Sign in to follow this  
Hassan6734

Ahlusunnah:- dawlada oo aan taageerno

Recommended Posts

Ahlusunnah:- dawlada oo aan taageerno

Siminaar Soconaayay Moddo 5-Cesho ah oo ku saabsanaa Nabadda iyo sida lagu gaari karo ayna soo qabanqaabiyeen Culimada ururka Ahlusunna walajamaca ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay Hoteelka Naasa-Hablood TWO ee magaaladda Mugdisho.

 

Siminaarakaan oo socday intii u dhaxesay 17kii ilaa iyo 21kii bishaan 2009-ka ayaa waxaa ka qeyb qaadanayay Xunbo iskugu jiray Culumaa’udiin,Odoyaasha dhaqanka, Haweeynka iyo Aqoonyahanadda Soomaliyeed , waxaana diiradda lagu saarayay sida loogu saldhigikaro Nabadda Dalka Soomaaliyeed guud ahaanteed iyo Doorka culimadda, Aqoonyahanka, haweeynka iyo odoyaasha dhaqanka ay ku leeyihiin ka qeyb qaadashadeedda.

ahlu2.jpg

ahlu3.jpg

ahlu4.jpg

ahlu.1.jpg

Baaq: 1-Waxaan Dowladda Ugu hambalyeynaynaa dadaalka ay ugu jirto dib u heshiisiinta, waxaan ugu baaqaynaa inay sii kordhiso dadaalkeeda nabad raadineed kana daalin weligeed.

 

2-Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa inay taageeraan Dowladda maadaama ay qaadatay ku dhaqanka Shareecada Islaamka, lana siiyo fursad ay ku samayso cadaalad iyo hurumar.

 

3-Ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa fahamka diinta Islaamka inay ka raacaan Ahlu Sunna Wal-jamaaca maadaama Asalku kaa yahay.

 

4-Waxaan ugu baaqaynaa Dhamaan Culumida Ahlu Sunna Waljamaacainay wacyigeliyaan dadkaCaqiidadooda la marin habaabiyay ee Soomaaliyeed kana hortagaan waxkasta oo lidi ku ah diinta Islaamka.

 

5-Waxaan ugu baaqaynaa dhamaan kooxa ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliyeed inay joojiyaan xabadda, wadahadal nabadeedna la furaan Dowladda, waxaana diyaar u nahay in aan fidino gogasha wadahadal hadaanu nahay Ahlu Sunna waljamaaca.

 

6-Waxaan caalamka ugu baaqaynaa inay taageero buuxda oo dhan walba ah siiyaan dowladda sharciga ku fadhida, aana la dhiirigelinin qaswadayaal ka soo horjeeda Dowladnimada.

 

Baqaan ayaa waxaa ku saxiinaa Kusimaha Gudoomiyaha ahna Afhayeenka Golaha sare ee Ahlu Sunna waljamaaca -Somalia Sheekh C/Qaadir Sheekh maxamed Soomow.

 

Xeritaankii siminaarkaasi oo uu soo gabagabeeyay Wasiirka Wasaradda Diinta Awqaafta ee dawladda Federaalka Soomaliya Shiikh Nuur Cali Aadan.

 

Intii uu socday siminaarakaan ayaa waxaa ay ka qeeybgalayaashu si weyn uga hadleen arrimaha nabadgalayadda dalka iyo sida lagu dhalin karo, waxayna hoosta ay ka xariiqeen in loo baahan yahay sidii uu qof kasta kaalin mug leh uga qaadan lahaaayeen arrimahaasi, iyadoo lagu dabaqaayo sida ay qabto diinteenna islaamka ee xaniifka ah.

 

Culumaa’udiin badan oo qeeyb ka ahaa siminaarkaasi ayaa intii uu socday ka hadalay waxayna kagabagadii siminaarakaasi ka soo saareen Baaq ka kooban 6 Qodob waxaana uu u dhignaa sidaan.

 

Wasiirka oo ka hadalay xeritaankii siminaarkaan ayaa ku amaanay doorka culumaa’u diinka Ahlu sunah waljamaaca iyo xubnaha ka qeyb galay siminaarkaasi in ay yihiin kuwo loogaga fadhiyo in ay ka miro dhaliyaan qodobadda laga soo saaray siminaarakaasi , waxaana uu si koobana uga hadalay wax qabadka dawladda islaamka ee Soomaaliyeed ee uu hogaamiyo Sheekh Shariif Shieekh Axmed waxaana uu sheegay in ay dawladdu tahay mid ku dhisan Shareecadda Islaamka, sidaas darteedna loo baahan yahay in la is waafajiyo qodobadda ka soo baxay siminaaraka iyo waxqabadka dawladda, wuxuuna intaasi raaciyay in uu hor dhigi doono qodobadda ka soo baxay siminaarakaan Golaha wasiiradda si loo meel mariyo.

 

Wasiirka ka hor waxaa isna ka hadalay Sheekh C/Qaadir sheekh Maxamed Soomow oo ah afhayeenka Golaha sare ee ururka Ahlu sunaha waljamaaca, waxaana uu ka warbixiyay siminaarkaan la soo gabagabeyay ujeeddii laga lahaa iyo waxqabadka culimadda ururka Ahlu sunah waljamaaca iyo doorka ay higsanayaan, waxaana uu ka codsaday in ay dawladu u soo jeesato sidi dalka nabad guud loogu soo dabaali lahaaiyo dadaaladda ay wadaan Ahlusunna waljamaaca ee dhinaca nabadda iyo horumarinteedda, iyadoo buu yiri loo maraayo wadadda saliimka ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Just hush up and take your cheap lying propaganda outta here.

If its anyone who's working for ethiopia's interest than its none other than al-shabaab. But i would not expect someone like you to figure that out, would i?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this