Sign in to follow this  
Scientist

Even Mosques are not save from ISBAARO

Recommended Posts

Maamulka Indhacade oo sheegay in canshuur lagu soo rogi doono Masaajida Sh.hoose

 

Maamulka Yusuf Siyaad Indhocade oo ah ninka gacanta ku haya Gobalka shabeelada Hoose ayaa shaaca ka qaaday in canshuur laga qaadi doono Masaajidada gobalka ku yaal.

 

Tilaabadan ayaa ah mid si gaar ah ugu socota Masaajidada ku yaal magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeelada Hoose.

 

Sida uu sheegay maamulka Yusuf indhocade waxaa la doonayaa in canshuurtan lacag looga qaado Masaajidada magaalada oo la sheegay in ay leeyihiin illo dhaqaale.

 

Go'aankan oo la yaab iyo ama kaag ku noqotay Maamulayaasha Masaajidada magaalada ayaa ku sheegay canshuurtan mid aysan weligooda maqal.

 

Shiyuukhada gacanta ku haya Masaajidada Magaalada Marka ayaa sheegay in aysan jirin Canshuur laga qaado Gurriga Illaahay islamarkaana aysan bixin doonin lacagahan laga codsaday.

 

Maamulka Yusuf Indhocade ayaa asagu ku andacooday in Masaajidada ay leeyihiin Ceelal biyo oo ah illo dhaqaale, maadaama Masaajidada ay ii biyaan biyaha laga dhaansado Ceelashooda.

 

Balse warkan ayey ka jawaabeen maamulayaasha Masaajidada oo sheegay in lacagta usoo xeroota Masjidka ay tahay mid lagu dayactiro Masaajidika maamulka goobaha lagu cibaadeysto.

 

Macada tilaabada uu ka qaadi doono Yusuf Indhocade mar hadii ay si toos ah uga horyimaadeen canshuurahan culumaa'udiinka magaalada Marka oo ku tilmaamay go'aan cajiib oo aysan hada kahor ka arag dhulalka Islaamka.

 

Canshuurtan ayaa noqoneysa midii ugu horeysay oo dalka Soomaaliya looga qaado Masaajid iyo goobaha lagu cibaadeysto.

 

Yusuf Siyaad Indhocade ayaa horey canshuuro noocaan oo kale ah dusha ka saaray shacabka ku dhaqan gobalka ayadoo waliba dadka aan iska bixin karin canshuurahaasi in badan oo kamid ah xabsiyada la dhigay.

 

Waxaa sidoo kale canshuuro laga qaadaa hayadaha caalamiga ah ee ka hawlaga deegaanka.

 

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale warbixinteedii sanadkan 2005 ku sheegtay Yusuf Indhocade in uu lee yahay 10 beerood oo lagu abuuro xashiishada, kuwaasi oo qeyb ka ah lacagaha soo gala maamulkaasi.

 

Warbixintaasi ayuu si kulul u dhaliilay Yusuf indhocade oo asagu sheegay inuusan ka ganacsan xashiishada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

After 15 years of Isbaaro and looting, the crazy gangs of warlords are still looting, first it was the land, then the sea, then the graveyards, and now its the turn of the mosques to be mugged. Where is the next target.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this