Sign in to follow this  
General Duke

Migadishu: Death destruction as fighting continues

Recommended Posts

Dagaal xoogan oo dib uga soo cusboonaaday Degmada Yaaqshiid.

 

Dagaal xoogan ayaa goor dhow mar kale dib uga soo cusboonaday Degmada Yaaqshiid oo 4-tii maalmood ee u dambeeyay ay dagaalo ka holcayeen, waxaana dagaalada oo saaka yara qaboobanaa uu mar kaliya isku qarxay markii ay bilowdeen Madaafiic xoogan oo ay is weydaarsanayaan labada dhinac.

 

Wararka ayaa sheegaya in dagaalada ay xoogooda iminka ka socdaan xaafado ay ka mid yihiin Juungal, Jiiro Garoob iyo agagaarka Hotelka Bin Cali, halkaasoo rasaas aad u xoog badan ay ka socoto.

 

Sidoo kale dagaalka oo ay xoogooda maanta ka qeyb qaadanayaan Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ayaa waxaa la soo sheegayaa inay gudaha u sii galeen xaafado hor leh.

 

Ilaa iyo hada lama oga qasaaraha uu geysanayo dagaalka, hase yeeshee waxaa aad looga maqlayaa hugunka Madaafiicda Hoobiyeyaasha oo mar kaliya isku bilaabatay.

 

Rasaasta wiiftada ayaa soo gaareysa xaafado ka fog halka lagu dagaalamayo, waxaana labada dhinac ee dagaalamaya sida Ciidamada Dowladda iyo Xoogaga ka soo horjeeda ay yihiin kuwo isu caaboon.

 

Barakac ballaaran ayaa ka soconaya xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid oo ay shalay dagaalada ku baaheen, waxaana dadka ka baxsanaya dagaalada ay u badan yihiin haween iyo caruur.

 

Cusbitaalada Muqdisho ayaa aad u buux dhaafiyay, iyadoona ay ka bateen tanka dhaawacyadii loogu tala galay, waxaana qeyla dhaan ka soo yeereysa dhaqaatiirta Cusbitaalada oo sheegaya inay gabaabsi ka tahay daawooyinka.

 

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

 

jowharnews@gmail.com

 

Hooyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mahadaay: War Deg Deg ah Ciidamada maxkamadaha oo dagaal kula wargeegay degmada Mahadaay ee gobolka shabeelaha dhexe

4. juni 2009

 

 

Mahadaay(AllPuntland )-Ciidamada Maxkamadaha ayaa goor dhaw la wareegay gacan ku heynta degmada Mahadaay ee G/Sh/Dhexe kadib dagaal xoogan oo saaka ay maxkamadaha degmadaa ku qaadeen.

 

Gudoomiyaha maxkamadaha islaamiga ee G/Sh/Dhexe Macalin Dahir Cadaw aya sheegay in degmada Mahadaay dagaal kadib ay ka qabsdeen xoogaga mucaaradka Xisbul islaam iyo Al-Shabaab.

 

Dagaalka ayaa wali ka soconaya banaanka degmada degmada Mahadaay , waxaana uu ku sii fidayaa tuuloyin kale oo Mahadaay hoostaga.

 

Xoogaga Al-Shabab iyo Xisbul islaam ayaa horey uga qabsaday degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay Maxaakimta dawladda taabacsan waxaase ay hada u muuqdaan kuwo dib isu soo abaabulaya.

 

Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ah oo qabsaday Garoonka diyaaradaha iyo magaalada Jowhar oo ay kaabiga u saaran yihiin

 

 

Magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe waxaa saakay ka bilowday dagaallo xoog leh, kuwaasi oo u dhaxeeya ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ah iyo xoogagga Al-Shabaab, iyadoona gudaha magaalada ay isaga tageen dadweynaha Jowhar degan.

 

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ah ay la wareegeen garoonka diyaaradaha Jowhar, iyadoona dhinaca kale gudaha magaalada ay ku sugan yihiin ciidamada Al-Shabaab, kuwaasi oo iyaguna difaacyo uga jira magaalada daafaheeda.

 

Ilaa iyo haatan lama oga qasaaraha dhabta ah ee dagaaladaasi bacdamaa ay socdaan, oo haatan dhinacyada dagaalamaya ay isweydaarsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

 

http://www.somaliwey n.org/pages/news/Jun e_09/4June1.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites

52 killed, 130 wounded in four days of Mogadishu battles

3 Jun 3, 2009 - 3:31:46 PM

 

MOGADISHU, Somalia June 3 (Garowe Online) - Heavy fighting continued for the fourth consecutive day in the Somali capital as government forces and insurgents battled for control over war-battered districts, Radio Garowe reports.

