Sign in to follow this  
Saalax

Aabbihii Waxbarashada: Maxamuud Axmed Cali - Tuur's Brother

Recommended Posts

Saalax   

6g81gmz1nqbvleiu7k3t.jpg

 

 

Maxamud Axmed Cali the Father of Somali education, the first modern Somali educator.

 

 

Waxa igu takhlan wax badan. Waxaan tebanayaa wax badan. Waxaan tiigsadaa

wax maqan, waxana tasoobi kara wax badan.Tilmaanta lagu soo baadi sooci

karo magaca Maxamuud Axmed Cali in ay tahay Aabbihii Tacliinta

ummaddeenna waa arrin lagu wada qanacsan yahay oo aanu maanta muran ka

taagnayn. Hase yeeshee waxa tabashada dareenku sii kordhaysaa, guhaad iyo

canaan kobocsan oo qalbiga ogoggiisa ka soo go’ayna kugu taagmayaan marka

intaas hoos looga sii daadego ee wax la iska weydiiyo sooyaalka iyo

taariikh-nololeedkii shakhsiyaddaas mudan,shakhsiyaddaas magaceedu maamuuska

iyo milgaha leeyahay,shakhsiyaaddaas maqaamka sare ku leh taariikhda

ummadda,godka ma-guuraanka ahna ka fadhiisata sooyaalka ummadda iyo

dhigaalladeeda ay ku dhaashato, kuna indha kuulato ee hiraalkeeda ku

astaysan.

Dad badan oo weliba u togan inta isku tirisa in ay aqoonta

ehel u yihiin, waxna barteen, ayaa waxa aanay ogayn ama aanay soo rogan

karin wax dhaafsiisan ama ka durugsan in Maxamuud Axmed Cali ahaa Aabbihii

waxbarashada, waxana suurta gal ah in dad badan oo jiilasha dambe ka mid

ahina aanay xitaa intaasba haynin, in xitaa magacuba aanu maskaxdooda ku

jirin, soona hor marin ogaalkooda. Miyaanay suurta gal ahayn in magacuba

tasoobo, in da’faceedda hadda koraysa iyo kuwa soo socdaaba aanay la kulmin

magaca Maxamuud Axmed Cali iyo inta kale ee inta badan ka mudan! Ma jirto

dunida guudkeeda meel iska bannaani. Halka wax ka baxaan iskama bannaanaato

ee waxa buuxiya wax kale. Tolow maxaa dhacaya haddii magaca Maxamuud Axmed

Cali iyo hebello kale halkooda ka baxaan? Miyaanay suurta gal ahayn in wax

sawaaban oo taban, boolina ahi soo baxaan oo halkooda fadhiistaan! Ummad aan

taariikh sugan lahayni waa ummad aan jiritaan sugan lahayn!

 

szt3qgfh1frwdn0b8box.jpg

 

Halistaas bidhaamaysa ayaa joogtaynaysa in loo hollado in la raadiyo,

waxna laga qoro duug-yaal badan oo tiir-dhexaad u ah taariikhda ummadda

iyo hidde- sidayaasheeda ay ku dhaadato. Maxamuud Axmed Cali Alle ha u

naxariistee waxa uu ka mid yahay tiirarkaas waaweyn ee sooyaalka ummadda,

waxanu macagiisu buuxinayaa oo lagu soo baadi-sooci karaa tilmaansi-ahaan

nuxurka ereyadii Alle ha u naxariistee C/laahi Qarshe

: Aqoon la’aani waa iftiin la’aan.

Waxa uu Maxamuud ahaa aasaasihii iyo hirgeliyihii waxbarashada casriga ah,

waxanu ahaa macallinkii suurta geliyey in ay tacliin qaataan oo wax bartaan,

aflaxaanna koox ahaan in badan oo ka mid ah qalinleydii ugu horreysey ee

soomaalida.

