Sign in to follow this  
Saalax

Hargeysa: Unnuga Wadaniyada Somalilland Oo Xalay Qabtey Xaflad Baalaadhan Oo Lagu Xus

Recommended Posts

Saalax   

Hargeysa: Unnuga Wadaniyada Somalilland Oo Xalay Qabtey Xaflad Baalaadhan Oo Lagu Xusayay 18ka May + SAWIRO

 

 

Hargeysa (Oodweynenews)- Xusbalaadhan Oo Lagu xusaaye Sannad Guuradii 19aad Ee Kasoo wareegtey lasoo noqoshadii Gooni isu taiga Jamhuuriyada Somaliland Ayaa Xallay Hargeysa lagu qabtey,

 

Xuskani oo ahaa kii uga balaadhnaa xusaskii kadhacaayey dalka gudihiisa ee lagu xusaayey sannadguuradii 19aad ee kasoo wareegtey lasoo noqoshada gooni isu taaga Somaliland,Xafladani oo soo jiidatey dhamaan Indhaha Dadweyneha Reer Hargeysa iyo dhamaan dadweynaha somalilandba ayaa waxay noqotey Xafladii Qarniga .

 

Xafladani oo ay kasoo qayb galeen dadweyne lagu Qiyaasey Ilaa 800 Qof Ayaa waxay noqotey xafladii ugu dadka badneyd ugana xiisa wacneyd ee 20 sanadood ee uga dambeeyey lagu xuso xuska 18 may dalkana ka dhacda taasi oo kulmisey dhamaan Ardeyda Dugsiyada Sare Ee Magaalada Hargeysa ,Ardeyda jaamacadaha Magaalada Hargeysa ,Aqoonyahanka Somaliland iyo Siyaasiyiinba.

 

Waxaana lagusoo bandhigey Ruwaayada aad uqiimo leh oo ka hadleysa wadaniyadda oo uu Hal-abuurey Abwaanka Dada yar ee C/risaaq Maxamed muuse oo katir Unnuga wadaniyada Somaliland Ruwaayadani oo magaceeda layidhaahdo(Dhididkoo Lohuruu Dhulkaga Hooyo Rabaa ) waxaa soo bandhigaayey dhallinayarada Ururka Socsa Ee Magaalada hargeysa

 

Xuskano oo ay soo qaban qaabiyeen Unnuga Wadaniyada Somaliland oo ah Urur ay ku bahoobeen dhamaan Ardeyda jaamacadaha Somaliland kuwii kabaxey iyo kuwa ku jiraba Waxaa lagu qabtey hotelka Maansoor ee magaalada hargeysa.

 

Ugu Horeyn waxaa madashaasi kahadlay Gudoomiyaha Unnuga wadaniyada Somaliland Sayid ibraahin axmed waxaanu Ugu Horeyn u Mahad Naqay Dhamaan Kasoo Qayb galayaashi Xafladda.

 

Waxaanu kasheekeeyey Aaasaaskii unnuga wadaniyada Somaliland oo ah Unnug ay ku bahoobeen ardeyda jaamacada Somaliland kabaxdey iyo kuwa kujiraba waxaa nu xusey qiimaha ay wadaniyadu uleedahey wadanka waxaanu umahadnaqey dhamaan kasoo qayb galayaasha munaasibadani,

 

Waxaa Sidoo Kalle Isna Madasha kahadley G/kuxigeenka Unnuga Wadaniyada Somaliland Khadar C,raxmaan C.laahi waxaanu ugu horey uu umahadnaqey kasoo qayb galayaasha xalada waxaa sheegey I munaasibadani ay unnug ahaan ugu tallo galeen in lagu xusso maalinta qiimaha weyn ku leh Somaliland ee 18ka may waxaanu mahad balaadhan usoo jeediyey dhaam ardeyda Dugsiyada Sare ee magaalada Hargeysa iyo kuwa jaamacadahaba sida qiimaha leh ee mudooyinklii ugu dambeeyey ay sare ugu soo qaadayeen wadanioyada iyagoo baraanijyo kalla duwan oo wadaniyada laga ga hadlaaya qabtey.

 

Waxaa uumr.Khadar C/raxmaan uu Hambalyo udirey Dhamaan Shacabka somaluiland maalintani qiimaha weyn awgeed..

 

 

Waxaa kale oo madahsaasi kahadashey Marwo Faadumo Siciid Oo sheegtey Inaan Xafladan mid lamid ah Iaan Lasameyn 19 sanadood ee ay Somaliland goonida isku taagtey waxayna siweyn ugu Amaan tey Dhalllinyarada Unnuga Wadaniyada Somaliland oo soo qaban qaabiyey Xafladani.Iyadoo sigaara ugu nuuxnuuxsatey oo aad ugu dheeraatey iney Wadanku sugaayo dhallinayarda islamarkaana uu ubaahan yahey hormar intan ka balaadhan oo dhallinyarada lagaadhsiiyo oo intaasi kasii badan waxay ku dheeraatey oo ay aad ugu nuuxnuuxsatey hormarka dhallinyarada Somaliland.