 

Wednesday's battles were concentrated in Yaaqshiid district, with sources confirming at least 12 deaths and 17 wounded persons, including civilians.

 

"I saw 12 dead bodies, all of which were young men," said a witness, who added that government forces "pulled back" from areas they previously controlled.

 

The rival sides battled over control of Yaaqshiid police station, which was taken over by government forces on Monday after intense fighting with Hizbul Islam faction.

 

Hundreds of families have fled Yaaqshiid district since renewed clashes started on Sunday, locals said.

 

Sheikh Ahmed Lashin, a commander with Hizbul Islam, claimed on Mogadishu-based radio stations that Hizbul Islam fighters have retaken control of the police station in Yaaqshiid.

 

Somali government officials would not confirm his claim.

 

On Tuesday, heavy fighting raged in Yaaqshiid and Dharkinley districts, with local sources confirming that government forces seized control of Dharkinley, a district with a large presence of anti-government elements.

 

A mosque imam was among 14 people who were killed in Dharkinley clashes yesterday, witnesses said.

 

Capt. Said Haji Ali, commander of Dharkinley police station, told a press conference inside the police station on Wednesday that government forces control the district and called on the public to "report" anyone committing crimes.

 

Separately, Somali Information Minister Farhan Ali Mohamud told local media that government forces will "complete" the anti-insurgency campaign "within the next 100 days."

 

An independent casualty report collected by Garowe Online since the fighting erupted on May 31 indicates at least 52 deaths and over 130 wounded persons in Mogadishu clashes, including fighters and civilians.

 

Somalia's U.N.-recognized interim government was elected in neighboring Djibouti in late January, with Islamist moderate Sheikh Sharif Ahmed as President with a two-year governing mandate.

 

The government controls pockets of Mogadishu and continues to struggle against a growing insurgency led by Hizbul Islam and Al Shabaab, an Islamist faction which the U.S. government accuses of having links to Al Qaeda.

 

RELATED:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Maxkamadaha oo isaga baxay Degmada Mahadaay, kadib muddo saacado ah oo gacantooda ku jirtay.

War iminka naga soo gaaray Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Ciidamadii Maxkamadaha ee saaka dagaalka kula wareegay Degmada Mahadaay ay dib ugu laabteen goobihii ay ka soo duulaan qaadeen ee dhinaca Howdka Tuulooyinka Mahadaay.

 

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa inoo xaqiijiyay in gebi ahaanba ay Degmada faarujiyeen Ciidamadii Maxkamadaha, kadib dagaal dhowr jiho ay kaga soo qaadeen Degmada kula wareegeen gacan ku heynteeda.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in weerarka Maxkamadaha oo aan aheyn mid qorsheysan uu u muuqday mid ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, waxaana dagaalka ay ku soo qaadeen Degmada Mahadaay oo ahaa mid kedis ah ugu suura gashay inay dagaal uga saaraan Degmada Xoogaga Xisbul Islaam ee gacanta ku hayay.

 

Lama oga ujeedada ka dambeysa ka bixitaankooda Degmada hase yeeshee waxaa lagu macneeyay xeelad xagga dagaalka ah, iyadoona dadka deegaanka ay sheegeen in ay arkayeen Ciidamada oo ku hubeysan gaadiidkada dagaalka oo ka sii baxaya dhinaca bari ee Degmada.

 

Gudoomiyaha Maxkamadaha Islaamka ee Gobolka Shabellaha Dhexe Macalin Dahir Caddow Calasow oo la hadlay dadka deegaanka ayaa u sheegay inay weerarkooda uu ahaa mid ay kaga sifeynayeen Degmada kooxo uu ku tilmaamay islaam diid.

 

Ilo wareedyo ku sugan Degmada Mahadaay ayaa inoo xaqiijiyay in Ciidamadii Maxkamadaha ee kol hore looga itaal roonaaday Jowhar iyo Mahadaay ay hub aan la shaacin tiradiisa kaga qabsadeen dhankii ka soo horjeeday, waxaana sidoo kale jira mid ka mid ah Xoogaga la dagaalamayay oo ay gacanta ku dhigeen ay ku wareejiyeen Odayaasha deegaanka.

 

Xoogagii laga saaray Degmada Mahadaay ayaa ku sugan Deegaanka Buurane oo aan sida uga fogeyn Degmada, waxaana uu u jiraa qiyaastii ilaa 4KM.

