Sign in to follow this  
Garyaqaan2

Taariikhda Allahu Naxriiste Suldaan Ciise Xassan Cumar

Recommended Posts

Laga bilaabo Maalintii ladilay Aabihii Nabada Alah unaxariistee Suldaan Ciise Xassan cumar ilaa iyo maanta waxaa mugdi galay Nabadii Magaalooyinka Puntland Dhamaantood. Taas oo micnaheedu tahay in ay habayaraatee aysan nabad aheen puntland Marhadii dubkii the center of the citly lagulaayo.

 

Suldaan Ciise Xassan Cumar waxaa uu sanadkii 1959-kii ku dhashey degmada Qandalla ee ka tirsan gobolka Bari,wuxuuna waxbarashadiisa dugsiga hoose iyo kan sare ku qaatay isla degmada Qandalla.

 

Allahu Naxriiste Suldaan Ciise wuxuu xilligaas kadib aaday magaalada Muqdisho oo sanadaha 1976/1977 kusoo qaatay tababar dhanka macalinimada,wuxuuna intaas kadib dib ugu soo laabtay degmada Qandalla.

 

Wuxuu shaqo macalinimo ka bilaabmay degmooyinka Iskushuban iyo Qandalla,iyadoo uu intaas kadib noqday maamule iskuul.

 

Suldaan Ciise ayaa sanadkii 1980-kii tegay wadamada Imaaratka Carabta isagoo noqday ganacsade,waxaana inta u dhaxeysay sanadihi 1980 ilaa 1984 noqday ganacsatada ugu waaweyn ee reer Puntland.

 

Sanadku markuu ahaa 1995-tii waxaa loo doortay Suldaanimo oo ay u dooratay beeshiisa uu kasoo jeedo,wuxuuna sanadahaan kamid ahaa Waxgaradka ugu caansan degaanada Puntland iyadoo uu ka qayb qaadan jirey arimaha nabada iyo horumarka.

 

Allahu naxriiste Suldaan Ciise Xassan Cumar ayaa ifka kaga tegay hal xaas oo lagu magacaabo Maryan Cabdullaahi Saalax,7-gabdhood iyo hal wiil.

 

Kooxo hubeysan ayaa habeenimadii sabtidii (20.11.2010) xilli uu kasoo baxay masjid ku yaalla Bosaaso salaada Maqrib kadib toogasho ku diley Suldaan Ciise oo maalinta ku xigtay (21.11.2010) lagu aasay qabuuraha Biyo Kulule ee duleedka Bari ee magaalada.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Ilaahay ha unaxariisto, samir iyo Iimaanna eheladiisa hakasiiyo, Janadii firdowsana hageeyo, Aamiin.

 

Suldaan Ciise was one of the most revered and respected elders in Puntland and throughout the regions, he was a humble man that worked with and supported the grass-root, charitable organisation, and the ordinary people.

 

Nabadda iyo hormarka dadkiisa nin kashaqeeya ayuu ahaa, in other words nabadoon nabadoonimadiisa ku'eg oo ka'adag ayuu ahaa in all sense of the word. His services and wisdom will be greatly missed, All-yarxam, 'Kullu-nafsin daa'iqatul mowt'.

 

 

NB: Garyaqaan salaan sare iga gudoon caaqil.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this