Sign in to follow this  
Wiilo

Itoobiya Oo Todobaadkan Qaadaysa Olole Ay Afrika Kaga Dhaadhicinayso Qabshada Somalia

Recommended Posts

Wiilo   

Itoobiya Oo Todobaadkan Qaadaysa Olole Ay Afrika Kaga Dhaadhicinayso Qabshada Soomaaliya

 

Dawlada Itoobiya ayaa todobaadkan bilaabaysa olole ay Afrika kaga dhaadhicineyso in qabshada Soomaaliya ay tahay mid sharci ah taariikhdana sal ku leh, Soomaaliyana ay haatan noqotaay qeyb iyada ka mid ah. Qorshahan oo loogu yeerey olole diplomaasiyadeed ( Diplomatic offensive) ayaa

sida ay ku warantay wakaaladda waraka Ethiopia ENA, ololahan ay Ethiopia ku dooneyso in somaliya ay noqoto qeyb ka mid ah wadan-weynaha Ethiopia ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya dhammaan golaha wasiirada ee maamulka Zenawi, diblomaasiyiin iyo aqoon yahanno ka socda jaamacadaha waddanka Ethiopia si Afrika loogu sharaxo taariikhda Ethiopia iyadoo lagu doodayo in markii horeba ay somaliya ka mid aheed dalka ethiopia balse ay gumeystayaashii reer Yurub ka gooyeen dalka intiisa kale ayna mar kale d go-aansadeen iney dib u midoobaan sidii ay sameeyeen labadii qeybood ee wadanka Yema.

 

Arintan oo sida ay Ethipianku ku doodayaan ay raalli kayihiin kuna faraxsanyihiin labada shacab iyo labada dowladood, ayey marqaati uga dhigayaan in magaalo kasta oo somaliya ka mid ah oo ay tageen askarta Ethiopia aysan kala kulmin wax iska caabin ah, taas bedelkeena caleemo qoyan lagu soo dhoweeyey oo askarta Ethiopia ee joogta gudaha waddankii horay Soomaliya loo oran jirey aysan aheyn ciidamo shisheeye oo wadan qabsaday balse ay yihiin ciidamo wadankoodii hooyo jooga.

 

Ololaha diplomaasiyadeed ee Ethiopia ayaa durbaba ka gudbey caqabadihii ugu darnaa ee ay dowladda AddisAbaba ka baqeysay ka dib markii wasiirka arrimaha dibadda Siyum Masfin uu ku guuleystey inuu ka dhaadhiciyo madaxweynaha wadanka Masar Al-sayed Moxamed Xusni mubaarak sababaha ay Ethiopia somaliya u qabsatay, sida la sheegayna madaxweyne mubaarak arintaasi aqbalay, taasi oo rajo iyo yididiilo cusub gelisey Addis-Ababa. Maadaama Masar oo ah dalkii ugu weynaa carab iyo saaxiibkii ugu weynaa ee somaliya ku laheyd caalamka aqbalay in Soomaliya ka mid noqoto Ehiopia. Siyum Masfin ayaa arrintan ku muteystey amaan iyo bogaadin uu ka helay Raisul wasaare Zenawi oo wefdiyada baxay ku la dardaarmay in laga filayo in guulo kuwaas la mid ah ay soo hooyaan.

 

Ethiopia ayaa dooneysa in inta uusan furmin shir madaxeedka Afrika ee dhamaadka bishaan ka furmi doona addis Ababa ay fahamsiiso hogaamiyayaasha Afrika in labada dal ay doorteen nidaam federal ah oo ay ku midoobayaan iyagoo madaxda ay la kulmaanna hordhigaya qoraallo iyo dokumintyo ay saxiixeen masuuliyiinta labada dowladood oo lagu sheegayo in aysan jirin wax khilaaf ah ama dhibaato ah iyo cid arrintaan diidan toona. Masuuliyiinta Soomalida ee ka qeyb geli doonta shir madaxedka horaanta Febaraayo ka dhici doona AddisAbaba ayaa la filaaya iney dedaal weyn dhankooda u galaan sidii madaxda AU loogu qancin lahaa iney aqbalaan rabitaanka labada shacab oo doortay waxa loogu yeeray iney soo ceshadaan midnimadoodii hore.