 

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

 

 

Hooyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalo cusub oo goor dhow ka bilowday Taleex ilaa Tarbuunka ee Degmada Hodan.

 

Dagaalo culus oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda KMG iyo Kooxaha ka soo horjeeda ayaa goor dhow ka bilowday goobo cusub, gaar ahaan Degmada Hodan.

 

Dagaaladan oo ah kuwo aad u xoogan ayaa is heysta Taleex ilaa Tarbuunka, iyadoona labada dhinac ay si weyn isu weydaarsanayaan Hubka noocyadiisa kala duwan.

 

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo ah mid culus uu ku fiday xaafadaha KPP ilaa hareeraha Xaafadaha ku dhow Saldhiga Degmada Hodan.

 

Xiriiro ay dadka deegaanka la sameysay jowhar.com ayaa u xaqiijiyay dagaalka, waxaana uu dagaalka uu saameyn adag ku yeeshay Suuqa Bakaaraha oo mar kaliya lagu kala yaacay.

 

Madaafiic ay labada dhinac is weydaarsanayaan ayaa ku hoobanaya xaafadaha qaar, waxaana la soo sheegayaa Madaafiic dhowr ah oo ku dhacday Suuqa Bakaaraha.

 

Dagaalka cusub ee ka qarxay jihada koonfureed ee Magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka ah dagaalada Muqdisho ku dhex maraya Xoogaga Mucaaradka iyo Ciidamada Dowladda.

 

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco Jowhar.com

jowharnews@gmail.com

 

Hooyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Macalin Dahir "Ciidamadeena Jowhar iyo Mahadaay ayay ku hareereysan yihiin saacadaha soo socda ayaa la kala ogaanayaa cida Gobolka ka talisa"

 

Gudoomiyihii Maxkamadaha Islaamka ee Gobolka Shabellaha oo dhowaan looga itaal roonaaday dagaalo ay la galeen Xoogaga Shabaab Al Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam oo wada socda ayaa ayaa guul la taaban karo ka sheegtay dagaalkii saaka.

 

Macali Dahir Caddow Calasow ayaa sheegay in dagaalkii saaka ka dhacay Mahadaay ay ku heleen Hub iyo saanado, isla markaana ay ka dileen xoogaga soo duulay tiro ka mid ah ciidamadooda.

 

"Ciidamadeena waxay saaka qaadeen howl gal sifeyn ah oo kooxo islaam diid ah ku qaadeen, fariisimahoodii ayayna ku soo laabteen"ayuu yiri Macalin Dahir oo intaa ku daray in Ciidamadooda ay joogaan Gobolka, waqti kasta oo loo baahdana ay sameyn karaan howl galo sida uu hadalka u dhigay.

 

Waxaa uu ku goodiyay in xoogag gacanta ku haaya Jowhar iyo Mahadaay aanay nabad ku joogeyn, isagoo ugala jeeday inay ku qaadayaan weeraro, waxaana uu tilmaamay in Ciidamadooda ku hareereysan yihiin deegaanada.

 

"Ciidamadeena Jowhar iyo Mahadaay ayay ku hareereysan yihiin saacadaha soo socda ayaa la kala ogaanayaa cida Gobolka ka talisa, hadey is leeyihiin waa nabad galeysaan, taas ma dhici doonto ayaa leeyahay, waana ka sifeyn doonaa"

ayuu mar kale ku celiyay Macalin Dahir oo diiday in weerarkooda uu yahay mid ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

Macalin Dahir ayaa cadeeyay in mar alaala marka loo baahda ay ciidamadooda howl galayaan, amar kaliyana ay ku dhaqaaqayaan, isagoona sheegay in dhowaan la kala ogaan doono cida ka talisa Gobolka sida uu hadalka u dhigay.

 

Ciidamada Maxkamadaha ee taabacsan Dowladda KMG kol horena qeyb ka ahaa halgankii iyo jabhadeynta ayaa u muuqda kuwo mar kale dib u qaaday wadadaas, iyadoona haatan loolan adag uu kala dhaxeeyo Xoogaga Shabaab iyo Xisbul Islaam oo berri ay qeyb ka wada ahaayeen halgankii Muqaawmaada ee Ciidamadii Ethiopianka xilligii ay joogeen.

 

Mustaqbalka Gobolka Shabellaha Dhexe ayaan la ogeyn sida uu ku dambeyn doono, iyadoona uu galay xaalad kacsanaan ah oo ay isugu jirto dhiilo colaadeed iyo loolan ku aadan gacan ku heynteeda.

 

http://www.jowhar.co m/main/news.php?read more=193

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Wararkii ugu dambeeyey ee dagaaladii Muqdisho..Warbixin kooban...

