Sign in to follow this  
General Duke

Bossaso and the planting of 8000 trees..

Recommended Posts

Munaasabad ku aaddan xuska 'Maalinta Dhirta Adduunka' oo Boosaaso laga qabtay

 

xanaanada1.jpg

 

xanaanada.jpg

 

Boosaaso - 17.April.2005 Waxaa lagu qabtay xarunta wasaaradda xannaanada xoolaha beeraha iyo deegaanka munaasabad lagu xusayey maalinta dhirta adduunka oo ku beegan 17-ka bisha April.

 

Munaasabaddan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimey ayaa waxaa sidoo kale lagu furayey mashruuca dhiraynta magaalada Boosaaso kaas oo ay fulineyso wasaaradda xannaanada xoolaha beeraha iyo deegaanka wasaaraddaas oo kaashaneysa dawladda hoose ee magaalada Boosaaso iyo maamulka gobolka Bari.

 

Mashruuca dhiraynta magaalada Boosaaso ayaa waxaa furitaankiisii ugu horreeyey laba geed ku abuuray isla xarunta wasaaradda, wasiirka xannaanada xoolaha beeraha iyo deegaanka Ibraahim Xareed Cali iyo guddoomiyaha iyo guddoomiyaha gobolka Bari, Yuusuf Maxamed Maxamed Wacays (Dhedo).

 

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa lagu waddaa in si rasmi ah loogu beero ilaa 8,000 oo geed, taas oo wejiga kowaad ee dhirtaasi lagu beerayo 2000 oo geed xaafadda Baalade ee magaaladan Boosaaso.

 

Mashruuca Dhiraynta magaalada Boosaaso oo maanta la furay ayaa waxaa gacan ka geystey hay’adaha ka hawl gala magaaladan Boosaaso qaarkood sida; hay’adda SWS oo bixisay 500 oo geed, RMSN oo iyana bixisay 500 oo geed, hay’adda CEFA oo ku deeqday 150 geed iyo hay’adaha Unicef iyo WAWA oo baxshey min boqol doolar ($100).

 

Dhinaca kale, hay’adda WFP ayaa iyana ku deeqday raashinka ay isticmaalayaan shaqaalaha ka shaqaynaya dhiraynta muddada lixda bilood ah ee soo socota.

 

Munaasabaddii maanta lagu xusayey maalinta dhirta adduunka ayaa waxaa ugu horrayntii ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda xannaanada xoolaha beeraha iyo deegaanka, C/naasir Aadan Maxamed waxana uu warbixin kooban ku sharxay nidaamka ay wasaarad ahaan ugu tala galeen dhiraynta magaalada Boosaaso.

 

Waxaa sidoo kale, munaasabaddaasi hadal ka jeediyey guddoomiyaha gobolka Bari, Yusuuf Maxamed Wacays (Dhedo), waxanu ku nuux nuuxsaday muhiibadda ay dhirta iyo dhirayntu u leedahay magaaladan Boosaaso, sida in ay dhimi karto dhiro heerka kulka ee magaalada iyo in ay jiraan dhir baab’ineysa kaneecada isla markaasna har wanaagsan laga heli karo.

 

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Beeraha iyo Deegaanka, Ibraahim Xareed Cali ayaa hadal uu munaasabadan ka jeediyey sharraxaad kaga bixiyey sida ay lagama maarmaanka ugu yihiin dhirtu nolosha dadka iyo deegaanka.

 

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Beeraha iyo Deegaanka, Ibraahim Xareed Cali ayaa warbixin cilmiyaysan oo ku saabsan dhirta ka jeediyey kulankaasi.

 

Barkhad Cali Saalax oo ah wasiirka Awqaafta iyo Diinta ee Puntland, ayaa isna munaasabadan kaga war bixiyey sidii loo beeray qaar ka mid ah dhirta faca weyn ee magaaladan Boosaaso.

 

Sidoo kale waxaa munaasabaddan goob joog ka ahaa wasiir kuxigeenka ganacsiga iyo wershedaha, Cabdullaahi Maxamed Barre (Caato), duqa degmada Boosaaso, Rooble Cumar Gudcur, mas’uuliyiin ka socotey hay’adaha waddaniga iyo kuwa caalamiga ahbaa iyo marti sharaf kale.

 

Maxamuud Faarax Bile

farahbile@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

bosaaso_dhir1.JPG

Munaasabada Maalinta Dhirta Adduunka oo si weyn looga xusay Puntland

 

Bosaso :- Munaasabadaha Maalinta Dhirta Adduunka oo ku aadan maanta oo ah 17ka Bisha April ayaa ka dhacday magaalooyinka waaweyn ee maamulka Puntland ayadoo munaasabadii ka dhacday magaalada Bosaaso lagu bilaabay hawlo dhireyn ah oo magaalada lagu faafin doono.

 

Munaasabadan oo ka dhacday Xarunta Wasaaradda Xanaanada, Xoolaha, Beeraha iyo Deegaanka ee Puntland.

 

Munaasabaddan maalinta Dhirta Adduunka ayaa lagu soo bandhigay mashruuc ah dhireynta magaalada Bosaaso oo la bilaabay in lagu Abuuro dhir aad u badan oo gaareysa 8000 oo geed.

 

Munaasabada ka dhacday Bosaaso ayey kasoo qeyb galeen mas'uuliyiinta ka socota Dowlada Puntland oo uu hogaaminayo Wasiirka Xaanada, Xoolaha, Beeraha iyo Deegaanka Md.Ibraahim Xareed iyo maamulka Gobalka Bari.

 

Mashruuca dhireynta magaalada ayaa maanta si rasmi ah loo bilaabay ayadoo xaafada Balade ee magaalada lagu beeri doono 2000 oo geed.

 

Mashruucan ayaa waxa sidoo kale ka qeyb qaadan doona Hay'ada Cuntada Adduunka ee WFP oo sheegtay in ay deeq raashin ah siin doonto shaqaalaha ka qeyb qaadanaya mashruucan dhireynta ah, halka ay hay'adaha magaalada Qaarkood ay ayaguna bixiyeen deeq isugu jirta geedo iyo qalabka wax lagu beero.

 

Xassan Ciise

HorseedNet.com

Bosaso, PL Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

nebi maxamed once said= "a man who plants one tree, will get ten times the ajar in the afterlife. a man who cuts one tree will be cut ten times the ajar in the afterlife."

 

 

8000 trees is a lot, it will change boosaasos image 360 degrees. they gonna plant 40 palm trees in and around the airport too.

 

but thousands of acacia senegal/nilotica trees are being harvested in bari, sanaag and nugaal rural areas for the reer miyi to counterattack deforrestation. a qurac grows into maturity when its like 10 years old. so thats good news.

 

theres another side of the coin. the ports of muqdisho to kismaayo still see convoys of trucks with dhuxuls every day. the strip between kismaayo and xamar that used to be so lush is almost a freaking sahara. and truckloads of wood come from the already desert areas of galguduud and hiiraan.

 

look at the contrast=

 

BOOSAASO

GeedkamidaGeedaha%20labeeray%20Munaasaba

 

 

KISMAAYO

Mid%20kamida%20Xaalufiya%20yaasha%20oo%2

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this