Sign in to follow this  
General Duke

an update on the roadblock situation...What now?

Recommended Posts

back to the topic.........

 

Isbaaro Qaadistii Muqdisho oo u Muuqata Mid Shiiqday

E-MAIL THIS PRINT THIS

 

 

Hoggaamiya kooxeedyadii magaalada Muqdisho ee haatan xubnaha ka ah golayaasha baarlamaanka iyo wasiirrada dowladda kmg ahe e somalia ayaa haatan u muuqanaya kuwo aad ugu wareersan tallaabadii ay qaadi lahaayeen ka dib markii ay sii kordheen isbaarooyinkii yaallay waddada isku isku xirta magaalada Muqdisho iyo Afgooye iyo xitaa qaar badan oo ka mid ah waddooyinka magaalada casimadda ah ee Muqdisho.

 

Wasiirradan oo dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay waday howlo ay ku sheegeen in ay ku nabadaynayan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa howlohoodu hadda u muuqanayaan kuwo gaabis ah.

 

Tan iyo markii guddoomiyaha baarlamaanka shafiif xasan sheekh aadan u amba baxay dalka Yeman waxa aad u yaraatay hadal haynta dadka ee la xiriirta maleeshiyooyinkii laga saaray magaalada Muqdisho,iyadoo aan la isku howlin in magaalada Muqdisho laga saaro maleeshiyooyin kale ama la booqdo kuwii la geeyay xeryaha hiil wayne iyo Laanta buuro.

 

Imaatinkii wasiirka koowaad ee dowladda cali Maxamed Geedi iyo xubno ka tirsan dowladdiisu ay ka soo dageen magaalada Jowhar ayaad mooddaa in uu jawigii nabadaynta muqdisho u baddalay mid aan horay u socod ahayn, maadaama waxyaabihii la isku khilaafsanaa qaarkood lagu dhaqaaqay.

 

Ma jiraan ilaa hadda howlo la xusi karo oo ka socda magaalada Muqdisho,waxaana yaraaday ama la dhihi karaa way hakadeen kulammadii ay yeelan jireen xildhibaannada iyo wasiirrada ku sugan magaalada Muqdisho ee ay kaga hadli jireen hadba xaaladda taagan iyo halka ay howlohoodu u marayaan

 

Waxaa sidoo kale gaabis la dheehan karaahi ku yimid in kastoo aanay iyagu sidaa jeclayn haweenkii gobolka Banaadir oo iyagu caraadin jiray wasiirada awooda ku leh magaalada Muqdisho.

 

Isbaarooyinkii ayay wali dhibtoodu taagantahay waxaana muuqanaysa in ay adagtahay in maleeshiyooyinka lagu qanciyo in ay waddooyinka ka tagaan.

 

Waddada isku xirta inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye,ayaa haatan waxaa ka jirta xaalad aan caadi ahayn,waxaan jira isbaarooyin fara badan,oo gawaarida looga qaado lacago aad u fara badan oo hadii aanay bixinna gawaarida laga xayirayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Isbaarooyinkii oo ku soo xoogaystay Muqdisho iyo hareeraheeda, Wariye Maxamed Xuseen Jimcaale oo Saaka soo maray wadada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho

Posted to the Web Jun 24, 10:54

 

Muqdisho:-Gawaarida ka shaqeysa waddooyinka magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda ayaa u muuqda kuwo howlgabi raba, waayo waxaa soo xoogaystay isbaarooyinkii ka jiray Muqdisho iyo hareeraheeda, sidoo kale dadku waxay u muuqdaan kuwo ka niyad jabay hadalladii beerlaxawisiga ahaa ee ay hoggaamiyayaasha Muqdisho isla dhex marayeen maalmihii ugu dambeeyay, waxayna dadka Muqdisho ku dhaqan dhallinyaro iyo waayeelba is weydiinayaan: Ujeeddadii ay hoggaamiyayaasha Muqdisho ka lahaayeen oraahdoodii ahyad inay isbaarooyinka ka nadiifin doonaan waddooyinka Muqdisho iyo hareeraheeda mara?.

 

Su’aashaas jawaabteeda weli lama helin oo waxay la micno noqotay "Fallaartii cirka loo ganay ruux walboow filo" Isbaarooyinkii ayaa waddooyinka Muqdisho iyo hareeraheeda mara si weyn u soo camirmaya, waxaana layaab ku noqotay dadweynaha Muqdisho ku dhaqan isbaarooyinkii la qaaday oo dib ugu soo laabtay goobihii laga qaaday.