4. juni 2009

 

Muqdisho(AllPuntland )- AllPuntland ayaa warar faahfaahsan ka helaysa dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya, waxaana soo baxaya khasaare iskugu jira hanti burburtay, dhimasho iyo dhaawac kala gaaray dhinacyada.

 

Dagaalada ugu xooga badnaa ee ka dhaca magaaladaasi Muqdisho ayaa ka socday magaaladaasi labadii maalmood ee lasoo dhaafay, gaar ahaana waxa ay xoogoodu dhaceen shalay iyo maanta duhurnimadii.

 

Dagaalada xoogooda ayaa ka dhacay maanta degmada Yaaqshiid oo ay badankeeda maamulayaan kooxaha ka soo horjeeda dowladda Faderaalka ee Soomaaliya, sida ay xaqiijinayaan Dadka ka madax banaan dagaalada Muqdisho.

 

Dagaalkii maanta ayaa la xaqiijiyey in ay soo qaadeen ciidamada dowladda Faderaalka ee Soomaaliya oo isku dayay in ay qabsadaan saldhigyo ciidan oo shalay farahooda laga saaray, markii dagaal culus uga yimid dhinaca ka soo horjeeda ee degmadaasi hada maamulaya.

 

Dad badan oo rayid ah ayaa kabaxay magaalada maanta iyo shalay, waxaana barakacay todobaadkan dad ka badan Boqol Kun oo ruux, sida ay xaqiijinayaan Hay'adaha gargaarka ee howlahaasi shaqada ku leh.

 

Dhimashadii ay geysteen dagaaladii maanta iyo shalay ayaa ka badan 50 qof, waxaana ku dhaawacmay dad gaaraya 150 qof, sida ay xaqiijiyeen Ilaha caafimaadka, dadka badankiisa lama keenin kuwa dhaawaca ah Isbitaalada magaalada, waxaana adag in la helo khasaaraha kala gaaray dhinacyada.

 

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa shalay laga qabtay Maxaabuus sida ay tibaaxayaan warar madax banaan oo laga helayo ilo qarsoodi ah oo ka mid ah dowladda Faderaalka ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale laga qabsaday gaadiid dagaal oo aan badneyn.

 

Dhinaca kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya waxaa soo gaaray jab lixaad leh, wixii ka horeeyey shalay waxaana dagaaladaasi loogeysto jab, markii laga qabsaday Saldhigada degmada Yaaqshiid oo ay hada gacantooda ku soo celiyeen.

 

Wararkii ugu dambeeyey ee hada Muqdisho ayaa sheegaya in daganaansho aan cago ku taagneyn uu muuqdo, waxaan jira ciidamo badan oo lugu soo gurayo jiidaha dagaalka oo hada dagaal utoog haya, una diyaar ah in ay saacad kasta dagaalamaan Maleeshiyaadka layskugu keenay magaalada Muqdisho, gaar ahaana meelo aan waxba kala fogeyn oo ay isku muuqdaan.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Deg Deg: Qeybo Horleh oo Muqdisho ka tirsan oo Uu Haatan Dagaal ka qarxay

 

Abaare 4:10 Saacada Magaalada Muqdisho ayaa waxaa qaraxday israsaaseyn xoogan oo u dhaxeysa Dhinacyada Dowlada FKMG ah ka soo horkeeda iyo Ciidamada Dowlada waxayna ka qaraxday Agagaarka Tarabuunka iyo Gurigii Madaxweynihii hore Somaliya C/qaasin Salaad Xasan.

 

Israsaaseyntani oo ka bilaabatay weerar sida la sheegay ay soo qaadeen dhinacyada dowlada kas oo horjeeda ee alshabaab iyo Xisbul islaam islamarkaana ay ku qaadeen ciidamada dowalda kuwooda Fariisinka kuleh aaga Tarabuunka iyo Gurihii C/qaasin Salaad .

 

Halkaasi waxaa ka bilawday israsaaseyn xoogan tasi oo ilaa iyo haatan socota la iskuna adeegsanayo hubka Noocyadiisa Kala duwan

 

Dagaalka ayaa intaasi badan waxaa uu ka bilowday Tarabuunka waxaana haatan uu kusii faafay qeybo badan oo ka tirsan Goobta ay ugu horentii xabadu ka bilaabatay sida xaafada taleex iyo warshadii hore ee Caanaha.

