Sign in to follow this  
Xaq

It's Gaddafi's turn

Recommended Posts

Xaq   

Korneyl Yusuf,Sheekh Aweys,Shariifka iyo X.Ceydiid oo Liibiya.

 

Liibiya19 November /2008 Waagacusub.com

 

web page

 

Hogaamiyaha Jamhuuriyadda Liibiya Mucaamir Al Qadaafi ayaa wado guluf xoogan oo uu doonayo inuu ku wada hadal siiyo Madaxweyne Yusuf,Gudoomiyaha garabka Asmara Xasan Dahir Aweys,Gudoomiyaha ku xigeenka golahaas Inj Xuseen Ceydiid iyo Gudoomiyaha Isbaheysiga dib u xoreynta garabka DJabouti Shariif Sheekh Ahmed,sida aanu ka helnay ila wareedyo muhiima.

 

Mucaamir Qadaafi ayaa la xaqiijiyay inuu Casuumado u kala diray Sheekh Xasan Dahir Aweys,Xuseen Ceydiid iyo Shariif Sheekh Ahmed waloow aysan weli uga jawaab celin sida laga helayo xafiisyadooda.

 

"Shariif Sheekh Ahmed ayaa laga yaabaa inuu ka cago jiido Casuumaada maxaa yeelay wuxuu noqon karaa mid lagu dhantaalayo heshiiskii DJabouti lagu kala saxiixday laakiin Hogaamiyaha Liibiya si rasmiya ayuu casuumaad ugu fidiyay waloow aan la ogayn inuu kala gooni gooni ula shirayo iyo inuu si rasmiya isu hor fariisin doono" sidaas waxaa yiri Diblomaasi ku sugan Tripoli oo la hadlay Waagacusub.

 

Madaxweyne Qadaafi waxaa la sheegay inuu wada hadal saacad qaatay la yeeshay dhigiisa Ereteria Assiyas Afewark,isagoo kala hadlay inuu gacan ka geysto sidii la isu hor fariisin lahaa Aweys iyo Yuusuf.

 

"Mucaamir Al Qadaafi way wada hadleen Madaxweynaha Ereteria ,waxaa u harsan inuu la xaajoodo Geellaha DJabouti.waloow ay adag tahay inuu ka aqbalo hindise uu Cabdulahi Yuusuf hal abuuray"sidaas waxaa yiri Sarkaal ka tirsan Safaaradda Somalida ee Jamhuuriyadda Liibiya.

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa Wakaaladda Wararka ee Liibiya u sheegay inuu Qadaafi ka codsaday sidii uu dalkiisa ugu martigelin lahaa hanaanka dib u heshiisiinta hada ka furan DJabouti.

 

Qoobka Ciyaarka Cabdulahi Yuusuf wuxuu yahay mid uu kaga dabaaqtamayo hadalada qalafsan ee Xukumadda Zenawi ku bah dileyso korneylka.

 

Ethiopia kulan deg dega oo ay isugu yeertay Wasiiro dibadeedka IGAD ayaa laga soo saaray War Murtiyeed nuxurkiisu yahay hanjabaad ku socoto Madaxweyne Cabdulahi Yuusuf,waxaana lagu sheegay Warkooda in cun qabateyn dhaqaale iyo mid socdaal la saarayo madaxda sare ee Federalka Somalia,masuulkii ku xadgudbo qodobadii lagu heshiiyay Nairobi 29 October 2008.

 

Cabdulahi Yuusuf waxaa uu hada socdaal hoowleed ku joogaa Kampala ka gadaal markii uu gacan dhaqaale ka helay dhigiisa Liibiya oo uu garab siyaaso iyo dhaqaale hore u waydiistay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this