu Badan yihin kuwa Reer Beledwayn iyo kuwa Puntland, ayaa waxaa kale oo weheliya Kuwo badan oo ka tegay dhamaan Gobolada Dalka.

 

Waxaa u dhana Dirays koodii Hubkoodii iyo Weliba Tababar koodii oo ay in mudo ah ku Qaadanayeen Deegaanka Mustaxiil.

 

Dhanka kale Waxaa ilaa Shalay Go'an Nooc kasta oo Isgaadhsiin Min Jawhar iyo ilaa Guraceel, Sabata loo gooyay Isgaadhsinta ayaa loo aanaynayaa, in aan si dhab ah loo ogaan Ciidanka iyo Qalabkiisa.

 

Warar kale oo aan la Xaqiijin ayaa Sheegaya in ay weheliyaan Ciidan aad u Qalabaysan oo loo maleeyay in yihin kuwo Ajnebi ah.

 

Waa markii ugu horaysay ee Ciidan intaa le'eg oo Xooga dalka Soomaaliyeed ah la isu keeno tan iyo Dawladii Max'ed Siyaad Bare.

 

Widhwidh Online News Center

info@widhwidh.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this