Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Xaabsade on SSC

Recommended Posts

Xaabsade Oo Sheegay In Jabhada SSC- Xididada Loo Siibo, Axmed Siillaanyana Ugu Baaqay Inuu Dhiso Dawladda La Fahmi Karo

 

 

Hargeysa, July 7, 2010 (Haatuf) - Siyaasiga weyn ee Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa ku baaqay in Xididada loo siibo Jabhad uu ku eedeeyay inay qalalaase ka wado Gobolka Sool SSC, kuwaas oo ka soo jeeda deegaanada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.

 

Md. Axmed Cabdi Xaabsade, waxa kale oo uu ka hadlay isbedelka siyaasadeed ee Somaliland ka dhacay iyo Madaxweynaha cusub ee Ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26-kii bishii June ee la soo dhaafay, taas oo uu ku guulaystay Madaxweyne Axmed Siillaanyo.

 

Siyaasigaasi wuxuu sidaasi ku sheegay mar uu shalay u waramayay qaar ka mid ah waraabihinta Somaliland, waxa uu waraysigaas kaga hadlay carqaladayntii goobo ka mid ah meelihii Sanaaduuqdii doorashada la geeyay ee degmooyin ku yaala gobolka Sool.

 

Su’aalihii iyo jawaabihii uu ka bixiyayna waxay u dhaceen sidan:-

 

S: Axmed, waxaad ka warantaa aragtidaada la xidhiidha hanjabaado joogto ah oo ka soo yeedha Xildhibaano ka tirsan Maamulka Puntland kuwaasi oo sheegaya inay xoog kaga saari doonaan Somaliland gobolka Sool iyo degmooyinka Sanaag Barri?

 

J: Waxaan idiin sheegayaa maamulkan Puntland diyaar uma aha inay soo weeraraan Gobolka Sool iyo deegaamada kale ee Sanaag barri iyo Buuhoodle-ba. C/Raxmaan Farroole dagaal inaguma soo qaadayo. Balse waxay inagu shuq-shuqaynayaan in *********** Somaliland la dagaalamo. Taas ayaa la inooga baahan yahay inaynu ka gaashaamano oo aanay dhicin.

 

S: Axmed, waxaad la socotay in deegaamo ka tirsan gobolka Sool la carqaladeeyay sanaaduuqdii doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay dhawaan, Arrintaasi yaad is-leedahay way ka dambaysay?

 

J: Carqaladeyntii Sanaaduuqda waxa ka dambeeyay nin la yidhaahdo Baashe Cali Jaamac, oo ka tirsan Ururkan SSC, kaasi ayaa qaskaasi ku lug lahaa, waa in xididada loo siibaa ururkaasi dadka shacbiga ahna lagala soo hadhaa ayaan soo jeedinayaa oo dagaal adag lala galo sidii loo cidhib jari lahaa.Puntland, aragtida aan ururkaasi ka qabno ayaan filayaa iyaguna inay ka qabaan.

 

Dadweyaha gobolka Sool waxaad u soo jeedinayaa inay ka fogaadaan oo diidaan ciddii nabadgelyada ay haystaan carqaladaynaysa ee qas kula dhex jirta.

 

S: Sidaad, la socoto Isbedel siyaasadeed ayaa Somaliland ka dhacay oo waxa Doorashadii ku guulaystay Xisbiga KULMIYE waxaana Madaxweyne Loo doortay Axmed Siilaanyo, isbedelkaasi siddee ayuu kuugu muuqdaa shakhsiyan?

 

J: Isbedelkani waa mid khayr qaba oo aan Ilaahay ka baryayo inuu inooga dhigo mid Somaliland u khayr ah ugu horayn waxaan hambalyaynayaa Madaxweynaha cusub ee la doortay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo aan leeyahay Ilaahay ha kugu asturo xilka culus ee aad qaaday.

 

Madaxweynaha cusub waxaan leeyahay dalku wuu ka burburay dhinaca sharciga oo laguma socdo waxaan u soo jeedinayaa inuu soo celiyo ku dhaqanka sharciga, oo la ilaaliyo xuquuqda qofka, taasna waxa lagu gaadhayaa shareecada diinta Islaamka.

 

Siilaanyo waan Hambalyaynayaa waxaan leeyahay waxaad tahay nin soo halgamay oo dalkan iyo dadkan u soo halgamay oo duurka ayaad u seexatay halgankiina waad ku guulaysatay oo Somaliland waa xor, intaas oo dhan waxaad u ordaysay waxay ahayd wax hagaaji, waxaan leeyahay ku dhaqanka sharciga soo celiyo si muwaadinku u helo xuquuqdiisa.Dawladaaduna ha noqoto mid la fahmi karo.

 

S: Md. Xaabsade sidee ayaad u aragtaa Guddida uu Madaxweynaha cusubi u xil saaray inay kala soo taliso qaab dhismeedka iyo tirada Xukuumada cusub, maxaadse’e adigu u soo jeedin lahayd inay xukuuda Siilaanyo noqoto?

 

J: Anigu waxaan odhan lahaa Jees baynu nahay oo dal yar oo curdin ah ayaynu nahay sidaasi darteed, dawlad yar baynu u baahan nahay reero Wasiiro la siiyaa waxba anfici mayso ee waxa loo baahan yahay dawlad xul ah oo kooban oo ay ku jiraan dad mudakar ah oo wax qaban kara.

Share this post


Link to post
Share on other sites

waa in xididada loo siibaa ururkaasi dadka shacbiga ahna lagala soo hadhaa ayaan soo jeedinayaa oo dagaal adag lala galo sidii loo cidhib jari lahaa.Puntland, aragtida aan ururkaasi ka qabno ayaan filayaa iyaguna inay ka qabaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Silaanyo seems to heading into this office with more false hope then Obama himself, Ilahay ha uu sahlo. While you guys grabbed on to the let's annihilate the SCC jabhad, what I got from this is some disturbing indication that Mr xaabsade, knowing the political opportunist he is, might lead a northern shabab jabhad himself.

 

If by chance President Riyaale reads these Camel threads, lol and we should get him to, I would advice the he disregard the suggestion of trigger happy, blood thirsty political opportunist championed by Mr. Jacayl himself. What SSC and this "Eastern sanaag" need is peace, not more meaningless wars even if it means disengagement from these territories because contrary to what is being suggested by Xaabsade and JB, the way to win a gorilla war is to win the hearts and minds of native and the way to do that is more peace, development and education rather then more bullets and tanks. And at the risk of sounding redundant, Puntland has irrevocably lost the confidence of these communities and given that Somaliland has this playground all to herself and is lead by a man who, however little, commends respect in these Eastern territories, it shouldn't be too difficult.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nemo   

Can't comment on the thread itself but reading the comments I don't get the big issue with SSC region. If they want to be by themselves and go by their own rules why not? Isn't that what SL wants for themselves? I mean one more flag is not going to hurt Somalia we already have four.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this