Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Southern Galkacyo Falls to Ahlu Sunnah Wal Jamaaca

Recommended Posts

Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa sheegay in ay la wareegeen Maamulkii Koofurta Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

 

Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay la wareegeen Maamulkii ka ariminayay koofurta Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug kaasoo dhawaan loo magacaabay madaxweyne Cusub kadib markii madaxweynihii hore uu xilka ka tagay.

 

Sheekh Axmed Sheekh Yuusuf (Ilka Dahab) oo ah Masuul ka tirsan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna ee koofurta Magaalada Gaalkacyo ayaa saakay waxaa uu warbaahinta u sheegay isagoo ku sugan Magaalada Gaalkacyo in ay kala wareegeen magaalada Gaalkacyo Koofurteeda Maamulkii ka ariminayay Galmudug haatan wixii ka dambeeyana ay ku shaqeynayaan Amarka culumada Ahlu Sunna Waljamaca.

 

Waxaa uu intaasi ku daray in culumaa’udiinka deegaanada haatan ay ka arimiyaan ay guud ahaan doonayaan in ay ku dhaqaan Sunadda Rashuulka NNKH,waxaana uu xusay in arintaani ay timid kadib markii maamulkii hore iyo kii dhawaan la magacabay uu dhex maray is qab qabsi Xoogan oo dhanka Maamulka ah taasoo sababtay in aaqirkii ay culumadu la wareegeen maamulkaasi.

 

Waa markii ugu horaysay oo si buuxda ay u shaaciyaan maamulka Ahlu Sunna ee gobolka Galgaduud in ay si buuxda uga arimiyaan Koofurta Magaalada Gaalkacyo ee Baratamaha dalka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War saxaafadeed ay maanta Culumada Ehlu Sunna Waljameeca ku qabteen mid ka mid ah xarumahooda magaalada Gaalkacyo ayay ku soo bandhigeen qoraal ay ku caddaynayaan in ay la wareegeen maamulkii dowlad goboleedka galMudug.waqtigaan laga bilaabana aysan jirin qaybihii horay ugu jiray magaca GalMudug haddii ay noqon lahayd gole baarlamaan.gole wasiirro.madaxweyne. guddoomiye gobol iyo wixii la mid,iyadoo qoraal kaan ay ku qornaayeen magacyada ilaa 25 sheekh oo ka mid ah culumada ehlu sunna wal jameeca ee deegaannadaan.

 

Waxaa kaloo qoraalkaasi ku caddaa in 30/06/2009 kuna beegnayd 6dii rajab sannadka higriyada 1430 Guddoomiyihii golaha garsoorka GalMudug Sheekh Axmad Sheekh Yuusuf Jimcaale(Ilko dahab) ay u doorteen Iimaanka ehlu sunna Waljameeca culumada xilkaan la wareegtayna uu iimaan u noqonayo.

 

Sheekh Axmad Sh Yuusuf Jimcaale(Sheekh Ilko dahab) oo munaasabadda shirkaasi jaraa-id hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in maamul la wareegiddaan ay timid ka dib marki ay soo baxeen khilaafyo xal loo waayay oo dhax maray madaxdii GalMudug .la diiday go,aankii maxkamadda dastuuriga ahayd .qabyaalad iyo colaadna la dhax dhigay bulshada GalMudug.ho,aankaann a ujeeddadiisu tahay in lagu badbaadiyo shacbiga GalMudug.

 

Sheekh Axmad Sheekh Yuusuf Jimcaale ayaa ka codsaday guud ahaan bulshada Galmudug in ay arrinta sidaasi u arkaan culumada Ehlu sunnana ka shaqeeyaan nabad galyada iyo wanaagga.

 

Shirkaan jaraa-id oo ay ka soo qayb galeen culumo awdiin.saraakiil ciidan .saxafiyiin iyo qaybo kale ayaa waxaa kalooo ka hadlay Macallin Aadan Maxamed Jimcaale iyo Sheekh Cabdullaahi Maxamed Kulmiye (Sheekh Cabdullaahi Callayr).oo ku xigeenno u ah Iimaanka Ehlu sunna iyo xubno kale oo uu ka mid yahay Sheekh Mursal Cilmi Dhago oo ka mid ahaa culumo awdinkii hoggaaminaysay Marjiciii Culumadii Galmudug ee meel marinta go,aannadii shirwaynihii Bandiiradleey ee taariikhdiisu ahayd 11/11/2007dii iyadoo ay culumadani faahfaahiyeen ujeeddooyinka keenay la wareegiddaan maamulkii GalMudug.

