Sign in to follow this  
Poker

Saddexda Xisbi Qaran Oo Isla Ogolaaday Qodobada Taladii Ay Beesha Caalamku Soo Jeedis

Recommended Posts

Poker   

Saddexda Xisbi Qaran Oo Isla Ogolaaday Qodobada Taladii Ay Beesha Caalamku Soo Jeedisay In Lagu Xaliyo Khilaafka Ka Taagan Doorashada Madaxtooyada

 

Hargeysa, August 24, 2009 (Haatuf) – Xisbiyada Mucaaridka iyo xisbiga talada haya ee UDUB iyo xukuumadda Riyaale ayaa la sheegay inay isla ogolaadeen qodobada taladii ay beesha caalamku soo jeediyeen in lagu xaliyo khilaafka cakiran ee u dhexeeyay, taas oo ay maalmihii u dambeeyay dhexdhexaadin ka dhexwaday wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya oo socdaal ku yimid dalka toddobaadkii ina dhaafay.

 

Inkasta oo aanu jirin war rasmi ah oo labada dhinac ka soo baxay haddana sida ay ilo xog-ogaal ahi sheegeen waxay labada dhinac ogolaadeen nuxurka labada qodob ee beesha caalamku soo jeedisay, kwuaas oo kala ah; In doorashada madaxtooyada lagu galo diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyadoo intaas ka hor la saxayo server-ka ay ku keydsan yihiin macluumaadka dadkii is-diiwaangeliyay, taas oo hawsha kala shaandhaynta serverkana laysla gartay inay ka shaqayn doonaan khubaro madax banaan oo laga keeni doono dalka dibaddiisa si loo saxo natiijada diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Serverka ku keydsan. Qodobka kale oo ah in xilliga doorashada la qabanayo lagu saleeyo muddada ay khubaradaasi ku taliyaan in lagu dhammayn karo hawsha sixitaanka macluumaadka diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Server-ka ku keydsan.

 

Xukuumadda iyo Komishanka Doorashooyinka ayaa dabayaaqadii bishii ina dhaaftay ee July laalay natiijadii diiwaangelinta codbixiyeyaasha, isla markaana ku dhawaaqay in doorashada lagu galo diiwaangelin la’aan, taas oo ay xisbiyada mucaaridkuna si adag uga soo horjeedsadeen iyagoo sheegay inaanay gelayn doorasho aan diiwaangelin lahayn, taas oo ay Beesha caalamkuna ku taageertay.

 

Hase yeeshee xukuumadda Daahir Riyaale ayaan ilaa muddadaas dheg u dhigin culayskii faraha badnaa ee kaga imanayay xisbiyada mucaaridka iyo beesha caalamka, ee ay kaga dalbanayeen inuu kaga noqdo go’aanka ay xukuumadda iyo komishanku ku laaleen diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee dalka ka dhacday dabayaaqadii sannadkii hore ilaa bilowgii sannadkan.

 

Haddaba go’aankan cusub ee uu Madaxweyne Riyaale ku ogolaaday in doorashada lagu galo diiwaangelin, lana saxo macluumaadka serverka ku keydsan ayaa u muuqda tanaasul ka yimid dhinaca xukuumadda oo in dhawaydba ku adkaysanaysay in diiwaangelin la’aan lagu galo doorashada Madaxtooyada Somaliland.

 

Xisbiyada mucaaridka ayaa qudhidoodana la odhan karaa waxay muujiyeen tanaasul kaas la mid ah, kadib markii ay ka hadheen mawqifkoodii ahaa in la sameeyo xukuumad ku-meel-gaadh ah oo dalka gaadhsiisa doorasho iyo in doorashada lagu galo natiijadii ku meel-gaadhka ahayd ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo in doorashada la qabto 27-ka September, wax muddo-kordhin ahna aan loo samayn muddada xilka xukuumadda oo ku beegan dabayaaqada bisha October 2009 iyo in la soo celiyo hay’adii Interpeace ee Komishanka ka caawin jirtay dhinaca doorashooyinka, taas oo ay xukuumaddu bishii ina dhaaftay ee July dalka ka saartay.

 

Ilaa hadda ma jiro heshiis rasmi ah oo ku saabsan labadan qodob ee dhinacyada khilaafku u dhexeeyaa wada gaadheen, hase yeeshee warar laga helayo ilo ku dhowdhow ayaa sheegaya in xisbiyada Mucaaridku maanta ahaan u gudbin doonaan mawqifkoodan cusub ee ay ku aqbalayaan labadii qodob ee ay Beesha caalamku soo jeediyeen in lagu xaliyo khilaafkii u dhexeeyay xisbiga talada haya ee UDUB iyo xukuumadda oo dhinac ah iyo xisbiyada mucaaridka oo dhinac ah.

 

Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya, Tekeda Alemu ayaa Arbacadii ina dhaaftay dalka booqasho ku yimid, waxaanay ujeedada socdaalka wasiiru-dawluhu ahayd sidii dhexdhexaadin uu uga gali lahaa khilaafka dhinaca doorashada ee u dhexeeya axsaabta qaranka iyadoo uu socdaalka wasiirka Itoobiya ahaa mid ku yimid talo ay ka wada yeesheen beesha caalamka ee Somaliland ka taageerta dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka.

 

Wasiirka Itoobiya ayaa muddadii uu dalka ku sugnaa dhexdhexaadin ka dhex waday xisbiga talada haya ee UDUB iyo xukuumadda Riyaale oo dhinac ah iyo xisbiyada mucaaridka ee UCID iyo KULMIYE, isagoo dhinacyadaas isaga dab-qaadayay isla markaana kulamo joogto ah la yeelanayay. Mr. Tekeda Alemu ayaa waxa uu dhinacyada khilaafku u dhexeeyay u soo bandhigay nuxurka labadan qodob oo uu sheegay inay talo ahaan beesha Caalamku u aragto in lagu soo afjari karo khilaafkan. Hase yeeshee xisbiyada Mucaaridka ayaa ka gaws adaygay isla markaana istaagay mawqif adag oo ay ku diidan yihiin in dib loogu noqdo natiijada diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee ku keydsan Serverka iyo in doorashada ku dhacdo 27-ka September oo aanay waxba iska bedelin, balse xisbiyada mucaaridka ayaa la sheegayaa inay mawqifkoodii wax iska bedeleen, qaateena mawqifka cusub ee ay ku ogolaadeen nuxurka labada qodob, kadib markii cadaadis badani kaga yimid beesha caalamka isla markaana la siiyay balanqaadyo ay beesha caalamku ka balanqaaday inay ka hawl-geli doonaan fulinta heshiiskan, iyadoo ay xisbiyada mucaaridku walaac ka muujiyeen inay xukuumaddu fuliso heshiiskan, hase yeeshee ay taas beesha caalamku ka balanqaaday inay culays ku saari doonaan xukuumadda Madaxweyne Riyaale iyo xisbigeeda UDUB sidii heshiiskani u fuli lahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this