 

Maxamuud Axmed Cali waxa uu ku dhashay gobolka Togdheer, degmada Burco

hilaad-ahaan kala guurkii labadii qarni ee tegey (dhammaadkii qarnigii 19aad

iyo bilowgii qarnigii 20aad). Waxa uu Maxamuud waxbarashadiisa aasaasiga ah

ku qaatay magaalada Berbera dugsi ku yaalley oo wax lagu bari jirey arday

isugu jirtey Carab iyo Hindi. Waxa uu ka mid ahaa arday fara-ku-tiris ah oo

soomaali ah oo dugsigaas loo oggolaaday. Sannadkii 1919kii waxa waxbarasho

loogu diray waddanka Suudaan, waxanu tacliintiisa ka bilaabay magaalada

Khartuum kulliyad lagu baran jirey macallinnimada oo loo yaqaanney Bakhta

Al-Ruda. Dhammaadkii tobanlihii 1920aadkii ayaa Maxamuud Axmed Cali ka soo

laabtay waxbarashadaas.

 

Markii uu gumaysigu soo galay arlada soomaalida waxa la yimi oo weheliyey

kooxo horseed u ahaa waxbarasho ka soo jeedda oo laga soo dheegtey Diinta

Kiristaanka. Waxa 1891 dugsiyo noocaas ah oo Baaderi (wadaad masiixi ah)

madax u yahay laga furay magaalada Berbera iyo Bulla-xaar. 1905- tiina waxa

laga furay magaalada Saylac. Waxa dugsiyadaas ugu caansanaa Dhaymoole oo

ahaa duleedka Berbera. Dadkii soomaalidu waxa ay ka hor yimaaddeen

furitaanka dugsiyadaas. Waxa soomaalidu la diiddanayd ubadkooda in la baro

diin aan ahayn diintooda Islaamka, waxana soo baxay dareen muujinaya in

qasdiga ka dambeeya iskuulladaasi uu yahay mid la xidhiidha fidinta Diinta

Kiristaanka. Sidaas darteed way xidhmeen muddo ka dib dugsiyadaasi.

Iskuulladaas Baaderiga raggii ugu horreyey ee waxbarashada ka bilaabay waxa

ka mid ahaa Alle ha u naxariistee Xaaji Faarax Oomaar, Xuseen Kaatoli, Ciise

Faranji, Axmed Cali (Maykal Maryama aabbihii), Fideer, Maxamuud Diiriye

Suulaawe iyo qaar kale. Waxa markii dugsiyada Baaderigu xidhmeen nimankaas

loo qaaday dhinaca magaalada Cadan oo looga sii ambaqaaday tacliintaas

Baaderiga.

Markii uu Maxamuud Axmed Cali waxbarshada

Suudaan ka soo laabtay, waxa uu noqday shaqaale dawladeed. Waxa uu Maxamuud

ku baraarugsanaa ahmiyadda ay waxbarashadu leedahay, waxanu ka dheregsanaa

oo fahansanaa khilaafka dhex-yaallaa soomaalida iyo maamulayaashii

gumaysiga. Sidaas darteed waxa uu ka fekerey in ubadka soomaalidu ay helaan

waxbarasho ka duwan taas fashilantay ee Baaderigu hormuudka u ahaa. Waxa uu

isku taxalujiyey in gumaysigu taageero u fidiyo rugihii waxbarashada ee

soomaalida oo ahaa malcaamadihii qur’aanka, si la isugu soo taago oo ubadka

loogu oggolaado in ay ka qayb qaataan barashada aqoonta kale ee caadiga ah

oo Maxamuud Axmed Cali uu gadh-wadeen ka ahaa. Waxa uu Maxamuud Axmed Cali

la noolaa dadkiisa, waxanu hiil u ahaa, una taagnaa sii horu marintiisa.