 

Shirkaan jaraa-id oo ay ka soo qayb galeen saraakiisha hoggaamisa ciidamada Galmudug sida Booliska.daraawiisht a iyo gurmadka degdegga ah ayaa waxaa kaloo ka hadlay G/dhexe Maxamed Nuur Cali Gadaar oo ah taliyaha qaybta boolisa Galmudug oo sheegay in ay si buuxda u taageersan yihiin ugana miro dhalinayaan la wareegiddaasi ay culuma ehlu sunna kula wareegeen maamulkii galmudug.

 

La wareegiddaan ayaa ku soo aadaysa waqti khilaaf ballaarini uu in muddo ah u dhaxeeyay madaxdii Galmudug sida Madaxweynaha .Baarlamaanka iyo golaha dhaqankaba.iyadoo tilaabadaanina ay meesha ka wada saarayso maamulladii madaxweynihii hore iyo kii dhowaan ay doorteen xubnaha baarlamaankuba .dib ayaanna loo ogaan doona sida ay bulshadu u ar kaam amaba ay uga jawaabaan qaybihi isku khilaafsanaa maamulka galmudug.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Xaaji_xundjuf:

Where is mamuulki puntland in all of this.

O maxaa ugu jira?

Share this post


Link to post
Share on other sites

The ignorance of some, Puntland never controlled nor wanted to control Galmudug. Any development of our kin in the south is most welcome. Though I am not to sure about this news of coup.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulkii Hore ee Galmudug oo soo dhaweeyay la wareegida Ahlu Sunna waljamaaca ee Maamulkaasi

 

Madaxweynihii Maamulkii Galmudug State ayaa sheegay in uu taageersanyahay la wareegida Ururka Ahlu Sunna waljaamac ay la wareegeen maamulkii Galmudug ee koofurta magaalada Gaalkacyo.

 

Cali Max’ed Warsame Kiimiko oo ah Madaxweynihii Maamulkii Galmudug State oo Shabelle u waramayay ayaa si diiran u soo dhaweeyay la wareegidii Ururlka Ahlu Sunna waljamaaca koofurta Magaalada Gaalkac oo ay ka arimi jireen Maamulkii Galmadug State.

 

Waxaa uu sheegay Kiimiko in ay ka bad baadiyeen Ahlu Sunna Maamulkasi iyo shacabkiisa qal qal Xoogan iyo fowdo siyaasadeed oo halkaasi ka bilaabatay kadib markii maamulkii uu madaxweynaha ka ahaa mid kale lagu soo dulmagacaabay.

 

Dhawaanahaan ayaa waxaa halkaasi ka jiray is maandhaaf siyaasadeed taasoo timid kadib markii ay fariisteen mudanayasha Barlamanka ee Maamulka Galmudug State islmarkaana ay soo magacaabeen madaxweyne Cusub iyadoo uusan wali dhamaan Waqtigii loogu talagalay madaxweynaha Maamulkaasi.

 

Arintaasi ayaa keentay qal qal siyaasadeed oo ku aadan dhanka Maamulka waxaana durbaba madaxweynihii xilka laga qaaday uu carabka ku dhiftay in aanay marnaba ka tanaasuleyn xilkiisa wallow uu hataan soo dhaweeyay maamulka Cusub ee halkaasi la wareegeay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Apparently the move was to prevent the hijacking of the GalMudug state structure by invididuals who had links with the coalition of extremists (Xisbi islam and Alshabab).

 

Ahlu Sunnah Wal Jammah should unite the different administrations in Central Somalia and create a strong bloc against the coalition of extremists.

 

Caabudwaaq, Dhusomareeb, Guriceel, Ceelbuur, Waxbo, Gelinsoor, Galkacio should have a common security and defence structure.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this