Sign in to follow this  
Jacaylbaro

The Latest Situation in Mogadishu from Another Point of View

Recommended Posts

Dagaalkii Muqdisho oo istaagay laba maalmood

 

Aroornimadii Khamiista 26 Apr 2007 ayaa waxay magaalada Muqdisho ku waabariisatay waji cusub oo ah inay habeen madow banneeyeen dagaalyahankii Soomaalidu dhammaanba goobihii ay dagaalka ba’an kula galeen Isbahaysiga Saliibiyiinta dagaal socday ilaa badhtamihii bishii March.

 

Haddaba waxay dad badani is waydiinayaan halka ay ka baxeen ciidankii faraha badnaa ee waliba soo kordhayay maalinba maalinta ka danbaysa ee dagaalka taariikhiga noqday la galay Isbahaysiga Macatab Ku Dirirka? Maxaase kallifay inay ka baxaan deegaamo fooda la soo galin waayay mudo asbuucyo ah? Miyuu dhamaaday dagaalkii? Miyay baxaysaa Ethiopia? Ma hirgashay dawladii dagaal-oogayaasha ee ay cadowgu u soo sameeyeen Soomaalida? Iyo maxaa dhici kara mustaqbalkan dhaw?

 

Haddaba wuxuu barnaamijka WAR LUGEED ee aad uga barateen taxliilaadka madaxa bannaan ka jawaabayaa maanta dhammaanba su’aalahan.

 

Xaggay ka baxeen ciidankii Muqaawamadu?

 

 

Dagaalyahankii Soomaalida ee dagaalada taariikhiga la galay Isbahaysiga Macatab Ku Dirirku ma ahayn tira yar. Waxaa lagu qiyaasayaa inay ahaayeen ilaa 6000 askari. Tiradani waxay heerkan gaadhay bilowgii bishan kadib markii dagaal faraha la isula tagay ay dhaceen magaalada Muqdisho dabayaaqadii March. Dagaalyahankani siday naar ugu afuufayeen cadowga ayaa aroornimadii Khamiista waxaa aagii laga waayay xabad soo dhacaysa. Waxayna ku qaadatay cadowga inay ku dhiiradaan aagaas tagaana ilaa galabnimadii iyaga oo aad uga cabsanayay inay furintaas galaan. Ciidankii haddaba xaguu galay?

 

Ciidankii xoogaas lahaa wuxuu ku jiraa magaalada Muqdisho wuxuuna ku sugan yahay guud ahaan magaalada. Waxay wataan hubkoodii oo dhan oo uu ka mid yahay lidka diyaaradaha, lidka taangiga iyo hubka noocyadiisa kale ee kala duwan. Waxaa taas sii dheer ciidankani ma aha mid xoog lagaga qabsaday deegaamadan. Waxay dad badani xasuustaan in masaafo 1km ka yar lagu dagaalamay 2 asbuuc. Deegaankaas ay dirirtu ka dhacday Dagaalyahanka Soomaalidu kagama tagin wax mayd ah iyo wax dhaawacmay toona.

 

Ilo ku dhaw-dhaw xoogaga Islaamkuna waxay sheegeen inay khasaaraha soo gaadhay Dagaalyahanku uu ka yar yahay dhimasho iyo dhaawacba kii ka soo gaadhay dagaalkii Isbahaysigii Ashahaado La Dirirka ee ay ku bahoobeen dagaal oogayaasha beelaha ****** bishii June 2006. Taas micnaheedu waxaa weeye Macatab Ku Dirirku waxay waxyeelo ba’an gaadhsiiyeen shacabka Soomaaliyeed ee khasaaraha dagaalyahanku wuu yar yahay. Waxaa kale ciidanka Dagaalyahanka Soomaalidu wuu ishaystaa dhammaantii maamulkiisii, hubkiisii, dhaqaalihiisii iyo waliba kaartooyinkii dagaal oo aan cadowgu qabsanin.

