Sign in to follow this  
Gabbal

Where has Bootaan Ciis Caalin alias Xaaraan-ku-naax gone after his defeat?

Recommended Posts

Gabbal   

Wasiirkii hub ka dhigista Bootaan Ciise oo aan la garanyn goob uu u baxsaday dagaalkii saakay kaddib

Posted to the Web May 31, 12:07

 

Muqdisho (PP) - Wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Malleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalin ayaa waxaa ka soo baxaya goobta uu abbaaray warar is khilaafsan iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan inuu aaday dhanka Degmada Jowhar oo uu u baxsaday.

 

Mar aan booqday deegaanka Suuqa Xoolaha oo uu deggenaa oo saakay dagaallo culus ay ka dhaceen ayaa waxaa ku sugnaa ciidammo ka tirsan kuwa miwoga gurigiisa, waxaana tani ay keentay in la is weydiiyo halka uu u baxsaday Wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Malleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalin oo isagu halkaas ay ciidammadiisu ka talinayeen.

 

Wasiirka ayaa wararka qaarkood waxay sheegayaan inuu nafta ula baxsaday dhanka Degmada Jowhar oo uu ka taliyo Maxamed Dheere oo ay ka wada tirsan yihiin Isbahaysiga la dagaalanka Argagaxisada, waxaan sidoo kale la sheegayaa inuu ku sugan yahay Degmada Balcad oo aanu horay u sii gudbin isla markaana wado abaabullo uu ku soo weerarayo fariisimadii saakay lagala wareegay.

 

Warar kale ayaa sheegaya inuu u baxsaday dhanka Degmada Dayniile oo uu iyadana ku sugan yahay Maxamed Qanyare oo ah wasiirka amniga Qaranka ayna ka wada tirsan yihiin Isbahaysiga, balse si dhab ah cid u xaqiijin karta halka uu abbaaray ma jirto weli.

 

Wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Malleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalin ayaa warar waxay sheegayaan inuu la baxsaday qaar ka mid ah ciidammadiisa ayna ku wada sugan yihiin Duleedka Waqooyi ee xaafadda Suuqa Xoolaha, halkaasoo la sheegay inay ka wadaan abaabullo ay ku soo weerarayaan deegaankooda.

 

Dadka Deegaanka ayaa xaqiijinaya in dagaalkaan uu ahaa mid u dhacay si kaddis ah isla markaana lagu kadiyay kuwa Wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Malleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalin, iyaguna ay isaga carareen goobihii ay ku sugnaayeen, waxaase wararka qaarkood ay sheegayaan inay wateen qaar ka mid ah ciidammada maxkamadaha oo ay ku qabsadeen maxaabiis ahaan, balse ma jiraan warar madax bannaan oo sheegaya arrintaas.

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Talihii Ciidammada Wasiirka Hub ka dhigista oo saakay lagu dilay deegaanka Suuqa Xoolaha

Posted to the Web May 31, 18:00

 

Muqdisho (PP) – Taliyihii ciidammada Wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan-celinta Malleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalin (Xaaraan-ku-naax) oo lagu magacaabi jiray C/qaadir Ciise Xasan ayaa lagu dilay saakay deegaanka Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho.

 

Taliyahaan ayaa xilliga la dilayay ku sugnaa garaash weyn oo ay cidammadaas ku lahaayeen deegaankaas, waxaana la sheegay inuu ahaa sarkaalkii la diay ee diiday inuu raaco, waxaana la sheegay in dhowr xabbadood laabta iyo madaxa looga dhuftay halkaasna uu ku dhintay.

 

Dadka Deegaanka Suuqa xoolaha ayaa ku tilmaamay ninkaas inuu ahaa nin aad u naxariis daran isla markaana dadka deegaanka dhibaatooyin kala duwan u geystay, waxaana la sheegay in dagaallo badan oo ka dhacay deegaankaas uu hormuud u ahaa.

 

C/qaadir Ciise ayaa maydkiisa wuxuu dhex yiillay garaashka lagu dhex dilay xilli ay Puntlandpost halkaas booqanaysay maanta, waxayna dadka deegaanka u xaqiijiyeen wakiilkeenna inuu C/qaadir ahaa nin aad u dhib badnaa, balse ay walwal iyo walaac ka qabaan kuwa Maxkamadaha oo aysan garanayn dabeecad ahaan waxay la soo bixi doonaan.

 

Dadka deegaankaas ayaa dagaalkaan wuxuu ku noqday mid qaflo ah oo ugu dhacay si lama filaan ah sababayna inay ku dhintaan deegaankaas dad rayid ah oo aan warba ka hayn dagaalkii saakay ka dhacay deegaankaas xilli ay u kalahayeen howlahooda maalmeed.

