Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu politicians elders deliver a ceasefire....

Recommended Posts

Siyaasiyiinta, culumaa’udiinka iyo odayaasha dhaqanka ee ..........ayaa caawa ku dhawaaqay go’aan Xabad joojin aha

Somaliweyn - Muqdisho -Somalia -13/05/06

 

cali_mahadi_120506.jpg

 

Kulan caawa ka dhacay Mowlaca Shiikh Muxudiin ee Magaalada Muqdisho, isla markaana ay ka soo qeybgaleen siyaasiyiin caan iyo culumaa’idiin waa weyn ayaa waxaa gunaanadkiisii laga soo saaray qodobo dhowr ah.

 

Kulankan ayaa waxaa xubnihii ka qeybgalay ka mid ahaa Cali Mahdi Maxamed, Dr, xuseen Xaaji Maxamed Bood, Dr, xuseen sheikh Axmed Kadare, iyo Dr, Shiikh Shariif Shiikh Muxudiin, iyo xubno kale oo muhiim ahaa.

 

Dr, xuseen sheikh Axmed Kadare oo gabagabadii la hadlay qeybaha Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in dhamaan ay go’aansadeen xabad joojin rasmi ah oo lagu dhawaaqo, isaga oo intaasi ku daray in maalinimada Berito ah ay booqan doonaan goobaha ay isku horfadhiyaan Maleeshiyooyinka labada dhinac.

 

Dr, Kadare waxa uu sheegay in ay aad uga xun yihiin dhibaatadii ka dhacay Deegaanka sii-sii, waxa uuna rajo wanaagsan ka muujiyey in ay dhaqan gal noqon doonaan talaabooyinka ay qaadeen, waxa uuna hoosta ka xariiqay in ay xiriiro la sameyn doonaan Mas’uuliyiinta labada dhinac ee Maxkamadaha iyo Isbaheysiga.

 

Kulankan caawa lagu soo gabagabeeyey Mowlaca Shiikh Muxudiin ayaa waxa uu daba joogay kulan shalay iyo maanta ka socday Hotelka Bin Cali ee Magaalada Muqdisho, waxaana Kulanka caawa lagu saaray Gudi Xabad joojineed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is great news finally after all of those dayz of fighting both sides can take a break. But the sad thing is it's only a break.

 

How long will the ceasefire stay, hold?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xabbad joojinta Beesha Mudullood oo maanta la dhaqan gelinayo & labada dhinac oo soo dhoweey

 

Xaaladda degaanada SIISII ee dagaaladu ka socdeen toddobaad ayaa laga dareemayaa jawi degan oo inkastoo rasaas goosgoos ah ay laba dhinac is weydaarsanayaan, saakana laga maqlayay goobaha ay labada dhinac isku hor fadhiyaan rasaas ay is weydaarsanayaan.

 

Kulamadii waxgaradka, siyaasiyiinta iyo odaayasha Beesha Mudulood ayaa xalay shirkoodii ugu danbeeyay ee xarunta Mowlaca Sheekh Muxyadiin ee magaalada Muqdisho ka soo saaray go’aanno dhowr ah oo gaareen, kuwaasoo uu shaaca ka qaaday Dr. Xuseen Sheekh Axmed Kadare.

 

Kadare wuxuu sheegay in Muddulood ay go’aansadeen:

= In dagaalada Muqdisho ka socda si shuruud la’aan ah loo joojiyo.

= In dagaalada macnadarrada ah ee mabda’a lahayn laga daayo Muqdisho.

= Inuu Muddulood dib u dhiso dhaqankiisa, maadaama uu habac galay.

= Iyo in laga waantoobo colaad danbe.

Wuxuu intaas ku daray in guddiyo loo magacaabay xabbad joojinta iyo lakulanka labada dhinac oo xiriiro ay la sameeyeen, ayna maanta bilaabi doonaan dhaqan gelinta heshiiska, wuxuuna si cad u sheegay in ciddii diida nabadda Muddulood dhinaca ka noqon doono,

 

Kulanka go’aankaas laga soo saaray waxaa xubnihii ka qeyb galay ka mid ahaa Cali Mahdi Maxamed, Dr. Xuseen Xaaji Bood iyo xubno kale oo ka badan 40.

 

Dhinaca kale guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa sheegay inuu waafaqsan yahay isla markaana ay dhinacooda tageerayaan go’aanada kasoo baxay Beesha Muddulood, isagoo sheegay inay hore nabadda diyaar ugu ahaayeen, balse markasta oo xabbad joojin ku dhawaaqaan la soo weerarayay.

 

Nuur Daqle oo hoggaamiya maleeshiyada taabacsan Isbaheysiga ee degaanka SIISII ka dagaalameysa ayaa isna inay diyaar u yihiin nabad, ayna qaadanayaan go’aanadda ka soo baxay Beesha Mudullood, wuxuuse sheegay in weli weerar lagu wado oo degaankoodii loogu yimid, iyaguna ay difaac yihiin.

 

Dadaalka waxgaradka beesha Mudullood ugu jiraan nabad ka gaarista dagaalada lagu hoobtay ee deegaanadooda ka dhacay ayaa ah kan ugu dhow ee laga rajo qabo inuu keeno xabbad joojin, kadin markii ay guuleysan waayeen dadaaladii kale oo dhan,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this