 

Maxaa kallifay inay ka baxaan deegaamo fooda la soo galin waayay mudo asbuucyo ah?

 

Habeenimadii Khamiistii 26 Apr 07 ayay dagaalyahanka Soomaalidu dib u habayn ku sameeyeen kaartadii dagaal ee ay ku jihaadayeen ilaa bishii March markii dagaalada kululi ka bilowdeen magaalada.

 

La taliyayaasha dagaalka ee dagaalyahanka Soomaalida ayaa ku tilmaamay hanaanka difaac ee lagaga jiro xaafadaha cayiman inuusan ahayn hadda wixii ka danbeeya mid wanaagsan. Sababtu waxaa weeye:

 

a) Iyada oo cadowgu markii uu dagaalku dheeraaday uu ogaaday goobaha rasmiga ah ee rasaasta lagaga soo ridayo.

 

b) Iyaga oo badalay madaafiicdii ay ku garaacayeen dagaalyahanka oo u badalay inay buufin sun ah isticmaalaan. Waxaa kale oo maalmihii u danbeeyay si wayn loo dareemay in gantaalada cadowgu ay jiira gaaban tahay oo ku soo dhacayso goobaha dagaalyahanka.

 

c) Iyo iyada dagaalkan ka fool-ka fool ah uusan gabi ahaanba u fiicnayn jabhad la diriraysa cadow xoog badan. Dagaalka ugu saxsan ee hanaan jabhadeed loo galo ayaa ah nooca loo yaqaano Xarbul Cisaabaad oo ah dagaal dhuumaalaysi oo uusan cadowgu aqoonin meel lagaga imaanayo.

 

Haddaba golaha shuurada ee dagaalyahanka Soomaalidu waxay isla garteen inay ku haboon tahay wakhtigan in la banneeyo goobaha caan baxay ee difaaca lagaga jiro lana lug gooyo cadowga.

 

Waxaa kale oo ay ku Shuurada dagaalyahanku isla arkeen ahmiyada dagaalka cusub oo ayna Xabashiyi horay uga baran Soomaalida oo ah hawlgalada Nafti Huranimada oo dhab ahaan argagax wayn ku abuurtay dhammaan ciidamada isu bahaystay qabsashada Soomaaliya. Dagaalka noocan ah ayaa wuxuu gaadhsiiyay cadowga khasaarihii u badnaa ee Macatab Ku Dirirka loo gaysto intii ay Xamar ku sugnaayeen. Waxaa diirada la saarayaa marxallada cusub falalka nafti huranmida iyo miinooyinka lagu xidhayo baabuurta, wadooyinka iyo guryaha oo ka natiijo fiican 200 nin oo difaac meel kaga jira. Falalkan Naftihuranimada ah ayaa waxaa fulin kara hal qof oo kaliya iyo dhawr saaciday.

 

Miyuu dhamaaday dagaalkii?

 

Cinwaanka Maqaalkan WAR LUGEED ka ee asbuucan ee ah “WADADU MEESHA AY KU DHAMMAATO AYAY MARARKA QAARKOOD KA BILAABATAA” ayaa wuxuu jawaab u yahay dadka rumaysan dagaalkii inuu dhammaaday ee ku faraxsan talalaboyinka cadowga ama ka naxsan haday tagersanayeen xoraynta. Dagaalku wuxuu galay marxaladii 5aad.

 

Marxaladii 1aad waxay ahayd dagaalkii Iidaale, Daynuunaay iyo Bandiiradley.

 

Marxaladii 2aad waxay ahayd dagaaladii Jubbadda Hoose.

 

Marxalladii 3aad waxay ahayd dagaalkii hoobiyayaasha ee lagu tuuri jiray Villa Somalia, Villa Baydhabo, Dekeda iyo Garoonka.

 

Marxalladii 4aadna waxay ahayd dagaalkii mar la isu nastay ee bilowday March socdayna ilaa 26 Apr 2007.