 

Wufuudan Ethiopia ee loo diray caasimadaha Afrika ayaa la sheegayaa iney wataan qariidado iyo qoraallo dhaarer oo ka kooban boqolaal page kuwaasi oo lagu micneynayo looguna qiil raadinayo iney Soomalidu weligeedba aheyd qeyb ka mid ah Ethiopia.

 

Waxaa taas dhinac socota guddi qaran oo todobaadkan dhismihiisa looga dhawaaqay magaalada Addis Abada oo loo xilsaaray diyaarinta iyo isku dibbo ridka dabaal deg weyn oon asaga oo kale taariikhda Ethiopia soo marin ayna ku bexeyso malaayiin doolarka Mareykanka ah. Xuska ayaa loogu dabaal degayaa laba munaasabadood oo la isku soo aadiyey oo kala ah qarniga cusub ee taariikhda Itoobiya oo dhalanaya September 2007 maadaama uu todobo iyo bar sanadood ka danbeeyo kan dunida inteeda kale isticmaasho iyo munaasabadda labaad oo ah ku soo biiridda somaliya ee waddan-weynaha Ethiopia oo la doonayo in si weyn loogu dabaal dego loona maamuuso.

 

Dhinaca kale waxaa soconaya dedaal weyn oo lagu doonayo in dhaqso loo sameeyo ciidamadda Badda ee Ethiopia, Sida Laga soo xigtey Radio FANA oo ku hadla codka dowladda waxaa todobaadkan magaalada Addis Abab la isugu yeerey wixii ka haray saraakiishii ciidamaddii badda ee wadanka ethiopia horay u lahaan jirey intii aysan Ereteria la goin xeebihii badda cas ee thiopia. Hadda ayaa la doonaayaa in dib loo dhisso ciidamada badda ee wadanka ethiopia oo bil ka hor ahaa waddan aan wax bad ah laheyn maantana noqday wadanka Afrika ugu xeebta dheer, iyadoo wefdiyo ka kala socda wasaaradaha gaadiidka, ganacsiga iyo gaashaandhigga ee Ethiopiana ay todobaadyada soo socda qorsheynayaan iney boqashooyin ugu kicitimaan wadamada Taiwan, south korea, griigga iyo kuwo kale oo ay doonayaan iney ka soo iibsadaan maraakiib dagaal iyo qalabka kale ee milletari ee ciidamadda badda Ethiopia ee la doonayo in la sameeyaa ubaahanyihiin.

 

Khubarro Ethiopian ah ayaa la sheegayaa iney iyaguna todobaadkan u dhoofayaan waddanka Israel oo ay Ethiopia kala dhexeyso saaxiibtanimo qoto dheer. Ujeeada khubardani halkaasi u tegayaan ayaa lagu sheegay iney tahay sidii Ethiopia u heli laheyd talo wax ku ool ah oo ku saabsan maareynta iyo habsami u socodsiinta isku darka somaliya iyo Ethiopia. Gaar ahaan talloyin ku aaddan qodobadii sharciyan loo cuskan karo midowgan iyo weliba taageero dhinaca diplomaasiyadda ah, Maddama welwelka ugu weyn ee Ethiopia qabto yahay in caqabadda ugu weyn ee ku soo biiritaankeeda somaliya uu ka iman doono dalal yurub ah ayey Ethipia taageerada isral ubaahantahay

 

Ugu danbeyn, somaliya ayey muuqaataa in dabin cadowgeedu mar hore u qoolay oo muddo dheer la qorsheynayey ay ku dhacday, wax aan lafileynin oo dunida ka dhaca mooyaane waxaa ay u egtahay in magaca (somaliya) uu noqon doono mustaqbalka dhow wax ku hara buugaagta taariikhda iyo maskaxda inta u murugoon doonta.

 

Dalkii somaliya la oran jirey ee hadda ethipoia qabsatay waxaa uu ahaa dal nasiib daran waayo waxaa uu ku guuldareystay inuu soo saaro wadaniyiin udamqata oo cadowga ka ilaashada sida dalalka kale ee dunida.Maantanana waxaa ay mareysaa halkii uu mar hore Abwaanku tilmaamay ” Kuwo dhuuni qaatiyo qaar dhabanna heysoo dheygagaa ka soo hara,y dhulka mee dadkiisii, alleylehe shil baa dhacay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this