 

Weli waxaan la garanayn halka uu si dhab ah ugu sugan yahay Wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan-celinta Malleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalin (Xaaraan-ku-naax) oo saakay ka baxsaday gurigiisa oo ay hadda gacanta ku hayaan Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Suuqa Xoolaha, ooh yaa Allaah, this place brings me some harsh memories and disturbing images, this is where one of the deadliest fighting took place in 1990/1991, it had even a nickname, can't say it due to the rules of SOL, a whole convoy of army led by General Jaamac Shire(from Hiiraale clan,he died) from Xerada Hiilweyne with civilians also from Hiilweyne(or Carrafaag) were destroyed, that day alone, in just one hour, more than 80 women lost their husbands and became widows, the siege or go'doonka lasted 6 hours, people mainly children and women were massacred in suuqa xoolaha, one by one was taken and put in the laamiga then shot on the head, only few civilians including my family survived(my sister had minor injuries) and then we were escorted to Ceymiska then xerada 77, we got help from ciidamada xooga dalka who were in the ceymiska and 77 at that time.

 

when ever I hear suuqa xoolaha, I see live disturbing images in front of my face, a friend of mine who was with us dat day and now lives in America told me he may write a book about that day.

 

 

sorry, I didn't mean to deviate from your topic HornAfrique

 

it is unfortunate, that we are seeing another fighting again and again and again.

 

Muqdisho goormaad sidaadi ku soo noqon

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Nuune, I know the event full well sxb. Dagaalkaa dhan aaga gurigayni ayuu ka bilawday waliba waxuu ahaa dagaal reerkeenu loogu dan lahaa. Suuqa Xoolaha was my neighborhood although it wasn't a neighborhood then but a mere suburb away from the busy city center (the reason my family home was built there).

 

Maalinku aad sheegaysi ima soo marin. Iyadoon dhacin baa Muqdisho ka qaxnay. Waxaan u malaynayaa inaan Nairobi joogay markay dhacday dhacdoonkaas aad tilmaantay. Lakiin dad badan baa lakulmay siiba rer abtiyaashay oo wali magaalada joogay wagaas oo iiga sheekayay.

 

No need to apologize. Having witnessed that before only makes one more sympathetic to the plight of the people there now.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maalinku aad sheegaysi ima soo marin. Iyadoon dhacin baa Muqdisho ka qaxnay. Waxaan u malaynayaa inaan Nairobi joogay markay dhacday dhacdoonkaas aad tilmaantay. Lakiin dad badan baa lakulmay siiba rer abtiyaashay oo wali magaalada joogay wagaas oo iiga sheekayay.

LooooooooooooooL......Waan Naga Hor Qaxdeen haye...yu could give people heads up my man... :mad:

I guess only those who thought da fall of Barre would bring peace and stability stayed behind. Who knew this gonna turn into war of extermination.

 

Where we lived (near Buntland N hotel Guled), they were searching houses and not even sparing young boys. "Ciidanka Xooga" were no better. Anyone not deemed to belong to Barre's larger tribe was executed on da spot.

 

The nature of current war in Xamar might be diffirent, but the results are sadly da same..Unimaginable of Somali lives.....Somali Waa is dhamayse.Alla Ha kala Qaboojiyo!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

I guess only those who thought da fall of Barre would bring peace and stability stayed behind. Who knew this gonna turn into war of extermination.

No. It was an extermination from start to end. The only difference being that it was first directed at those of Barre's subclan and after the city was empty of them, became directed against, for historical reasons, all those of Barre's greater clan.

 

We had not left because we believed the continuation or fall of Barre would lead to peace or security but because we had been under siege and under-attack even before Villa Somalia itself was under-attack. We had evacuated because we had been tasting what the rest of the city would learn to taste months and years later. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abaadir   

Suuqa xoolha... waxaan xasuustaa meeshaas oo duur ah oo macalinka dugsiga ulo nooga diro. so.. you guys know school mahamud warsame Zio.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nuune, dhacdadaas wax laga naxo waaye.

 

Laakiin waxaa u maleynaa dadka geystay waxaas meel ayaa laga haaye, oo ciil ayee qabeen, inkastoo maati waxba galabsan inay saas u gaalaan waa xoolonimo.

 

Ciilka haaye aan ka wado waxaa waaye Suuqa Xoolaha iyo agagaarka Huriwaa kor waxaa ka socday markaas Booli Qaran II, oo xataa qabuuro meesha ku yaalay ayaa la faagay, laga dhistayna daarad waa weyn iyo filooyin. Dadka buga ciilkaas ayaa ugu duugnaa aan filaa, oo ku kaliftay ayaandaranimo inay xasuuqaan shacab iyo maati, ku jiraan ciyaal iyo haween waxba galabsan.

 

Go'doon kale oo waxaa jiray ka dhacday Carwadii ku taalay Taleex. Askartii Darawiishta ahaa ayaa xoog iskugu rikibay Carwada dhexdeeda, oo xataa ka dambeeyeen maalmo markii Siyaad Barre laga saaray Xamar.

