Sign in to follow this  
Kamalu Diin

Yusuf Garaad waakuma by Dahir Abdulle Alasow

Recommended Posts

Waraysi xiiso badan oo aanu la yeelanay tafatiraha shabkada Waagacusb Daahir Alasow

 

 

DahirAlasow11.jpg

Dahir Abdulle Alasow oo ah Tififtiraha Website ugu afdheer dhinaca Shabaakadaha Koofurta Soomaaliya ee Waagacusub ayaanu Wareysi dhinacya badan kala yeelanay xaaladaha guud ee Soomaaliya iyo sida koofurta looga arko Jamhuuriyadda Somaliland

 

Hadaba Wareysigga Daahir Alasow wuxuu u dhacay sidatan:

 

S: Mudane Dahir waxaad marka hore nooga warantaa bal xaaladda koofurta Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho oo aad ku sugan tahay?

 

J: Waad Mahadsan tahay Tafatire waana idin salaamayaa adigga iyo dhamaan asaxaabta kale ee Warbaahinta Somaliland ka hawlgasha" Runtii xaaladda Koofurta Soomaaliya waliba Muqdisho way ka sii daree,waana macquul wax walba inay ka dhacaan ,dilka waa iska joogto,Isbaaradii waa soo laabatay,habeenkii way adag tahay sida loo tamashle iyo sheeko tago,waxaa laakiin intaas dheer oo naxdin iyo qaracan badan Madaafiicda oo Shacabkii lagu barakiciyay,marka aan kuu soo koobo waxaa ka jira qandaraasyo badan Muqdisho,kooxahii la jibiyay ee Maxaakiimta dowladda taageersan baa qandaraas ku bixiyay in Madaafiic lagu tuuro Itoobiyaanka iyo kuwa reer Puntland runtiina iyagna Naxariis la’aan bay kaga soo jawaabayaan waayoo meesha ay joogaan Addis Ababa maaha,mana ahan Garowe,waxaan ula jeedaa Caruur kama joogto,sheekaduna waxay isugu biyo shubataa iskudarka dhimashadda reer Muqdisho intee dhan tahay.xitaa eeda iskama lahan Maxkamadaha oo kaliya ee waxaa la rumaysan yahay inay dowladda kaalin ku leedahay si Ciidamadda Afrikanka loo soo dedejiyo.

 

S: Daahir sidee looga arkaa Muqdisho dib u heshiisiinta uu Cabdilahi Iclaamiyay in lagu qabanaayo Muqdisho bisha April?

 

J: Walaahi dadka way ku adag tahay inay aaminaan Cabdilahi Yusuf baa dib u heshiisiin dhab ka tahay balse marka aad la sheekeeysato dadka aad ayay u hadal hayaana waxaana loo arkaa wax fiican in shir dib u heshiisiin lagu qabto Muqdisho maxaa yeelay waa Caasimadda Dalka,xitaa Cabdilahi Yusuf sharaf buu ku helayaa taas maxaa yeelay waxaa dadka badankiis qabeen wuxuu dhihi doonaa Garowe ayay ka dhacee dib u heshiisiinta.kkkk laakiin hadii anigga aan kaaga hadlo fikirkeeyga Shirkaas April la iclaamiyay oo ay gudoomin doonaan Cali Mahdi ,Cabdi Raxmaan Xuseen iyo Cali Marguus waxaan u arkaa Riwaayad NINBA TIMA XAMAR,maxaa yeelay Muqdisho kumaba taalo meel ay ku shiri karaan sedex kun oo qof,hadii aanan Goofafka teendhooyin looga sameeyn doonin,mida kale heshiis marka laga hadlayo waxaa iswaydiin mudan yaa la heshiisiinayaa Madaxweyne Yusuf ma ogol yahay in la heshiisiiyo isaga iyo hogaamiyaasha Maxaakiimta,mise sidaas maahee waxaa Xamar lagu heshiisiin doonaa ******* VS ****** sababtoo ah,********* wax dhiba ma qabto cidna la col maaha ,***** degaankiisa waxaa ka jirta dowlad ka madaxbanaan Soomaaliya oo waa Somaliland ,sheekadda waxay u muuqataa in Beesha Caalamka uun dhaqaale looga qaadan doono.

 

S: Warbaahinta Koofurta gaar ahaan tan Muqdisho sidee uga hadlaan Arrimaha Somalland?

 

J : Warbaahinta Muqdisho markii hore wax badan kalama socon Somaliland oo runtii aad ayay u yaraayeen wararka dhinacaas taasna waxay fursad siisay Idaacadii Caalamigga ahaan jirtay ee BBC Somali oo haatan ah ama u shaqeeyso qaab Idaacad shaqsi leeyahay taas oo inta badanba la moodo mid dagaal kula jirta jiritaanka iyo nabadda Somaliland,waxaa laga yaabaa inaysan waxa aan ka hadlayo fahmi Karin dad badan maxaa yelay waxay fahmi karaan marka ay tagaan Jamhuuriyadda Somaliland nabadda ka jirta,horumarka ay gaareen shacabkaas iyo wararka ay BBC Somali faafiso oo ah kuwa uun ku saleeysan iska hor keen iyo la magacbaxday.