Waxa uu daba joogey dedaalkii soo taxnaa ee Sh. Yuusuf Kownayn ee Alif wax

maleh, Ba’ hoos ku hal leh ama Alif la’ kor-dhabey, Alif la’ hoos-dhebey,

Alif laa godey, waxanu ku qanacsanaa in hore halkaas looga sii heetiyo oo

tallaabo kale la sii ruqaansado.

Maxamuud Axmed Cali waxa uu geed dheer iyo

mid gaabanba u koray in uu aqoon ku ababiyo ubadka soomaalida iyo sidii loo

heli lahaa goobihii waxbarashada lagu siin lahaa ee la isugu keeni lahaa

marka ay malcaamadaha ka soo aflaxaan. Maxamuud waxa uu geli jirey safarro

dhaadheer si uu u soo ururiyo carruur waxbarashadaas ka qayb qaadata. Waxa

uu kaxaysan jirey rakuub (awr la fuulo) ama faras, waxanu dhex mari jirey

dhulka daaqsinka ah ee beelaha xoolo dhaqatada reer guuraaga ah ee

soomaalida. Waxa uu weydiisan jirey in ay 20 ama 10 ama 5 wiil ku daraan, si

uu u geeyo goobaha waxbarashada. Inta badan waa lagu diidi jirey arrintaas,

meelaha qaarna waxa uu kala kulmi jirey or iyo canbaarayn. Dadku waxa ay uga

biya-diidayeen waxbarashada casriga ah, waxa ay ka dareen qabeen dugsiyadii

bilowga ahaa ee Baaderigu hor kuutinayey, hase yeeshee Maxamuud Axmed Cali

waxa uu aqoonsanaa, una muuqatey baahida loo qabey in la abuuro waxbarasho

maaddi ah oo la jaanqaadi karta diinta iyo dhaqanka ummadda oo aan ahayn

taas laga wayiigayey ee baaderiyeysnayd.

1929 oo ku beegnayd xilligii uu Maxamuud waxbarashada ka soo laabtay,

waxa dhulkii soomaalida ee uu Ingriisku xukumi jirey (British Somaliland

Protectrate) ka furnaa dhowr iskuul oo Ingriisku maal gelin jirey,

niman waddaado ah ayaana ardayda ugu dhigi jirey qorista iyo akhriska

carabida iyo barashada xisaabta. Dhinacii kale Talyaanigu xukumayey ee

Koonfurta waxa xilligaas si fiican uga hana qaadayey dugsiyo badan oo hoos

tegayey Kiniisadda Talyaaniga, waxanay dugsiyadaasi ka furnaayeen

magaalooyinka Muqdisho, Marka, Baraawe, Jilib, Afgooye, Baydhabo, Kismaayo,

Raas Xaafuun iyo meelo kale. Talyaanigu kalama kulmin Koonfurta cadaadiskii

iyo diidmadii waxbarashada ee Ingriisku kala kulmay Waqooyiga. Taas ayaana

keentay in dugsiyo badani hore uga furmaan Koonfurta. Hormuudkii

waxbarashada xilligaas bilowga ahaa ee geyigaas soomaalida ee Talyaanigu

gumaysanayey (Koonfurta) waxa uu ahaa Alle ha u naxariistee Macallin Jaamac

Bilaal oo dedaal weyn u galay tis-qaadka dugsiyada waxbarashada ee magaalada

Muqdisho iyo nawaaxideeda. Fartii Cismaaniyada oo uu horseed u ahaa Alle

naxariistii janno ha geeyee Cismaan Yuusuf Keenadiid

ayaa iyana xoog ku lahayd meelo badan oo dhulalka soomaalida ka mid ah.

