Sign in to follow this  
Abtigiis

Puntland ooy ku cadaatay in ay 2 nin oo ONLF gacanta u galiyeen Ethiopia

Recommended Posts

Abtigiis   

Waa ok'yeeye bal thread ka kale ee aad af carabiga nagu barbaraty eeg oo noo macnee! Civilliasn Gunned down ka leh. Hadii kale anaguba carabi nagu ma yaree;"Wa zaraabiyu Mabthuutha" ayaanu ku odan! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe:-Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Cadde Muuse ayaa daboolka ka qaaday in dowlada Itoobiya ay dhowr jeer oo hore ka dalbatay in loo soo gacan geliyo dad ay doonayso.

 

Madaxweynaha oo u waramayay idaacada VOA da, ayaa sheegay in ayan waxba ka jirin wararka sheegaya in Puntland dhiibtay dad ka soo jeeda gobolka Soomaalidu degto ee Itoobiya, wuxuuna Madaxweynaha markale yiri waxba kalama socono arinkaas.

 

Wuxuu Madaweynuha ayaa yiri "waxaan wacay Wasiirka maaliyada wuxuuna ii sheegay arinkaas waxba kama jiraan arinkaas" wuxuuna intaas raaciyay Cadde Muuse arinkan waxaa faafiyay dad ka soo horjeeda Puntland.

 

Madaxweynaha ayaa si kulul u yiri hada ka hor dhowr jeer ayaa nalaga dalbaday (u gacan gelinta cadowga dad Soomaaliyeed) waana diidnay ayuu yiri Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland.

 

Ilaa 10 qofood ayaa maamul goboleedka Puntland u gacan geliyay cadowga, waxayna tilabadan ka careysiisay dadweynaha Puntland ku dhaqan iyo guud ahaan Soomaalida jecel inay mar uun arkaan dalka oo ka xorooba cadowga.

 

 

 

 

 

Xafiiska Garoowe ee Dhahar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa si xawli ah uga yaacaya magaalooyinka uu ka taliyo maamulka Puntland dadka Soomaaliyeed ee ka soo jeeda dhulka ********iya,kuwaas oo isugu jirey macalimiin quraan,ganacsato,qaxooti ka soo qaxay wakhti hore dagaalada ka socda Itoobiya iyo weliba kuwo noloshoodaba ku qaatay gobolada Bari,Nugaal,iyo,Mudug.

 

Waxaa soo gaadhay magaalada Laascaanood rag badan oo ka yimid degmada Gaalkacyo,iyo Garoowe,iyaga oo sida ay noo sheegeen naftooda ula cararaya meel ay ku badbaadaan,waxaana dadkaas oo safar ah aan la garan karin meel ay ku hakan doonaan.

 

Qaar ak mid ah ragaas ayaa waxay ka yimaadeen reero iyo caruur,iyagoo aan uga soo tegin cid daryeesha reerahaas.

 

Dhanka kale waxaa rag kaloo badani u baxeen dhinaca koonfurta Soomaaliya,oo ay aaminsan yihiin inay u dhaanto maamulka Puntland,oo ay filayaan inaan loo gacan gelin doonin cadowga Itoobiyaanka,sidii ka dhacday maamulka Puntland oo rag kor u dhaafaya 7 nin loo gacan geliyey ciidamada Itoobiya,ragaas oo aan la garan karin inay nool yihiin iyo in la laayey.

 

Dadka reer Gaalkacyo oo ay ugu horeeyaan culimada iyo odayaasha deegaankaas ayaa si fiican u soo ambabixiyey ragaas,iyadoo loo ururiyey lacago ay safarkooda ku tagaan dhul nabdoon.Dhanka koonfureed ee magaalada gaalkacyo ee xaafada Baraxley ayaa waxa isku urursaday dhamaan dadkii ka soo jeeday deegaamada Ogaadinya,iyagoo u arka inay u dhaanto dhanka waqooyi oo uu ka taliyo maamulka Puntland.

 

Afnugaal News Desk.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

This is a very tragic story, however I doubt it is at the level JB's Afnugaal is reporting...

 

Afnugaal is turning this into a political game and exagerrating it far too much to be truely believed...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this