Sign in to follow this  
Ahmed_Guree

Levy Oo Sheegay In Itoobiya Ay Geeska Afrika Ka Taagan Tahay Booska Isreal Ee Bariga

Recommended Posts

Washington, 12/23/2006 - Maamulaha hay'ada New America Foundation/Century Foundation Middle East Initiative, Daniel Levy, ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Itoobiya ay u taagan tahay Geeska Afrika booska Isreal ay u taagan tahay Bariga Dhexe.

 

"Iga maaha inaan Itoobiya tixgalineyn, lakiin waxaa xaqiiqo ah inay Itoobiya siyaasiyan u dhaqmeyso qaabka dowlada Isreal," sidaas waxaa ka sheegay kulan ay lahaayeen ururada think tankers oo ka dhacay magaalada Washington ee cariga Mareykanka.

 

Dowlada Itoobiya oo raaceysa strategy-yadii dalka Isreal ee horaantii 1980-maadkii ee hab dhaqankeedi dalka Lebanon, ayaa waxey dooneysaa inay dalka Soomaaliya mariso kii la mariyey Lebanon.

 

Itoobiya ayaa qurshaheedu yahay inay Koonfurta Soomaaliya ka sameysato dhul loo aqoonsado "Security Zone," sidii kii dowlada Isreal ay mar ka sameysatay Koonfurta Lebanon, dhulkaas oo aynan cidi gali karin kana bixi karin amar la'aan, isla markaana ay gacanta ku qabato dekadaha iyo airport-rada Koonfurta Soomaaliya.

 

Dalka Itoobiya oo shacabkiisa dhan yahay 75-million ayaanan laheyn meel dekad ah oo ay wax kala soo dagaan.

 

Daniel Levy ayaa ah siyaasi rug cadaa ah oo in badan ku soo jiray siyaasada dalka Isreal. Mr Levy wuxuu hore u ahaan jiray la taliyihii qaaska ahaa ee wasiirkii hore ee cadaalada ee dalka Isreal, Yossi Beilin, iyadoo xiligii xukumadii Barak uu ahaa madaxa xafiiska ra'isulwasaaraha ee qeybta arimaha Jerusalem. Levy wuxuu in badan ka soo shaqeeyey wadahadaladii nabada ee Isreal iyo Falastiin.

 

Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliyeed oo hor kacayo kacdoonka shacabka Soomaaliyeed iyo urur ay sameysteen Itoobiyaanka iyo daba dhilifkooda oo la yiraahdo Isbaheysiga Soo Celinta Boqortooyadii Abyssinia, ayaa waxuu dagaal kulul ku dhexmarayaa duleedyada xarunta Isbaheysiga ee Baydhabo.

 

Jamal Yare (Rooraaye)

Wabishabeele News Desk

 

www.wabishabeele.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this