 

Haddaba waxaa bilaabaynaysa marxaladii 5aad oo dhab ahaan ka waynaan doonta kuwan hore oo dhan. Sababtu waxaa weeye wuxuu cadowgu ilaa Khamiistii la madax wareeray kaartada ay ku baxeen Dagaalyahankii iyo waxa ay maagan yihiin.

 

Ethiopia ma baxaysaa??

 

 

Ciidamada Macatab Ku Dirirka ayaa waxay joogaan magaalada Muqdisho mudo 4 bilood ah laga soo bilaabo 28 Dec ilaa 28 April 2007. Waxay la kulmeen ciidankani jabab waawayn oo ayna waligood ka soo waaqsan doonin. Waxaa durbaba bilowday cadaadis soo fuulay madaxda Tigreega oo ah in wadanka Soomaaliya si deg-deg ah looga baxo.

Cadaadiskani wuxuu ka imaanayaa inta ugu badan ciidankooda oo aan haysanin mooraal uu ku diriro.

 

Jawaabta ah ma bixi doonaan Ethiopianku ayaa ah mid suuragalnimada ka fog in xoog lagaga saaro mooyee. Dad badan oo Soomaali ah ayaa waxay aaminsan yihiin in Dagaal Oogayaashu ay Xabashida keeneen Muqdisho laakiin xaqiiqdu sidaas ma aha ee wa caksigeeda. Ethiopianka ayaa keenay Dagaal Oogayaasha oo laga sifeeyay Muqdisho 6 bilood ka hor. Marka meel ay kaga tagto ma hayso. Mana jirto meel ay la joogto. Ethiopia waxaa haysta ciqaab siyaasadeed oo qoorta ugu jirta. Ma jiro Afrikaan soo socda, Maraykan lug ah oo taageerina ma jiro. Waxaa muuqata in mustaqbalkan dhaw Ilaahay uu Xabashi iyo Soomaali is baday waxay kala dheefaanba.

 

Miyay Hirgashay Dawladii Daba Dhoonkii Mbagathi?

 

 

. Waa maya. Baarlamaankii u badnaa Dagaal Oogaysaasha ee lagu soo doortay Mbagathi ee 275 ahaa wixii damiir lahaa wuu iskaga tagay Mbagathi. Waxaa isu soo hadhay koox dhiiga Muslimka cabta oo aan la garanaynin waxa ay rabaan iyo waxa kale. Waxaad dhagaysateen Salaad Cali Jeelle. Waxaad dhagasyateen Cali M Geedi. Waxaad dhagaysateen C/Laahi C/Laahi oo ay dhammaan Islaamnimo iyo Soomaalinimo waa hore ka dhimatay. Dawlad waxay ku hirgashaa rabitaan shacbi ee kuma hirgasho inay dusha ka saaran tahay baabuur gaashaaman oo uu leeyahay cadow. Waxay Dawladan Daba Dhoonka ahi la nooc tahay kuwa uu Maraykanku ka dhisay Afghanistan iyo Ciraaq ee ku soo koobmay inay ka hawlgalaan caasimadaha dalalkaas xaafado ka mid ah oo kaliya. Tani way ka sii liidataa.

 

Waxaa sii durkay fikirka laga qabo in Soomaalida dhabta ah ee ama culimada ah ama wadaniyiinta iyo qoladani ay isugu yimaadaan miis wada hadal. Waxaa geed dheer siii saaray xasuuqii shacabka, barakicintii bulshada iyo mawqifyada ay ka taagan yihiin qadiyada Soomaalida sida inuu Geedi ku tilmaamo dagaalada Dhahar, kii Cadaado, iyo Kismaayo inuu hogaaminayay Usaama Bin Laadin. Waxay Mbagathi talaabo walba u qaadaan inay sii didiyaan mujtamaca Soomaalida. Geedi iyo C/Laahi ayaa iyaga oo is leh taageero kaga hela Maraykanka waxay dagaalo qabiilo u dhaxeeya ku sifeeyeen Al Qaacida. Arinkani wuxuu sii fogeeyay qabaa'ilada ay khusayso colaadu.