 

Safar gaaban oo aan saaka aroortii hore ku maray waddada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho ayaan ku arkay in ka badan isbaarooyinkii horay u yaallay waddada isku xirta labada degmo, waxaa ka mid ah isbaarooyinka aan arkay kuwo la iigu sheegay "Soo booddo" oo dheeri ka ah kuwa laamiga yaalla.

 

"Waa yaabe ma waxaan u shaqeynaa isbaarooley mise waxaan u shaqeynaa nafteenna" ayuu yiri darawalkii waday gaarigii aan saarnaa oo noociisu ahaa HOMMY, xilligaan waxaa darawalka ka muuqday wejigiisa dareen murugo iyo cabsi isugu jiray, waxaan weydiiyay su’aal ahayd: Qaddarka lacagta kaaga baxda Isbaarada? wuxuuna is deg-deg ah iigu yiri: "Hadday waa mid xad-dhaaf ah lacagta aan ku bixinno isbaarada, waayo hadda waxaa nooga baxa isbaarada lacag dhan 300,000 Shilling Somali oo waxaa uun helaan maalintii oo dhan lacag aan xitaa aniga nolol iigu filleyn, markii horena waxaa naga bixi jirtay 80-90-kun oo Shilling Somali, lacag wanaagsanna way noo soo hari

jirtay".

 

Intaa dabadeed waxaan weydiiyay tiradii isbaarooyinkii waddada horay u yaalay? wuxuuna iigu jawaabay: "Waxaa horay u oolli jiray 4-isbaaro oo keliya, haddase waxaa taal inta la og-yahay 13-isbaaro, mararka qaarna way ka bataan, waayo waxaa ku soo biira 5-6-isbaaro oo ah nooca loo yaqaan Soo boodada".

 

‘Nin u bareeray inuu isbaaro dhigto; miyaa ogolaanaya inuu qaado ama laga qaado, in xoog looga kacsho mooyee" ayuu ahaa hadal ka soo baxay haweeney qiyaastii 60-jira oo ka mid ahayd rakaabkii gaariga nala saarnaa, waxay haweeneydaas intaa ku dartay inay deggen tahay duleedka degmada Afgooye oo ay qudrad u iib geysato magaalada Muqdisho, weligeed aysanna arkin mixnadda iyo dhibaatada ka taagan maanta waddooyinka isku xira Muqdisho iyo Afgooye.

 

Si kastaba ha ahaatee; hadalkii hoggaamiyeyaasha Muqdisho ee ahaa inay isbaarooyinka ka nadiifinayaan waddooyinka Muqdisho iyo hareeraheeda ah ayaa u muuqdo hadla uun laga yiri afka ee aan laabta jirin, waxayna dadka qaarkood saadaaliyeen maddaama hoggaamiyeyaashu kooxuhu yihiin kuwa ay isbaarooyinku u yaallaan inay doonayeen in lacagaha isbaarooyinka ay ka helaan loo kordhiyo ee uusan xaajadu ka ahayn in la qaado Isbaarooyinka.

 

W/Q: Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

E-mail: jantiile12@hotmail.com

Mogadishu - Somalia

 

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

Let us not clanize this particular discussion (for not everybody lives revolve around how mighty or powerful or weak some clans are, while others equal clannish mythology’s obsession is beyond nightmarish).

 

I do not support Shariifka. I did not, in anyway ever, supported any Soomaali 'leader' since the civil war. I was just trying to correct you in a brotherly way, for your apparent subtlety disguising your frustration at your hapless lionized idol was duly noted, thanks to any discerning eye that cannot be duped that easily.

 

It seemed only yesterday that it was Xaabsade and et al. of RRA leadership you were glorifying upon your hero's landing in Baydhabo. What changed, my friend?

 

Oh, Xaabsade (an "RRA weak link clan member" nonetheless) now controls Baydhabo and didn’t listen the imploring, pleading words--and when that didn’t help, Old Man trying to cause a little internal clan civil war--and told your old man to go Xamar.

 

I would like to ask you one final, unequivocal question. Frankly.

 

Is C/laahi Yuusuf stooge to Sanaawi, the leader of Itoobiya? Yes or no, baliis. No ifs, buts and ands.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ No he is not a stooge of Zanawi in my opinion.

 

As for your commnents well put yet I can detect a small note of bitterness about the whole Baidoa episode. Lets not live in falsehood, clans exist factions exist, 4.5 formula has been adopted. The RRA is a movement representing a clan. So when I made my comments it was based on facts.

 

You claim Baidoa is under the control of Xabsade are you serious? Is it not under the over lordship of the Marka boss Inda Cade or was I mistaken?

 

Anyhow take care mate

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this