 

Markaa Xamar kusoo noqonay toddobaadyo ka bacdi ayaan arkay see Carwadaas u burbursanayd, inta kalena xaafadaha kale caadi u ahayeen. Saa'id ee isku duqeeyeen jabhadii USC iyo ciidankii Daraawiishta la dhihi jiray meeshaas dhufeys u galay.

 

Uultima markee arkeen in uu meesha neef ku jirin, oo wax ee difaacaayaan aysan jirin ayee xoog ku baxsadeen, iyagoo lagu wareegsan yahay waliba.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Ciilka haaye aan ka wado waxaa waaye Suuqa Xoolaha iyo agagaarka Huriwaa kor waxaa ka socday markaas Booli Qaran II, oo xataa qabuuro meesha ku yaalay ayaa la faagay, laga dhistayna daarad waa weyn iyo filooyin.

Istaqfurulaah.

 

War ninyaho miyaad Islaam ahayn :confused: Qolkaan adigoo been, broobagaanda, iyo aflagaado hal beel aad xarash u dhigatay ka odhanayn maahe wax kale adigoo sheegahaya kuma arkin. Wajigaadu dadkaad rabtid isku qurxi, wax badan baynu kuu dulqaadanay, dhoor jeerne intaad tagtaad soo laaban markaan waxaad meesha ku qoraysay qarxinee dulmiga iyo cayda jooji! Ninyaho wallahi cuqdad iyo wax aan loo baahnin baa si saa'id kugu aloosan ee dulmiga iyo beenta intaa gaarayso JOOJI!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yarka iga koreeyo, intaanan Islaam iyo wax kale ka hadlin: How is your worshipped idol "God-like, honoured and respected" war[LORD] Hiiraale doing? Do you still keep a shrine at home, dedicated absolutely to his every whim? :D:D

 

Nin qof -- no, not qof, but a dagaal-ooge, fidna-wade, a classic warlord -- caabudo qofkii la doodi jiray ayaa ka gardarnaa. Taas kasoo towbad keen intaadan lasoo shirtagin wax kale. Ii baashaal aan ku dhahay mar labaad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^^^Bro, The massacres in Xamar can't be justified but you gotta admit elitist D mentality didn't help the Somali situation.

Our people's sheer arrogance in believing that they had divine right to rule Somalia killed the spirit and promise of the Somali nation!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidammo iyo tikniko ka yimid Kismaayo laguna xoojinayo kuwa Maxkamadaha oo soo gaaray Afgooye

Posted to the Web Jun 03, 10:28

 

 

Afgooye (PP) - Ciidammo iyo tirkino ay wataan oo lagu wado inay gacan siiyaan dhanka Maxkamadaha Islaamiga ah kana yimid Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa xalay soo gaaray duleedka Magaalada Afgooye ee Shabeellada Hoose.

 

Tiknikada ay wataan ciidammadaan oo ka soo ambabaxday magaalada Kismaayo dabayaaqadii toddobaadkii hore ayaa waxay gaaraysaa in ku dhow 20-gawaarida dagaalka ah iyo cidammada la socda oo gaaraya boqollaa askari, waxaana la sheegay inay xoojinayaan kuwa Indho-cadde oo ku sugan deegaanka Carbiska ee degmada Afgooye.

 

Ciidankaan ayaa la sheegay inay isku dayayaan inay awood ku furtaan waddada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho oo uu fariisin ka dhigtay Cabdi Qaybdid, waxaana dadka deegaannadaas ku dhaqan ay cabsi weyn ka muujinayaan dagaallo ka dhaca deegaannadooda oo keeni kara qasaare naf iyo maalba leh.

 

Guddoomiyaha Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellada Hoose C/llaahi Xaaji Dhuxulo iyo guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Yuusuf Indho-cadde oo labaduba ka soo jeeda beesha uu ka soo jeedo Xasan Daahir Aweys ayaa daboolka ka qaaday in xoog lagu furayo waddadaas haddii Cabdi Qaybdid uu diido waawaanta ay waddaan guddiyada Habar-gidir ee Muqdisho ku sugan.

 

Arrintaan ayaa waxay cabsi weyn ku abuuray guud ahaan dadweynaha ku dhaqan Gobollada Banaadir iyo Shabeellada Hoose, waxaana dhanka kale Cabdi Qaybdiid uu sheegay inay gacan bir ah kala hortegi doonaan cid walba oo isku dayda inay ku soo duusho fariisimahooda waddada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mial: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Miskiin

...dadka geystay waxaas meel ayaa laga haaye, oo ciil ayee qabeen....

War awaye qolodii SOL ka masuulka ahayd? ninkaan wax haloo sheego haddaan la bann gareen karino waa haddii sharciga SOL la raacayo waaye, waayo wuxuu halka la soo taagan yahay dadkii SUUQA XOOLAHA dadka xaqdarada ku laynayey waa GARTOOD??????? what a sad!

 

Ayaan daro dheh, where is the admin here this time?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this