Sign in to follow this  
Saalax

Halyeyadii Huriyey Hawl-galkii Inqilaabka ee 1961-kii Qaybtii 2'aad

Recommended Posts

Saalax   

67mnw7.gif

 

 

Halyeyadii Huriyey Hawl-galkii Inqilaabka ee 1961-kii Qaybtii 2'aad

 

Written by Qarannews

Dec 29, 2009 at 06:48 AM

 

Inkastoo aynu ka soo sheekaynay ujeedada iyo darreenka dhabta ah ee uu ka turjumayey inqilaabku, hadana waxa dad badani isweydiinayaan ilaa xadka ay le'ekayd dhibaatada keliftay in kooxdaasi ku dhaqaaqdo hawlgalka, maadaama waqtigii markaa laga joogay Midnimaddii dhex martay Somaliland iyo Koonfurta Soomaaliya uu aad u yaraa. Haseyeeshee, Wasiir Cawil oo aanu arrintaa wax ka weydiinay, waxa uu sheegay in haba yaraatee aanu jirin damac siyaasadeed oo kooxdooda ka hayey hoggaanka dalka, balse uu damiirkoodu siin waayey inay u dulqaataan damac siyaasadeedka indhaha la'aanta ah ee hoggaamiyeyaashii Koonfurta Soomaaliya kula kaceen siyaasiyiintii Somaliland.

 

Weli waxa aynu ku gudo jirnaa qormadeenii aynu kaga hadlaynay curashada hindisaha Inqilaabkii dhicisoobay ee Somaliland ka dhacay 1961-dii. Haddabaa, markii kooxdii saraakiisha ahayd ay isla oggolaadeen fulinta inqilaabka, waxa kale, oo ay si wada jir ah uga munaaqishoodeen waqtiag iyo goorta uu munaasib ku yahay hirgelintiisu, rog-rog fara badan ka dib-na waxa ay isla qaateen in hawlgalkaas dhaqaajintiisu ay ku haboon tahay 10th December 1962-dii, waqtigaasoo ku beegnaa Sannad ka dib markii Midowgu dhex maray Labadii Gobol ee Soamliland iyo Koonfurta Soomaaliya.

 

Haddabaa, markii halkaa xaalku marayey, ayaa sida uu Wargeyska Yool u xaqiijiyey Md. Xuseen Cali Du'caale (Cawil), waxa ay xubnihii Saraakiisha ahaa dareemeen dhaqdhaqaaqyo faro badan, kuwaasoo badankoodu iftiiminayeen inay suurto gal tahay in si dhib yar looga war helo qorshahooda inqilaabka.

 

Tusaale, ahaan waxyaabaha ugu waa weyn ee kooxdaa Saraakiisha ahayd ay ka dideen, waxa ka mid ahaa:

 

Xidhiidhkooda dhinaca isgaadhsiinta oo ahaa mid aad u liitey, maxaa yeelay, waxa waqtigaa dalka laga isticimaali jirey AARTII, kaasna, waxa ku hadalkiisa awood u lahaa Kornaylka oo keliya. Sidaa darteed-na xubnaha Saraakiisha ah ma uu jirin mid qudha oo gaadhay derejada Kornaylka.

Xasan Faarax (Xasan Fidhato) oo markii hore ka mid ahaa Saraakiisha ku heshiisay qorshaha inqilaabka. Haseyeeshee markii dambe ka cudur-daartay ka qayb qaadashada hawlgalka inqilaabka.

Arimahaasoo dhammaantood noqday kuwa dareeno shaki leh ku abuuray intii kale ee xubnihii Saraakiisha ahaa. Waxa kle oo iayduna xusid mudan goobaha ay kala joogeen oo aad u kal foggaa. Tusaale ahaan haddii aynu wax ka iftiimino goobihii ay ay waqtigaa ku kala sugnaayeen Sagaalka Sarkaaal iyo mid walba cidii xukumi jirtay, waxa ay ahayd sidan:

 

1. Xasan Cabdule Walan-walan (Xasan Kayd), Cabdilaahi Siciid Caabi, Siciid Cali Giir iyo Xuseen Cali Du'caale (Cawil), waxa intoodaasi joogtay Magaalada Hargeysa, waxaana qaybtooda Kornayl ka ahaa Cornal Cismaan Sabriye oo ahaa ****** Xawaadle.

2. Maxamed Cabdulaahi (Muxumed Awr), waxa uu joogay Goraya-cawl, halkaasoo uu Kornayl ka ahaa Cornal Nuur Cadow oo ahaa ****** Xawaadle.

3. Cabdulaahi Aadan Koongo iyo Faysal X. Jaamac, oo iyaguna joogeen Magaalada Burco, waxa Kornal u ahaa qaybtooda Cornal Cabdilaahi Yuusuf ********** *******.

Taliyah Guud ee Ciidamadii Xooga dalka Soomaaliya, waxa waqtigaa ahaa Maxamed Caynaanshe, oo isaguna dhalasho ahaan ka soo jeedey H.Y - Isq, balse ku kacaamay waxna ku baratay Koonfurta Soomaaliya.

 

Kala soco Caddadka Dambe wargayska Yool

 

 

http://www.qarannews.com/index.php?option=com_content&task=view&id=6843&Itemid=62

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this