Sign in to follow this  
Thierry.

Constructive dialogue between US Somalia

Recommended Posts

Thierry.   

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka oo Nairobi ku kulmay

 

SheikhSharif-Clinton.jpg

 

Khamiis, August 06, 2009(HOL): Kulanka labada mas’uul dhexmaray ayaa wuxuu ka dhacay xarunta Safaaradda Mareykanka ee Naiorbi, waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan labada Dowladdooda ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka Hillary Clinton ayaa waxay shirkooda uga wada hadleen arrimo ku saabsan xiriirka labada dowladood, iyadoo ugu horreyn uu madaxweynaha Soomaaliya u gudbiyay Wasiir Arrimo Dibadeedka Mareykanka warbixin ku saabsan Xaaladda Dalka Soomaaliya.

 

Kulanka labada mas’uul dhexmaray oo ahaa mid ay albaabada ay u xiran yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxay Madaxweynaha iyo Wasiirka qabteen shir jaraa’id, iyagoo faah-faahin ka bixiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen intii ay ku talagaleen in ay shaaciyaan.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka oo hadashay ayaa waxay sheegtay in ay kulanka labada dowladood dhexmaray uu ahaa mid is-faham ku dhamaaday, waxayna caddeysay in ay Dowladdeeda ballanqaadeyso sidii ay u caawin lahayd Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, mileteriga iyo bani’aadannimada.

 

Waxay sheegtay Hillary Clinton in Dowladda Mareykanka ay horay hub ugu deeqday Dowladda Soomaaliya, haatanna ay kordhineyso kaalmada ay Soomaaliya siineyso, sidoo kalena waxay caddeysay in ay Dowladda Mareykanka ku taageertay Ciidamada Amisom ee difaaca Dowladda Soomaaliya 150 Milyan oo Doollar, haatanna ay diyaar u tahay in ay intaas oo kale ku taageeri doonto. Dhinaca Bani’aadannimada ayay sidoo kale sheegtay in ay Dowladdeeda ka caawin doonto Dadka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka kala duwan ay heystaan.

 

Hillary Clinton oo sii hadleysay waxaa la weydiiyay sida ay Dowladdeeda u arkeyso eedeymaha loo jeediyo Eritrea ee ah in ay faragelin ku heyso arrimaha Soomaaliya, waxayna sheegtay in ay ugu baaqeyso in ay faragelinta ka deyso arrimaha Soomaaliya, si gaar ahna waxay u xustay in ay taageerada ka joojiso kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya, waxayna u sheegtay madaxda dowladdaas haddii ay jirto dhibaato ay deriskooda ka tabanayaan in aysan arrimaha Soomaaliya la soo gelin.

 

Madaxweynaha Soomaaliya oo isna soo dhaweeyay Xiriirka cusub ee labada Dowladood u bilowday ayaa wuxuu sheegay in ay Dowladda Mareykanka ka rajeynayaan taageero wax ku ool ah oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed lagu samatabixiyo.

 

Mid ka mid ah Wariyayaashii shir jaraa’id joogay ayaa wuxuu weydiiyay madaxweynaha Soomaaliya sida uu u arkayo in Maamulka ka taliyaha Gobollada Jubbooyinka ay qaar ka mid ah madaxdiisa aaminsan yihiin in uu Shiikh Shariif ahaan diinta ka baxay, wuxuuna madaxweynaha sheegay in waxyaabaha diinta looga baxo ay kooban yihiin, isla markaana uusan mid ka mid ah ku sifoobin.

 

Su’aal kale oo la weydiiyay madaxweynaha ayaa waxay ahayd sida ay la tahay in uu salaamay haweeney ajnabi ka ah oo weliba aanan muslim ahayn, wuxuuna ku gaabsaday in su’aashaas ay tahay mid raqiis ah.

 

Ugu dambeyntiina, Kulankaas oo ahaa mid horay loo sii shaaciyay waxaa dhinaca Dowladda Soomaaliya ku weyliyay Madaxweyne Shiikh Shariif Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed C/llaahi Oomaar, Wasiirka Maaliyadda ahna Ra’iisal Wasaare ku xigeen Shariif Xasan Shiikh Aadan, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Cali Axmed Jaamac Jengeli, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Ameeriko iyo Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi iyo xubno kale, halka Dowladda Mareykankana ay Hillary Clinton ku wehlinayeen Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Xildhibaanno, Safiirro iyo Diblumaasiyiin kale.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this