Udub-xooggii dhaqanka iyo hiddaha soomaalida Muuse Galaal ayaa isna dedaal u

galay xilliyadii kuwaas ku taxnaa kobcinta iyo soo bandhigidda bilicda iyo

qanninamada suugaanta iyo afka soomaaliga. Sannadihii 1930-naadkii

waxa kordhaysey tirada dugsiyada, waxana iskuullo laga dhisay magaalooyinka

Berbera, Burco iyo Hargeysa. 1936 waxa Ingriisku Somaliland u soo magacaabay

agaasimihii ugu horreeyey ee arrimaha waxbarashada. Agaasimahaasi markii uu

magaalada Burco soo gaadhey waxa lagala hor yimi bannaan-baxyo xoog leh,

dadna ay ku dhinteen. Maxamuud Axmed Cali iyo rag kale oo la fogaan-arag

ahaa waxa ay isku deyayeen mar walba in la isku soo dhoweeyo soomaalida iyo

waxbarashada. Waxa xilligaas durba la bilaabay dhaqdhaqaaqii ciyaaraha

(sports) gaar ahaan cayaaraha fudud, sida jimicsiyada iwm. Waxa ay Maxamuud

aragti-wadaag ahaayeen Alle ha u naxariistee Cabdi Siciid Xuseen oo Cadan

wax ka soo bartay, una go’ay gardaadinta iyo kobcinta cayaaraha (Sportiga).

Cabdi Siciid waxa aynu ugu yeedhi karnaa Aabbihii Sportiga. Waxa la

tilmaamaa in maalin lagula soo qamaamay dhagxaan magaalada Berbera Cabdi

Siciid iyo Maxamuud Axmed oo carruur jimicsi ku siinaya deyr meel iskuul ah

ku dhex yaalla. Waxa laga tibaax bixiyaa in niman sheedda ka halacsadeen

carruur jimicsi ahaan u foor- foororsanaysa, waxanay u maleeyeen in

carruurtu sujuudsan tahay. Suuqa dadkii joogey ayay ku dhex dheceen, waxanay

ku dhiillo geliyeen in carruurtii lagu khasbayo in ay cadceedda u sujuudaan.

Waxa halkaas ka dhashay baa la yidhi weerar lagu soo qaaday goobtaas

carruurtu jimicsiga ku qaadanaysey.

 

Xilligii dagaalkii 2aad ee dunida waxa magaalooyinka waaweyn ka furmay

iskuullo kale oo cusub, waxanu Ingriisku bilaabay maal gelinta 19

malcaamadood oo ku yaalley Berbera, Burco, Hargeysa iyo magaalooyin kale.

Waxa xilligaas ka dib soo iftiimayey dareen hoosta ka xarriiqaya in indho ka

duwan kuwii hore lagu eegayo dugsiyadaas laabta la soo kacayey ee

waxbarashada, Maxamuud Axmed Calina uu gadh-wadeenka ka ahaa. Waxa furmay

dugsiyadii Sheekh iyo Cammuud oo lagu qaadan jirey ilaa tacliinta dugsiga

sare. 1953 waxa magaalada Burco laga furay dugsigii u horreeyey ee hablaha,

waxana dalka ku baahay furitaanka dugsiyadii hoose iyo dhexe. Ragga culimada

ah ee furitaanka dugsiyada iyo kobcintooda dhiiri gelinta siinayey, waxa ka

mid ahaa Alle ha u naxariistee Sh. Ismaaciil Faarax oo magaalada Burco

malcaamadaha iyo dugsiyadii ugu horreeyey macallin ka ahaa.

 

776c8k8m3wdo50pvlsnf.gif

Aabbihii Waxbarashada- Maxamuud Axmed Cali waxa uu ibo-bixiyey, horseedna ka

ahaa in ay wax bartaan dhalliinyaro badan oo degaanno kala duwan ka soo kala

jeeda laga soo bilaabo bariga shishe ilaa galbeedka durugsan dhulkii loo

yaqaanney British Somaliland Protectorate, maantana ah Jamhuuriyadda faca

yar ee aan weli aqoonsiga ka helin beesha caalamka ee Somaliland. Waxa la

tilmaamaa in kooxdii ugu horreysey ee qalinka ku raad barataa tacliintaas

dhaladka ah ay ka mid ahaayeen: Sh. Xasan Maygaag Samatar, Maxamed Shire iyo

Cali Jirde. Kooxdii labaadna waxa ka mid ahaa: Yuusuf X. Adan Qabille,

Ismaaciil Yuusuf Samatar-Gaandi iyo Maxamed-Ruun Sh. Madar. Aabbihii Waxbarashada-

