Sign in to follow this  
Sky

muqdisho media on slander campaign against yussef baribari

Recommended Posts

Sky   

http://www.dayniile.com/Abrir/29Abril10.htm

 

baribari.jpg

 

Dahir yare:waxaan ku diiday inaan safarka Geedi raaco marka aan arkay ku tagrifalka Bari bari iyo in xafiiska Ra'isulwasaaraha magac u yaal yahay Diinaari laga faramarooqsaday shaqadii uu lahaa.

Weriye Dahir Abdulle Alasow oo ah saxaafi mudo ku sugnaa Nairobi si weyna wax uga qora arrimaha dowladda ayaa isagga gaashanka ku dhiftay inuu ka mid noqdo weriyaasha Muqdisho u sii raacayay wafdiga Ra'isulwasaare Geedi,hadaba wareeysi dheer oo aan la yeelanay ayaan ku weeydiinay maxay tahay sababta aad ku diiday inaad raacdo wafdiga laguugu soo qoray?

Jawaab:Axmed Kalaay waad mahadsan tahay,waxaan ku diiday inaan safarka Geedi raaco qodobo badan oo is dhinacyaal ,shaqsi ahaana aan qaadan wayay,waa marka horee ,waxaan si rasmi ah u ogaaday in xafiiska Ra'isulwasaare Geedi uu yahay magac u yaal oo dhamaan dadka joogo aysan wax awood lahayn taasna waa mid cad oo aan shaki ku jirin ,bal eeg sida uu Yusuf bari bari u faramarooqsaday shaqadii Cabdi raxmaan Diinaari.

Yusuf bari bari wuxuu sheegtaa inuu ka tirsan yahay xafiiska warfaafinta Cabdilahi yusuf ama yahay afhayeenka Cabdilahi yusuf maxaa faraha u geliyay inuu qoro weriyaasha raacayo Ra'isulwasaare Geedi, yaa u xilsaaray,maxay tahay sababta uu BBC da uga waramayo safarka geedi ee xamar iyadoo wafdiga uu la socdaa Cabdi raxmaan Diinaari oo ah Afhayeenkii Xukumadda,micnaha waa cad yahay oo waxaa lala dagaalayaa miisankii awood qeeybsiga kaalintii uu ku lahayd Beesha ****** ,bal eeg sida uu u waramay markii BBC da waydiisay cida ka mid ah wafdiga Ra'isulwasaaraha ee wasiira ah oo uu yiri ma garan karo,Diinaari wuxuu ka mid ahaa macalimiintii wax I soo baray waxaana qabaa inuu isaga tago meesha ama ka jawaabo damdamta wiilka adeerka u yahay Cabdilahi Yusuf ee aaminsan in dowladda ay u dhalatay asaga iyo inta ku fikirka ah

Qodobka labaad ee aan ku diiday inaan ku raaco wafdigaas waxay ahayd kadib markii uu Yuusuf Bari bari xaqiray dhamaan weriyaashii kale ee aan isla soconay kana tiray liiskii oo ku bedelay Saxaafiyiin Kenyan ah,anigu ma noqon karo nin ka sareeyo Weriyaasha aan isku shaqada nahay,waana qaadacay .

Dulmigaas markii uu dhacay waxaa ila soo hadlay Ra'isulwasaare Geedi oo ii sheegay inaan garoonka imaad ana waxaan u sheegay inay Karaamadeeyda ka weyn tahay inaan hoos tago Yusuf Bari bari iyo wax la mid ah sidaas darteedna aanan la socon ama raaci doonin,waana iga dhab waligeey ma aqoonsan doono nadaam ku dhisan ku tagrifal iyo damdam shaqsi,mida kale anigu maba aqoonsani yusuf bari bari oo waxaan ku maqlay inuu yahay Jaajuus Cabdilahi Yusuf.

Su:aal.oo xubnahii ka shaqeeynayay xafiiska Ra'isulwasaaraha miyeeysan wax qoran Karin oo aysan shaqadooda u madaxbanaaneeyn?