 

Maxaa la filayaa mustaqbalka dhaw?

 

Horta marka 1aad, waxaa mustaqbalka dhaw iyo ka dheer garanaya Ilaahay oo kaliya. Waxaanse isku dari karnaa hadaan bani aadam nahay xisaabaha hadda ina horyaala oo ay ka soo bixi karto waxyaabo waaqic noqon kara mustaqbalka.

 

Haddaba waxaa Soomaaliya ka soo baxaya:

 

1) Mustaqbal dagaal oo dhaw iyada oo nabadu ay sii tasoobi doonto.

 

2) Waxaa fashilmi doona shaadhkii ay dhawaan xidhatay muqaawamadu ee ahaa ****** iyada oo Hawiyuhu uu u kala bixi doono qolo taageersan Muqaawamada iyo qolo taageersan Islaamka. Is huwashadii ayaa daaqada ka baxaysa. Qabiil walibana sidaas ayuu noqon doonaa.

 

3) Waxay xoogaga Muqaamadu u miirmi doonaan culimo kaliya. Waxaana soo noqon doona magacii Maxkamadaha ama magac kale oo la nooc ah kulminayana Soomaalida.

 

4) Waxay dagaalkooda ka dhigi doonaan mid ku dhufo oo ka dhaqaaaq ah iyo falal nafti huranimo.

 

5) Waxay bartilmaameedsan doonaan madaxda sare ee Macatab Ku Dirirka iyo Daba Dhoonka.

 

6) Waxaa culaysku ka badan Ethiopia oo maalin walba oo ay sii joogto Soomaaliya uu daciifayo xoogeeda iyo mooraalka ciidankeeda, waxaana dhinaca kale sii kordhi mooraalka iyo awooda xoogaga Soomaalida.

 

7) Waxay heli doonaan dagaalyahanka Soomaalidu taageero khaarij ah iyada oo ay jiraan awoodo ka shaqaynaya sidii loo heli lahaa dariiq lagu taageero Soomaalida la diriraysa Maraykanka, Ethiopia, Kenya iyo Uganda.

 

8) Waxay furintani kusii daba xidhmi furimaha kale ee Caalamka Islaamka ee ay Maraykanka iyo Islaamiyiintu isku hayaan. Mar kasta oo sawir cunug Soomaali ah oo dhaawac ah laga sii daayo Al Jazeera waxay dad badani xasuusan dagaalka Ciraaq, Falastiin iyo Afghanistan oo la nooca Somalia.

 

9) Waxaa sii kordhi dagaalada ay Jabhadaha Gobonimo Doonku ku hayaan Ethiopia gudaheeda.

 

10) Jabhadaas gudaha Ethiopia waxay xooga saarayaan inay shisheeyaha afduubtaan sidii ay yeeleen jabhadaha Canfarta iyo ONLF ta iyada oo tabtani tahay mid culays siyaasadeed oo qiimo wayn ugu kacaya Meles Zenawi. Jabhadani waxay ******** in askari Ethiopian ah oo ay dilaan ay uga faa’iido badan tahay inay shisheeyaha ugaadhsadaan.

 

11) Waxaa sii kordhi xidhiidhka u dhaxeeya Soomaalida la diriraysa Ethiopia iyo jabhadaha ku kacsan Zenawi oo 6 Jabhadood ah. Waxaana iskaashi ka imaan dhinaca istaraatiijiyada dagaalka, taageero qaybsiga iyo sirdoonka.

 

12) Jabhadahan ayaa qorshaha ku darsan in Ethiopia gudaheeda siiba Addis Ababa iyo magaalooyinka kale ay noqdaan bartilmaameed. Ethiopia kama soo waaqsan karto falal ka dhaca Addis Ababa oo ah Xarunta Midowga Afrika.

