Sign in to follow this  
General Duke

Relocation on schedule + Mogadishu prepares for PM Geedi and Cabinet

Recommended Posts

Nairobi:Isdiiwaan gelin ka socota xafiiska Ra'iisal Wasaaraha oo ku saabsan dib u guuritaanka iyo guddi heer qaran ah oo loo xilsaaray qorshahaas

- Thursday, June 16, 2005 at 11:14

 

Nairobi(AllPuntland)-Tan iyo intii la soo afjaray shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida oo xafladdii xiritaankaasi ay ka dhacday aqalka madaxtooyada dalka Kenya 13kii bishan ayaa waxaa ka socdey xafiiska Ra'iisal Wasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya ee magaalada Nairobi isdiiwaan gelin la xiriirta goobaha dalka gudihiisa ee ay xubnaha labada gole ee ku sugan Nairobi doonayaan inay ku laabtaan.

 

Isdiiwaan gelintaas oo weli socota lana rajaynayo inay dhaqso u soo gabagabowdo ayaa waxaa dhinac socda raadinta helitaanka dhaqaalihii ay dib ugu noqon lahaayeen xubnahaasi ,waxaana la magacaabay guddi ka kooban 7 xubnood oo u xilsaaran qorshaha dib ugu guuritaanka dalka iyo isku dubaridista,kuwaasoo kala ah:

 

-Cabdalla Deerow ***** Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka.

-Maxamed Cabdi Xayir Wasiirka Warfaafinta

-Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmadheere)Wasiirka Horumarinta reer miyaga , dhirta iyo Daaqa

 

-Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiir ku xigeenka Horumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska.

 

-Cabdullaahi Axmed Cabdulle Wasiir ku xigeenka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka.

 

-Salaad Cali Jeelle Wasiir ku xigeenka Warfaafinta iyo

 

-Xildhibaan Axmed Xaashi

 

Qoraalka lagu magacaabay guddigaan ayaa xubnaha labada gole ee ku sugan Nairobi ka codsanaya inay u gudbiyaan qorshaha duulimaadkooda iyo waqtiga ay baxayaan guddigaan.

 

Iimaan Cali Cabdi

 

AllPuntland,Nairobi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hotelka Ramadaan oo loo diyaarinayo inay ku soo degaan Xubnaha Labada Gole ee uu hoggaaminayo Ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geedi

 

Hotelka Ramadaan oo ka mid ah Hoteelada waa weyn ee ku yaala magaalada muqdisho ayaa sida hadda muuqata waxaa loo diyaariyay inuu ku soo dego Ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geeddi oo maalinta sabtida imaan doono magaalada muqdisho in kastoo Safarka Ra’iisal Wasaaraha oo khamiista la filayay uu dib u dhac ku yimid.

 

Guddiga soo dhaweynta Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ee dhawaan ay magacabeen xubnaha Labada Gole ku sugan magaalada muqdisho ayaa saaka waxay tageen Hotelka Ramadaan,waxayna halkaasi kula kulmeen madaxda Hotelka,iyagoo ka wada hadlay qaabkii loo dejin lahaa Ra’iisal wasaaraha iyo Wafdiga la socda.

 

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Cumar Finish ayaa sheegay in Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi la dejin doona Hotelka Ramadaan, sidoo kale xubnaha Labada Gole inta badan waxay deegaan u noqon doontaa buu yiri Cumar Finish Hotelka Ramadaan.

 

Dhinaca kale 100 Saraakiisha Booliska Soomaaliyed shir ay maanta ku yeeshen Dugsiga Tababarka Booliska Muqdisho ayaa waxay sheegeen inay taageersan yihiin Taliyaha Cusub ee Booliska Soomaaliyed ee dhawaan uu Magacabay Ra’iisal wasaare Geeddi.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hoteelada Muqdisho qaarkood oo loo diyaarinayo Xunbaha labada gole ee dhawaan Muqdisho imaanaya

Posted to the Web Jun 15, 21:44

 

 

Muqdisho:-Gudigii loo xilsaaray soo dhaweynta Xubnaha dowladda oo uu hormuudka u yahay R/wasaare Cali Maxamed Geeddi, ayaa maanta kormeer howleyd ku tagay qaar ka mid ah hoteelada Magaalada Muqdisho, si ay ugu diyaariyaan xubnahaasi meel ay degaan.

 

Hoteelada ay maanta booqdeen guddiga ayaa waxaa ka mid ah Hotelada Ramadan,Kaah,iyo Lafweyn oo dhammaantood ku yaala Waqooyiga Magaalada Muqdisho , waxayna wararka qaar sheegayaan inay R/Wasaaraha u diyaarinayaan hotelka Ramadan.

 

Kormeerka Gudigan ayaa ku soo beegnay xilli wararka laga helayo magaalada Nairobi ay sheegayaan inuu dib u dhac ku yimid safarkii la filayey in xubno ka tirsan Dowladda ee uu hogaaminayo R/wasaare Geeddi ay maalinta khamiista ah ku yimaadaan Magaalada Muqdisho, sababo lagu micneeyey inuu Geeddi kulamo la yeelanayo Dublamaasiyiin ka kala socda dalalkii deeqda ku bixiyey shirkii Soomaalida mudadii uu socday.