 

 

Faadumo Siciid Markii aynu wadanka kusoo noqney ee aynu Mujaahidiintii Caleema saari Weynay Dhulku waa uu ooyey,Kuwii Dhintey Marakeynu Xusi Weyney Dhulku waa uu Ooyey,Laakiin Caawa Dhulku Miyoo Ooyey?Miyaaynaa Qoslin,Sidaasi ayeynu kuwada faraxsanahey Waxay Dhallinayaradii Xaflada kazoo qayb gashey ku baraarujisey inuu soo dhawyahey aqoonsigii Somaliland Islmarkaana ay Dhallinyarada Somaliland

 

Baaq Kuwajahan Dunida oo kahadlaaya aqoonsiga Somaliland baqaasi oo ay maro faadumo siciid ay sheegtey inuu gaadhi doono dhamaan gobolada dalka somaliladn oo dhan si ay dhallinyarada Somaliland u saxeexaan si ay ugu gudbiso wathe House Dalka Mareykanka waxayna marwo faadumo Siciid Dhallinyarada xafl;ada ksoo qayb gahsey ugu balanqaadey inaey baaqaasi gaadhsiin doonta Madaxweyne Obama,madaxda ururada midawga yurub,Afirka,Carabta iyo dhamaan daneeyayasha somaliladn oo dhan.

 

 

Waxayna dhallinayarada madasha ku saxeexeen baaqaasi oo ay iyagu hormoodkii saxeexa ay noqdeen.

 

Waxaa kale oo madashaasi kahadley Aqoonyahanka Qoraaga Weyn Ee Somaliland Cabdi yuusuf Ducaale(Boobe).waxaanu sheegey Aqoonahan boobe Inaaney sahcabka somaliladn cidna nabadgeliyadooda udaba fadhiyin waxaanu intaasi kudarey oo uu sheegey Madaxweynu Xalley(Habeen Hore)waxaa uu dadweynaha Somaliland soo gaadhsiiyey fariin ah iney kaadhadhka qaataan oo xaqooda gutaan madaxweynuhu waxaa uu saxeexay iney doorashadii dhaceyso 26ka juun,Nabad geliyo iyo xasiloonida dalka waxaynu uga Magan nahey ilaahey lakiin cidna uga daba fadhiisan meyno.

 

 

Waxaa uu qaoon yahan ku kudheeraadey qiimaha ay nabbed galiyadu u leedahey bulshaweynta Somaliland waxaanu dhaliinyarada ku amaaney si qiimaha leh ee ay xafladani usoo qaban qaabiyeen,

 

Waxay xafladaii xalley ee noqotey xafladii qarniga lagoo bandhigey heeso kalla duwan oo dhamaan kaqiireysiisey mush tamicii fadhiyey madasha oo lagu soo bandhigey qiimaha maalintani iyo waliba qiimaha wadaniyadu u leedahey dalka iyo dadkaba.

 

Waxa kale oo iyana madasha ka Hadley Mujaahid Axmed Muxumed madar,Cumar jaamac faarax iyo Eng Faysal cali waraabe oo dhamaan tood kahadley qiimaha ay maalintani ummuda somaliladn ugu fadhido.

 

Waxakalle oo isna halkaasi kahadley Xoghaya Unnuga wadaniyada Somaliland oo uga mahadnaqey Marwo faadumo siciid iyo dhaamn ardeyda dugisyada magaalada iyo dhaamn dadkii kale ee ka qaybtaaey Hirgallinta xafladani waxaanu amaan usoojeediyey dhallinyarada Uunuga wadaniyada Somaliland oo ay xafladani iyaga si khaasa usoo qaban qaabyeen

 

Xafladani ayaa noqtey xafladii ugu balaadhnayd ee lagu cuso xuska sannad guuradii 19aad ee lasoo noqoshada xornimada Somaliland waxaana dhamaan dadwenihii kasoo qayb galey ay ubogeen sida wacan ee loo soo qaban qaabiyey waxayna maan aad ubalaadhan usoo jeediyee Unnuga wadaniyada somalialnd oo xafladani soo qaban qaabiyey.

 

 

bjf80il6g3h92ejwik02.jpg

 

 

gavcidy0s99o5covukoy.jpg

 

 

9ld58gbidasj0ooo7sx7.jpg

 

 

f3q80oromen7fftkrhwy.jpg

 

 

65k28y2jt48gqqf74hdy.jpg

 

 

h5dyxkpu7rssqfaz569f.jpg

 

 

Oodweynenews/Hargeysa Office

Share this post


Link to post
Share on other sites

Belo .......... waar xalay wacdaraa ka dhacay Maansoor. Was the funniest night for me.

 

and girls were ,,, hmmmmmmmmmmm ,, I wish i could be young again ,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this