 

13) Urur goboleedka IGAD ee ay maamushaan Ethiopia, Kenya iyo Uganda ayaa waxaa suuragal ah inay si dhaksho ah uga baxaan wadamada kale ee Jabuuti iyo Sudaan. Waxaa horseeday oo wadada u jeexay Eritrea oo kalsoonidii kala noqotay. Waxaa abuurmaya qalalaase siyaasadeed oo wadamadan u dhaxeeya arinka Soomaaliya awgii.

 

14) Maraykanka oo siyaasadiisa arimaha dibadu ay haatan noqotay kharbudaad ayaa laga yaabaa inuu faragalin ku sameeyo Eritrea oo isku dayo inuu ka hirgaliyo waxa uu u George Bush u yaqaano "Regime Change" oo ah badilada maamulka dalka. Arinkani wuxuu cirka ku sii shareeri colaada u dhaxaysa Eritrea iyo Maraykanka iyo Ethiopia. Waxay Eritrean ku bartilmaameedsan danaha labadan wadan.

 

15) Sh Shariif Sh Axmed ayaa suuragal ah inuu si qarsoodi ah ku soo galo dalka isaga oo midaynaya dhammaanba xoogaga Soomaalida arinkanina wuxuu miisaan siyaasadeed oo xoog badan ku biirin dagaalyahanka. Sh Shariif ayaa leh shakhsiyad layaab leh oo maamuli karta Soomaalida isaga oo ayna cuqdad ka qabin Soomaalidoo dhan.

 

Marka la isku wada daro qodobadan 15 ka ah ee kor ku xusan waxay Soomaaliya gashay marxalad cusub oo colaadeed. Waxaase la galay marxaladaas dalalka Ethiopia iyo Kenya iyada oo ay dib u soo noolaatay fikradii Soomaali Wayn oo ay labadan cadow ee Soomaaliyeed khasab ku soo nooleeyeen. Waxaan jirin maanta soohdin ay leeyihiin Soomaaliya iyo Ethiopia iyada oo Zenawi isku daray dhulkii Soomaalidu dagaysay oo dhan. Soomaalida ayaan wax wayni ka khasaaraynin ee waxaa khasaaraha ugu badani soo gaadhi dalalka iska bahaystay in nabadii Soomaaliya iyo kala danbayntii Maxkamduhu keeneen ay afganbiyaan. Abwaan Soomaaliyeed ayaa laga hayaa:

 

Dhiil madhan haddii dhiil budha ah lagu dharbaaxyeeyo

Ileen kaan dhadhuuniba ku jirin dhuuni kama daato!

 

Soomaaliya in la baab’iyo waa gudoon ay gaadheen Ethiopia iyo Kenya laakiin su’aashu waxaa weeye intee in la eg ayay ka danbayn iyaga oo laftoodu ku fadhiya qunbulad uu wakhti ku xidhan yahay saacaduna ku socoto.

 

 

Kismaayonews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Looks like the propaganda media house kismaayonews.com is having a shortage of news lately but this was an amusing improvisation. At least it will make sure that staunch supporters of the defeated groups remain hopeful and dont go bananas and beat their wives just yet.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

Somali economist, those young men have a patience and believe in their creator like no others on this earth today. Thus they don't measure defeat and victory in the corrupt secular orientations of today. Whilst the Somali warlords place their trust and existence on the tanks and hecliopters on a Christians from Axum.Ilahay swt wuu aqabalaya ducada Musliminta, tolow miyu aqbalaya ducada Tigreyga?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Geel Jire: I'm confident that these pious believers that you speak of also placed alot of their trust on guns and bullets, otherwise they wouldnt have built themselves sand holes and allowed little kids to run before them with a rifle like junior bulldozers. Your post is reflecting logical fallacies and is a case in point of classical rhetorics. Maybe you could give us an explanation though to the fact that the leaders that sent these patient young believers to the frontline are dining with a Christian despot in Asmara whom they sought for shelter. Werent they not pious enough to put their faith in the hands of Allah instead of running over to a tier-3 (christian) president?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this