 

Dhinaca kale waxaa maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray xildhibaan Hilowle Imaam Cumar iyo Profiser Afrax, oo iyagu ka tirsanaa xildhibaanadii ku fikirka ahaa Madaxweyne C/laahi yuusuf iyo R/Wasaare Cali Maxamed Geeddi.

 

C/risaaq C/laahi Maxamed

Puntlandpost,Mugadishu,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Geeddi oo amar ku bixiyey in dhammaan xubnaha wasiirada ahi tegayaan Muqdisho, kuwa xildhibaanada ahina

Ra’isul wasaaraha dowladda federaalka Cali Max’ed Geeddi ayaa wareegto uu Nairobi ka soo saaray, ku sheegay in xubnaha labada gole ee Nairobi ku sugan loo kala qeybin doono labo raac, raac kastana uu meel gaar ah degi doono, wuxuuna xusay Geeddi in xubnaha wasiirada ah dhammaantood in ay tegi doonaan Muqdisho ayna xukuumaddu halkaa farriisin ka dhigan doonto, si howlaha xukuumadiisu ay halkaa ugu socdaan, wuxuuna intaasi raaciyey in wasiiru dowlayaasha, wasiir ku-xigeenada & xildhibaanada lagu kala qoray inta aanan howl loogu maarmin deegaanada ay ka soo jeedaan..

 

Warku wuxuu intaa ku darayaa in 6 ka mid ah wasiirada xukuumadda in ay diideen in ay tagaan Muqdisho, kuwaasoo lagu tiriyo in ay yihiin kuwa siyaasad ahaan ku dhow dhow madaxweynaha, iyadoo intooda badanina aaney aheyn kuwa ku heyb ah madaxweynaha marka laga reebo labo xubnood.

 

Geeddi ayaa la sheegay in uu ku qanciyey xubnahaas badankood in ay tagaan Muqdisho, balse mid ka mid ah ayaa la sheegay in uu ka diiday, iyadoo lixda xubnood ee diidayna lagu sheegay magacyadooda Xasan Abshir Faarax, Xasan Max’ed Nuur (Shaatiguduud), C/risaaq Cusmaan Xasan (Jurrilla), Mowliid Macaan Max’uud, Cabdalla Deerow ***** , Max’ed Max’uud Guuleed (Gacmadheere), laakiin ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijineysa in lixdan wasiir yihiin kuwa diidan tegista Muqdisho.

 

Xigasho. Wargeyska Xog-ogaal

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Indeed it seesm that way. As for Juma comment and dayniile's desperation. lol the gentlemen you highlighted faced greater obsticles and stronger men than the splintered warlords and their failed tool. :D Keep up the good work ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^So you are not familiar with the background of the gentlemen in question? Alas you must be one of those gullible individuals who take the words of dayniile.com and the like as gospel….

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ lol lies will only come back to haunt you dear boy. :D Its like the pot calling the kettle black, all you have to do is look closer to home and you shall see the real con-men, Afweyne lackeys and looters but alas you are blinded by envy and clan hatred. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Afweyne lackeys and looters but alas you are blinded by envy and clan hatred.

Well general isn't Ina yey trying (and has been since 69)to become a duplicate of the Late Father of Somalia Marxuum Maj. Gen.Jalle Maxamed Siyaad Bare?

 

 

General are you saying that you aren't driven by qabil? I think your dillusion is caused by eating too much fish and chips in the london square.

 

 

As for jumatatu, trying to make the ruthless thugs seem like patriots isn't working so quit and see clearly through your fogged glasses.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rokko   

Originally posted by audacious:

Well general isn't Ina yey trying (and has been since 69)to become a duplicate of the Late Father of Somalia Marxuum Maj. Gen.Jalle Maxamed Siyaad Bare?

Somebody has been stuck on reading only Dayniile.

 

Xaaji, wake up and check out other sources and broaden your horizon na'mean. smile.gif

 

suggestion?

 

http://www.sbconline.net.

http://www.idamaale.com

 

smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Mobb_Deep:

quote:Originally posted by audacious:

Well general isn't Ina yey trying (and has been since 69)to become a duplicate of the Late Father of Somalia Marxuum Maj. Gen.Jalle Maxamed Siyaad Bare?

Somebody has been stuck on reading only Dayniile.

 

Xaaji, wake up and check out other sources and broaden your horizon na'mean.
smile.gif

 

suggestion?

 

 

smile.gifWalal, I don't like dayniile, and are you trying to say that my facts are false?

 

SBC? I thought Gen.Cade shut them up, well I'm glad he took the tape off their mouth. Nothing better than freedom of speech in Puntland.

 

^^^Looooooooooooooooooooooool...!

hey am on contact lenses now days ...

Just don't sleep with the contacts.

 

 

The Patriot is back. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this