Sign in to follow this  
Gabbal

A glimmer of hope for Somali government?

Recommended Posts

Gabbal   

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo lagu kulansiinayo magaalada Kismaayo

 

Arbaco, October 12, 2005(HOL): Idaacadda Qur'aanka Kariimka ee magaalada Muqdisho ayaa maanta waxay sii deysay war sheegaya in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed Md. C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Md. Shariif Xasan Shiikh Aadan lagu kulansiinayo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

 

Idaacadda oo warka uu soo gaarsiiyay wariye u jooga Jowhar oo isna soo xignayay ilo wareed oo ku dhow xafiiska Madaxweynaha ayaa intaas waxay ku sii dartay in madaxweynaha uu dhawaan socdaal ku tegi doono magaalada Kismaayo, inkastoo aaney rasmi ahaan sheegin goorta uu socdaalkaasi ku beegan yahay.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiye Shariif Xasan ayaa waxay kala hoggaamiyaan labada garab ee ay u kala jabtay dowladda Federaalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo ku kala sugan magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, iyadoo labadan mas'uulna ay ku kala tageen muran ka dhashay halka ay saldhiganeyso dowladda iyo weliba in ciidamo nabad ilaalin ah la geeyo Soomaaliya.

 

Dhanka kalena waxaa noogu war dambeysay labadan mas'uul iyagoo kala aaminsan fikrado aad u kala fog oo ku saabsanaa qaabka looga heshiin karo khilaafka ku kala dhex jira xubnaha dowladda, iyadoo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed uu sheegay in xalka arrintaas uu ku jiro dowladda dhexdeeda, halka Guddoomiyaha Baarlamaankana uu sheegay in loo baahan yahay cid seddexaad oo labada dhinac dhexdhexaadisa, cidaas oo uu ku tilmaamay Qaramada Midoobay.

 

Waxaa xusid mudan in Wasiirka Dib u dhiska iyo Dib u dejinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed Xildhibaan/Wasiir Barre Aadan Shire Hiiraale oo dhawaan socdaal ku tegay magaalada Muqdisho uu soo jeediyay in labada dhinac ee Dowladda Federaalka wada hadal laga dhex furo, iyadoo dadaalkiisaasna ay soo dhaweeyeen xubno badan oo ka tirsan Dowladda Federaalka, hayeeshee waxaanan caddeyn in kulankan haddiiba uu jiro uu isla Barre Hiiraale ka dambeeyo.

 

Ugu dambeyntiina, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa la sheegayaa in uu saacadaha soo socdo u amba bixi doono dalka Sweden halkaasi oo uu kaga qeybgeli doono shir muhiim ah oo looga hadlayo arrimaha maamul wanaaga Baarlamaanada Afrika, mana jiraan ilaa iyo haatan wax hadal heyn ah oo ka soo baxday dhinaca Guddoomiyaha oo xaqiijinaya jiritaanka kulanka la sheegay in lagu dhexdhexaadinayo labada mas'uul ee Kismaayo ka dhacaya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this