 

S: Dahir ma waxaad aaminsan tahay in BBC Somali kula jirto Somaliland dagaal iyo Cuuryamin dhinaca Warbaahintaa?

 

J: Jawaabtayda waa mid sida bisha oo kale u soo muuqato tusaalooyin waxaa kuugu filan Sanadguuradii ugu dambeysay ee Ciidamadda Qaranka Somaliland markii uu diray Axmed Siciid Cige lama baahin ee khashinkaa lagu daray,waan ka warheynaa ,BBC Somali raga jooga kama sino ,waana kala warqaadaanaa maalin walba waxaa Colaadda ugu wayn Somaliland u qaba waa Yuusuf Garaad oo ah ninka hada meesha madaxda ka ah,anigga iyo Yusuf isku reer baan nahay waana ku kala aragti duwanahay Somaliland ,isaga wuxuu ii yaqaan Wiil Qaran dumisa oo Somaliland ku tilmaama Jamhuuriyad ,aniguna waxaan u aqaan Hogaamiye kooxeedka Saxaafadda Koofurta Soomaaliya,waxaan mararka qaar is iraa godob gaara beesheena kama gelin Reer Somaliland ee toloow Yuusuf ma wuxuu raja ka qabaa in loo magacaabo Madaxweynaha Somalia iyo Somaliland, waayoo Shantii Somaliweyn kala tagtay.Jabuuti waa dowlad,waxaana dowladaas dhistay Ciise Madoobe iyo Xanfar,wayna ku jiraan afar Siyaasi oo Samaroona,Cida qabta Somaliland waxay dhaawacee midnimadda mey Jabuuti u yeerto,beelaha dega goboladda Waqooyi iyo Ciise Madoobe yaa badan,NFD Somalida degta tiradeeda iyo tan Somaliland isku miisan ,kilinka shanaadna soo qiimee,bal Caqligaadda xisaabi ee Somaliland hadii ay aqoonsi heleeyso maxaad ku diiday,maxaadse u xaqiree horumarka ay gaartay.

 

BBC Somali waxay Somaliland u diiday inay siiso dhaqaalaha horumarinta Idaacadaha ,tusaale Idaacadda Boosaaso ee SBC lacag ka badan shan iyo toban kun oo dollar ayay bil walba siisaa,sidoo kale Idaacadda Muqdisho ee Hornafrik,uuna Yusuf ka mid yahay Saamileeydeeda labaatan iyo dhowr kun bay qaadataa bishii oo ku qaadataa baahinta Wararka BBC World Service,hadaba maxaa u diiday in la siiyo Idaacadda Hargeysa lacagtaas.waxaa igu maqaalaa in BBC markii hore siin jirtay Xukumadda Somaliland sanadkii toban kun oo dollar,hadana ay ku biiriyeen laba kun oo la gaarsiiyay toban iyo laba kun dollat,dhab ahaantii waa wax laga naxo,laguna qoslo.maxaa yeelay qiyaanadu waxay tahay Solarbaa lagu dhageeysanayaa oo laga hergeliyay Hargeysa oo qura.

 

S: Dahir sida aad sheegtay BBC Somali cadaadis xoogan bay ku haysaa Somaliland ,Wariyaasha reer Muqdisho hadii aad tahiin arrintaas sidee uga garaawdeen?

 

J: Markii hore Wariyaasha Muqdisho waxay isaga heysteen Somaliland meel ay maamulaan hal jufo oo ay ugu yeeri jireen ******,iskana barjeeya laakiin nasiib wanaag hada wax badan bay ka fahmeen waayoo anigga waxaan ka mid ahaa Wariyaashii ugu horeeyay ee tagay Somaliland kana soo diray muuqaal guud oo xaqiiqadda ka hadlaya,wixii ka dambeeyana way sii kordhayeen calaaqaadka labada dhinac,SOLJA iyo ASOJ,haatana waxaa Hargeysa ku sugan Wariyaashii ugu badnaa ee Reer Muqdisho ah kuwaas oo u socda laba Ujeed oo ah inay ku soo qaataan tababar iyo inay soo qiimeeyaan Somaliland,warbixinadooda Idaacadaha iyo Wargeysyadda Muqdisho ayaa faafiyay,dad badan oo jiifayna way ku tooseen maxaa yeelay Seminaarka loogu qabanaya Hargeysa Hay’adii bixineeysay way diiday inay Xamar timaado,maxaa u sababa Nabadgelyo la’aan.markii ay tageen oo ay arkeen Magaaladda qaarkood oo ay ugu horeysay waa farxad iyo rayn rayn nabadeed oo lagu laray hab wanaag maamul.

 

S: Waxaa la sheegay in Yuusuf Garaad uu kaala hadlay inaad joojiso Wararkaadda Somaliland iyo taageeridda kooxo isaga qaniinsan oo ka soo kala jeeda Somaliland,Puntland iyo Muqdisho maxaa ka jira?

