Sign in to follow this  
Shaakirullaah

Islamic court sentences journalist to exile from the Juba Regions

Recommended Posts

Wilaayada islaamiga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin gobalada Jubbooyinka ayaa maanta xukun ku ridday Weriye Idaacadda Somaliweyn ugasoo waramayay magaalada Kismaayo

 

Go'aan kasoo baxay Maxkamadda sare ee Wilaayada islaamiga Jubbooyinka ayaa lagu sheegay in Weriye Maxamed Salaad Cabdulle laga Musaafuriyay gobalada Jubbooyinka kadib markii uu si khalad ah u tebiyay warar wax udhimaya amaanka wilaayada Islaamiga Juubooyinka.

Weriye Maxamed Saalad Cabdulle oo maalmihii lasoo dhaafay ku xiraa xabsiga magaalada Kismaayo ayaa maanta duhurkii lagu xukumay in uu muddo 6 saacadood ah uga baxo magaalada Kismaayo iyo gobalada Jubbooyinka.

Saraakiisha Iclaamka Wilaayada Islaamiga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Jubbooyinka ayaa ku helay Weriye Max'med Salaad in uu baahiyay War been abuur ah oo uu ku sheegay in magaalada Kismaayo ay dagaallo ka abaabulayaan saraakiil Kaambooniyiin ah oo qaab beeleed u abaabulaan warkaas oo ahaa mid been ah oo aanay waxka jirin.

Weriye Maxamed Salaad oo Maxkamad lahor keenay ayaa qirtay in uu Warkaasi udiray Idaacadaha SomaliWeyn iyo SBC oo uu wakiil Wareed u ahaa wuxuuna ku marmarsiyooday in lagu qasbay sheegidda warkaas.

"warka waxaa igu amray saraakiil hubaysan oo sheegay in ay Xisbul Islaam yihiin sidaas ayaan warakaas ugu diray Idaacadaha Somaliweyn iyo SBC"ayuu Maxkamada ka hor yiri Max'med Salaad Cabduulle.

Mas'uuliyiinta Iclaamka Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka waxay sheegeen in Weriyaha lamasaafuriyay uu warka ogaal u baahiyay sidaas darteedna wakiisu uu amaanka Khal Khal gelin karay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xaaladda caafimaad ee Weriye Maxamed Salaad Cabdulle ay aad u wanaagsantahay waxaana lafilayaa in uu maanta ka baxo magaalada Kismaayo isagoo fulinaya Go'aanka maxkamadda Islaamiga ka gaartay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Maxamed Salaad Cabdulle oo wakiil wareed u ahaa dhoor Idaacadood oo Maxali ah oo ku yaala gudaha dalka soomaaliya ayaa lagu soo eedeeyey inuu tabiyey
war qal qal gelinaya Amaanka magaalada Kismaayo
kaasi oo ahaa in
Mas’uuliyiin ka tirsan Ururka Xizbul islaam garabka Jubooyinka ay kulan la qaateen wilaayada islaamiga ah ee jubooyinka

Cajaa'ib! ma sidaasaa qalqal ammaan ah?

 

Shaakirullaah, do u read Somali?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Actually, I was reading several reports regarding this issue and posted a wrong one.

I replaced it with the one I intended to post, which gives a more accurate account of events.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this