Sign in to follow this  
Abdi2005

Gudomiyaha cusub sh/hoose Sh Maxamud Sh Ibrahim Suuleey

Recommended Posts

Abdi2005   

8sheekh_beesha_dir.jpg

 

Golaha Maxkiimta Islaamka oo dhawaan ku dhawaaqaya Maamulka cusub ee bedelay Maamulkii hore ee Sheekh Yuusuf Indha Cadde

 

Warar ku dhow dhow Golaha Maxaakiimta Islaamiga ayaa sheegaya in uu socdo qorshe ay maamul cusub ugu dhisayaan gobolka Shabeellaha hoose oo uu horey u maamuli jiray Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cade oo Maxkamadaha u qaabilsan dhinaca ammaanka dalka..

 

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ay gobolkaas ay u magacaabayaan Maxkamadaha Islaamiga Sheekh Maxamuud Sheekh Ibraahim Suuleey oo ka mid ah mas’uuliyiinta Midowga Maxkamadaha,iyadoo uu haatan socda diyaarinta Maamulkaas

 

Maamulka loo sameynayo Sh/hoose ayaa waxaa uu qeyb ka yahay maamul u samaynta deegaannada ay Maxaakiimtu ka taliyaan iyadoo la ogsoon yahay in afar casho ka hor uu maamul cusub u soo magacaabay Guddoomiyaha Golaha Fulinta Maxaakiimta Gobolka Shabeellla dhexe, isla markaana uu kala diray maamulkii KMG ahaa ee ka jiray gobolkaasi.

 

Sheekh Maxamuud Sheekh Ibraahim Suuleey ayaa haatan la sheegaya inuu noqon doono hoggaamiyaha cusub ee Gobolka shabeellaha Hoose, walow ay jiraan Mas’uuliyiin kale oo la sheegayo inay madax ka noqon doonaan Gobolka shabeellaha Hoose.

 

Midnimo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this