Jawaab:Saaxiib Cadiifadda qabiil iyo ku tagrafalka ay wadaan wiilasha Cabdilahi Yusuf ku reerka ah hadaad u joogi lahayd Nairobi dhiiga ayaa goor hore kugu kari lahaa,laakiin waxaan kuu sheegayaa inaysan cidna wax u ogoleyn,qolooyinka Cali Maxamed Geedi la shaqeeyaana aysan wax awood ah lahayn oo yahiin maqaarsaar,laakiin weriyaasha ku sugan Nairobi ee Soomaali isugu jira ,abtirsiino kama rabaan Yusuf Baribari iyo wax la mid ah ,ugamana waramayo Muqdisho ,qalinkeena ayaan ku kalsoonahay,Yusuf Bari bari wuxuu igu dhahay ****** nimadda ayaa kugu weyn Dahir Yare ee dad dhintay af kuma soo nooleeyn kartid dadkaaada dhinac ka raac lafahaagana badbaadso,wiilka Cabdilahi Yusufna wuxuu igu dhahay ,waqtigii lagu xirayay bil ayaa ka dhiman adiga iyo wiilasha Dayniile iyo Hornafrik,waxaadna tahiin xabsi sugayaal laakiin labadaba jawaab igama mudno oo waa dad la soo cabsiiyay tahliisha qabyaaladda anigana ma rumeeysni inay boqol sano oo hada dhiman wax I yeeli karaan qoladaas.

Su:aal: Muxuu Yusuf Bari bari ka doonay Muqdisho una reebay weriyaasha Soomaaliyeed?

Jawaab:Yusuf Bari bari wuxuu Muqdisho u tagay sidii uu warbaahinta aduunka ugu sheegi lahaa inay Muqdisho tahay meel bello degan tahay,waana sababta uu u watay weriyaasha Ajnabi ,kuwa uu reebana wuxuu ka uriyay inay Soomaalinimadda ku weyn tahay ,waxaanse filayaa in Saxaafiyiin aan ku ogahay Muqdisho aysan dhegeeysan doonin ama beenin doonaan dacaayad kasta oo uu Yusuf bari bari ka fidiyo dadka Reer Muqdisho,anigu Dahir ahaan waxaan Oran lahaa Bari bari Badda Meesha aad ka gashaa waa ka dhanaan,xamarna kuwa naga sii aqoon badan oo Saxaafiyiin ah ayaa joogo.

Su'aal:Safarka Cali Maxamed Geedi sidee loo arkaa?

Jawaab: Cali Maxamed Geedi waxaa aad u jecel dowladda Itoobiya iyo axsaabta Cabdilahi Yusuf laakiin wax taageera kama heeysto beesha uu ka dhashay ee ****** waana sababta uu Muqdisho ugu soo dhaweeyay Cusmaan Cilmi boqore Gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka oo ka soo jeedo beesha Ciise Madoobe ee Jabuuti degta kuna waayay Wasiiradiisii awooda ku lahaa xamar,dad badan waxay leeyahiin Cali Maxamed Geedi wuxuu ahaan jiray NGO's te hadana hoowshii ayuu wataa oo boqolka kun ee doolar ayuu soo xalaaleeysanayaa laakiin sida ay qabaan xeeldheerayaal badan ,socdaalkiisa sooma kordhin karo wax guul siyaasadeed ah hadii uusan keenin colaad sokeeye.

Su'aal: ugu dambeeyn maxaa idiin go'aan ah weriyaashiina Reer Muqdisho?

Jawaab:waxaa noo go'aan ah in dadaalkeena saxaafadeed iyo gaarsiinta shacabka wararka xaqiiqada ah aan sii laba laabno,oo aanan wax weyn u arag cagjugleeynta qolooyinka xabashida iyo xabashi raaca sababtoo ah xeerka saxaafadda kuma farayo inaad dalkaada uga aamusto gumeeystayaasha u malabsanaya ee magaca Somali iyo midka ajnabi huwan ana Dahir ahaan waxaan qabaa inaan guud ahaan isaga baxo Saxaafadda hadii uu jiro qodob faraya in Saxaafiga uusan dalkiisa qalinka uga difaaci Karin cadawga shisheeye ee soo wajaha.

Waxaa wareeystay tafatiraha Dayniile.

Axmed Sheekh Cali kalaay.

 

 

Ku noqo beejka

 

 

 

 

 

webmaster@dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this