 

J: Waa jiraan rag fara badan oo Wariyaal ah iguna yiri waxaan dooneynaa inaan idin dhexdhexaadino adiga iyo Yusuf Garaad oo aysan cadawga idinka faa-iideeysan laakiin anigu waan la yaabay run ahantii maxaa yelay anigga iyo Yusuf Garaad dagaal nagama dhaxeeyo isaga waa Tifaftiraha BBC Somali ,anigana waxaan ahay Tifaf tiraha Waagacusub maxaan ku dagaalnaa ,ma waxaa dagaal ah hadii aanan qabiil ku taageerin oo aan iraahdo war ninkaas waa qabyaaladiiste,waa Hogaamiye kooxeed Saxaafadeed,wuxuu lumiyay oo wasaqeeyay magacii BBC ,sharcigiibuu jibiyay,wuxuu ka dhigay BBC ,Radio Yusuf Garaad,meel uu isaga leeyahay,Wariyaashii aqoonta Saxaafadda lahaabuu nolosha ku aasay,wuxuu maalin walba qortaa mid ku juffo hoose ah,xidid yihiin,ama dano hoose uu la wadaago,ma been baan sheegay,hadii aan ahay wiil iska hadla bal yaa ugu dambeeyay oo Yuusuf Garaad xamar ka shaqaaleeyay,yuu yahay jufo ahaan,intee odaybeey yusuf kala tirsadaan,aqoontiisa Saxaafadda heerkee ayay gaarsiisan tahay? Waa wax laga yaaqyaaqsoodo,dad baa laga yaabaa inay ku fikirayaan Daahir armuu shaqa ka rabay BBC waligeey kuma fikirin,xitaa inaan Wareysi siiyo konton mar baan diiday ,Nairobi,Hargeysa iyo Muqdisho sababtoo ah,ujeedkeeyga maaha in BBC leyga maqlo,aduunka horumar buu gaaray Online,daqiiqad walba wixii ka dhaca Somaliya kala soco,hadiise ay dhacdo inaan BBC Somali ka hadlo Yuusuf oo madax ka ah ,waxay ka dhigan tahay inaan shaqa doon ahaa."Waxaanse aad ula yaabay Wariyaasha u dhashay Somaliland ee BBC Somali ka tirsan hadana aan dhihi Karin Waar wada shaqeynta iyo sharcigga ilaali oo danahaagga gaarkaa haku waxyeeleeyn Dadka iyo dalka reer Somaliland,anaga runtii kama yeeleeyno Yuusuf Garaad inuu wax noo meeriyo,waayoo anigga Daahir ahaan alla mahadii garaadkeeyga waa kobcay,dhaqaalo kagama baahni oo waxaan filayaa inaana jiilkii iga horeeyay iyo kuwa ila simanba gacanta u hoorsaneyn maxaa yeelay waligeey Ganacsade ayaan ahaa,waxaan ka soo bilaabay jeeble Sigaar, Sigaar wareejin hadana heer wacan baan ka gaaray ganacsigii,marka arrinta ku saabsan Yuusuf Garaad baa igala hadlayay inaan joojiyo wararka Somaliland waa iska sheeko raqiisa ,sideebaan ku joojiyaa soow anigga Wariye maaha oo war ma doonayo,soow Waagacusub Warbaahin maaha oo loo samayn in wararka lagu faafiyo,maxaa ka galay Yusuf ma isagaa madax ka ah,jawaabtu waa maya,runtii ma jecli inaan ku fogaado arrinta BBC Somali waayoo aniga maba dhageeysado waa saaxiibadeey way ogyahiin inaana dhageysan oo aanan waqti ku lumineyn fikir hal qof wato in la igu shubo,marka waxaan oran karaa Somaliland waa dal dadaal badan sameeyay ,dee aqoonsigga waxay kala mid tahay dunidda oo Dalwaynaha shiinaha afartan iyo sedex sano ayuu aqoonsi doon ahaa,kadib buuna helay.

 

 

 

Qarannews

Share this post


Link to post
Share on other sites

Has this dude been bribed by Riyaale or something. Qabiilkeyga waxey somaliland ku sameesay ma aqaano kulahaa bbc ma qabiil baa leh. This dude is nuts

Share this post


Link to post
Share on other sites
OLOL   

Dahir Abdulle Alasow , the ex-roadblock chief, applied a job in the BBC and he had no qualifications whatsoever, no formal schooling, and had to compete with Sijuui brothers who are multi-talanted linguists with university degree. Dahir thinks since Yusuf is from his clan, he is entitled to work in the BBC. after his hullicination didn't materialize, he became bitter and fumes with disses here and there...

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Originally posted by Jabarjaan:

Has this dude been bribed by Riyaale or something. Qabiilkeyga waxey somaliland ku sameesay ma aqaano kulahaa bbc ma qabiil baa leh. This dude is nuts

That is how some Somalis think. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this