 

Waxii ku soo kordha kala soco SBC International

 

Cali Luckyman

SBC International Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalada Muqdisho oo Caawa Joogsadey iyo Khasaaraha Dagaalkii Maanta

 

Thursday, June 4th, 2009 at 6:52 pm

Horseed Media

Muqdisho

 

Waxaa caawa joogsadey dagaaladii xooganaa ee maanta ka socdey magaalada Muqdisho ee caassimada iyadoo meelaha qaar ay weli ka dhacayso rasas goos goos ah.

 

Wararka soo gaaraya Horseed Media ayaa sheegaya in qeybo ka midah degmada Hodan caawa ay ku dheceen tiro madaafiic ah kuwaasi oo aan weli la ogeyn khasaaraha ay geysteen.

 

Dagaaladii maanta ka dhacay magaalada oo xoogooda ka bilawdey degmada Yaaqshiid ayaa galabta ku fidey xafadaha Taribuunka, Afrikan Village, Isgoyska KBB, Taleex iyo qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha, waxaana goobahan ay saaka ahaayeen kuwo degan.

 

Dagaalka galabta ka dhacay Xaafadda Hodan ayaa u muuqda mid Dawladdu ay ku fureyso aag cusub si ay culeyska uga yarayso dagaalada maalintii shanaad ka socda dhanka Waqooyi ee Yaaqshiid, dagaalkan ayaa la isu adeegsadey hubka culus, waxaana hubkaasi culus uu gaaraa goobo ka fog meelaha dagaalku ka socdo.

 

Dhinacyada dagaalku ku lugta leh ayaa mid walba si gaar ah u sheegtey in dagaalka uu ku gacan sareeyo.

 

Tirada dadkii ku dhintey dagaalka maanta ayaa gaaraya 7 qofood, halka dhaawaca uu ka badan yahay 10 ruux oo la kala geeyey cusbitaalada waaeyn iyo kuwo yar yar ee magaalada ka hawlgala.

 

Dadka reer Muqdisho kama muuqato rajo ay ka qabaan in dagaaladan ay joogsadaan, maadaama dhinacyada dagaalka aaney weli ogolaan wax wada hadal ah.

 

Waxayna u muuqataa in maalinkiina la dagaalamayo habeenkiina la isugu jawaabaayo madaafiic taasi oo xaalad caadi ah ka noqotey magaalada Xamar mudooyinkan dambe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Fu-Fu:

somalia is better without ur sick old man(abdulaahi yusuf)

hahaha...Much better...Qabriyadiis a ha iska siyaarto, hana iska toobad keeno oo ha duceystee iska dhaaf!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhacdooyinkii ugu danbeeyey dagaallada muqdisho iyo Mahadaay, dekada iyo xarunta dawlada Hoose oo la weraray

 

Muqdisho (WNT)-Waxaa dib u soo cusboonaaday dagaaladii ka socday degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir oo saakay u ekayd inay degan tahay, dagaalladan ayaa la sheegay inay soo qaadeen kooxaha dawlada ka soo horjeeda si ay ula wareegaan goobo shalay laga kiciyey.

 

Dagaalka ayaa la sheegay inuu aad u xooggan yahay laysuna isticmaalyo hubka noocyadiisa kala duwan,waxaa jira barakac xooggan hadda halkaasi ka jira oo dadku ay isaga cararayaan dagaallada bilowday.

Lama garan khasaaraha,iyado kooxaha caafimaadka deg deg ahi ka cabteen inay geli kari waayeen goobaha lagu dirirayo.

 

Waxaa weeraro lagu qaaday xarunta dawlada Hoose ee gobolka Banaadir oo dawladu gacanta ku hayso dekada Weyn iyadoo weerarkooda ay ka danbeeyeen kooxaha dawlada ka soo horjeeda waxana weli si rasmi ah loo ogayn khasaaraha halaasi ka dhacay.

 

Dhinaca kale degmada Mahaaday oo saakay hiirtii waabari dagaal uu ka dhacay 3 ruuxna ay ku dhinteen ayaa xilligaasi waxay gacanta u gashay maxaakiimta taageersan dawlada Sheekh Shariif,waxaase hadda soo baxaya in halkaasi maxaakiimtu isaga laabteen iyadoo ciidamo xooggani ay ka soo socdaan dhanka Jawhar.

 

Dagaalada ka jira koonfurta Soomaaliya ah kuwo aan meel ay ku dhamaadaan lahayn isuna tanaasuli karin kooxaha iska soo horjeedaa ayaa waxa inta badan ku dhamaada dadka rayad ah ee aan iyagu waxba galabsan.

Wixii ka soo kordha kala soco xarunta wararka Waayaha.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this