Maxamuud Axmed Cali waxa uu ahaa nin hal-adayg leh, lana falgalay oo ku

milmay duxda hiddaha iyo dhaqanka soomaalida, kuna xidhan oo ka dab-qaata

yaqiinta iyo diinta ummadda. Waxa dad xidhiidh gaar ah iyo aqoon u lahaa ii

caddeeyeen in nolosha iyo hab-dhaqanka Maxamuud Axmed Cali ay muxaafid u

ahaayeen si wax-ku-oolnimo ah dhaqanka iyo caqiidada ummadda, waxana

qalbigiisa ku dheeraa oogidda salaadda. Ingriiska oo hoosta kala socdey

shakhsiyaddiisa hanka weyn iyo miigganaantiisa qofnimo, ayaa jeclaa in uu

Maxamuud Axmed gumeysiga wax uun kula bahoobo, lana wadaago dhinaca caadada

iyo hab-dhaqanka nololeed ee wada macaamilka bulshaawiga ah, wuxuse Maxamuud

Axmed Cali tusmaystay baadi-sooc (sumad) lagaga hamrado, lagaga haybadeysto,

laguna taxgeliyo oo ah inuu naftiisa iyo ahaanshaha asalkiisa ixtiraamay,

yeeshayna dedaal iyo firfircooni dhug leh, garasho leh, abbaarna leh oo ku

astaysan dhaabadaynta dhaqanka iyo caqiidadiisa. Aabbihii

Waxbarashada- Maxamuud Axmed Cali waxa uu la dhashay oo ay walaalo ahaayeen

labadoodaba Alle ha u naxariistee C/raxmaan Axmed Cali-Tuur oo ahaa nin ku

xeel-dheer arrimaha diblomaasiyadda, ahaana madaxweynihii ugu horreeyey ee

Jamhuuriyadda Somaliland. Maxamuud Axmed Cali- Aabbihii Tacliintu waxa uu ku

geeriyoodey magaalada Muqdisho horraantii 1980-naadka, Allena ha u

naxariistee waxa uu ifka kaga tegey wiil iyo dhowr gabdhood iyo dad iyaga ka

sii tafiirmay. Kani waxa uu ahaa dheeg ku saabsan ibo-furka baadhitaan iyo

daraaseyn ku taxmaysa Sooyaalkii Maxamuud Axmed Cali- Abbihii Waxbarashada,

waxannuna ka martiyaynaa, ka quud-darraynaynaa, kana codsanaynaa qof kasta

oo haya tibaax iyo tilmaan wax nagu biirin karta inuu noogu soo hagaajiyo

Toobiyaha xidhiidh-tebineed (E-mail address) ee hoos inshu ugu tegi doonto.

Horaa loo yidhi ‘Far keli ahi; fool ma dhaqdo iyo tabantaabaday laba

gacmood; tamar ku yeeshaan’. Isla toos toosinta wixii tuur iyo tirbiicooyin

yeeshaa; turxaan ma leh, tawsna ma reebaan; tiskase aan la isla tiir-tiirin

ee la isku tuur-tuuro, ayaa tiiraanyo reebi kara. Tubta toobiyeysan taas

baanu u aragnaaye soo tebiya tilmaantiinna. Aabbihii Tacliinta_Maxamuud

Axmed Cali.

Mahadnaq: waxa aan aad

ugu mahadcelinaynaa abwaanka Yuusuf Cismaan Cabdille (Shaacir)

oo sawirka Maxamuud Axmed Cali noogu deeqay.

Qalinkii

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this