Sign in to follow this  
miles-militis

Puntland - Democracy in progress at the local level

Recommended Posts

Golaha Wakiiladda Puntland oo ansixiyay sharcigii doorashooyinka Golayaasha Deegaanka.

By Garoowe,Puntladpost. Posted to the web 09-08-2003, 19:28:51

 

Garoowe:-Golaha Wakiiladda Puntland ayaa maanta cod ku ansixiyay sharciga doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ee Puntland.

 

Sharcigan oo qeexaya qaabka iyo qorshayaasha ay yeelandoonaan golayaasha deegaanka ee Gobolada Puntland ayaa waxaa golaha horgeeyay Wasaaradda D/Hoose iyo H/Miyiga oo iyadu soo diyaarisay, wuxuuna golohu mudoba ku mashquulsanaa dooda qodoba sharcigan oo ka kooban ugu yaraan 44 qodob.

 

Kulankii maanta ee golaha oo ay fadhiyeen 45 xil-dhibaan ayaa waxaa u codeeyay 38 mudane, waxaana ka aamusay 6 halka uu ka diiday hal mudane oo qura.

Sharcigaan oo ay u suurto gashay Puntlandpost in uu nuskho ka mid ah akhiryo ayaa muujinaya bilowgii dimuqoraadiyadda Puntland , walaw ay weli jiraan qodobo u baahan in mustaqbalka wax laga badelo.Wuxuuna sharcigani baajinayaa in dib danbe ay xukuumaddu u soo magacawdo Duqowda magaalooyinka iyo ku-xigeenadooda, isagoo awoodaas ku wareejinaya bulshada oo soo dooran doonta golayaasha deegaanka oo iyana dooran doono duqowda magaalooyinka iyo ku-xigeenadooda.

 

Sidoo kale waxaa iyana yaraanaysa awooda duqowda magaalada oo awal sidii ay doonaan u socon jiray iyagoo sii joogitaankoodu uu ku xirnaa xiriirka uu la leeyahay duqu wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Madaxwaynaha, balse waxaa awooda la qaybsanaya wixii hadda ka danbeeyay gudiga degmada oo yeelandoono xubno joogta ah oo la shaqeeya Duqowda magaalooyinka.

 

Puntland,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

Thanks for the article Samurai. Do you guys know what was the specific time frame agreed between cade muse and c/yusuf on the next elections for leader of Puntland?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gentlemen,

It is an honour indeed to share positive as well as negative newsworthy reports from the old country.

 

Bari_Nomad – Though I know not much of the intrinsic elements of the agreement enquired about so far as elections are concerned, I am of the belief that local, parliament and presidential elections shall be conducted in Puntland once the term of the present administration comes to an end around May of 2004. I shall however make enquiries to find out as to when and how elections are to be conducted.

 

Cheers.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baarlamanka Puntland oo bilaabay ansixinta golaha Xukuumada - Wednesday, August 13, 2003 at 11:21

 

Garoowe, (Radio Midnimo)- Saaka subaxnimadii ayaa waxaa ka bilowday hoolka shirarka ee magaalada Garoowe ee Golaha Xeer dejinta shirkii Golaha oo shalay baaqday.

 

Warku wuxuu intaas ku darayaa in Goluhu durba bilaabeen in ay dhegeystaan warbixinaha Wasiirada Wasaaradaha Puntland si loo ansixiyo.

 

Wasiirka Maaliyada C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa cod buuxa ku helay 57 xubnood oo ay ka koobnaayeen Xildhibaanadii saaka soo xaadiray.

 

Wasiirka ayaa su’aalo dhowr ah oo ku saabsan dhinaca dhaqaalaha waxaa weydiiyey Xildhibaanada qaarkood, hase yeeshee Md. Faroole ayaa aqlabiyadan oo aysan dad badani fileyn meesha kala soo dhaqaaqay.

 

Intaas ka dib waxaa miiska la soo saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Cabdi xaabsade, khudbad dheer ayuu dabadeedna halkaas ka akhriyey wuxuuna sheegay arrin fajiciso ku noqotay dadkii dhegeysanayey, taasoo aheyd in uu ka mid ahaa aasaasayaashii Ururkii USC, kaasoo uu shegay in la majara habaabiyey, wuxuu kaloo hadalkiisa ku daray in sidoo kale uu qayb ka ahaa aasaasayaashii ururka SPM.

 

Md. Xaabsade wuxuu kaloo sheegay in shirkii Boorame ee Somaliland uu ka qayb qaatay uuna ka helay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Somaliland.

 

Haseyeeshee, arrinta ugu xiisaha badneyd ee Md. Xaabsade uu ka hadlay ayaa aheyd in uu isagu dhisay xabsiyadii caanka ka ahaa Soomaaliya ee Laanta Buur iyo Labaatan Jirow, xabsiyadaas ayaa uu sheegay in siyaasiyiin badan oo maanta jooga lagu soo dhaqan celiyey.

 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay Puntland meel ay ka badatay eex, musuqmaasuq, qabiil iyo lunsiga hantida ummada waa siduu hadalka u dhigaye, uuna diyaar u yahay in uu u sameeyo xabsiyo la mid ah kuwii hore ee uu sheegay in siyaasiyiinta iyo dadkaba lagu dhaqan celin jirayin, si dadka loogu toosiyo.

 

Ugu danbeyntii, wuxuu sheegay in uu Puntland ka soo qabtay dhowr jago oo kala ah Wasiirka Howlaha Guud, Wasiirka Ganacsiga, Guddoomiyaha xaaladii deg dega aheyd iyo hadda oo uu yahay wasiirka Arrimaha Gudaha.

 

Sacab iyo qosol dheer ayaa dadkii shirka fadhiyey bilaabeen wuxuuna cod buuxa ku helay dhamaan Xildhibaanadii codeynayey oo tiradoodu gaaraysay 57.

 

Siciid Caduur, Wasiirka Caafimaadka ayaa isaguna loogu codeeyey 54, Wasiirka Ganacsiga Faarax Maxamuud Yuusuf (Dooxojoog) wuxuu isaguna aqlabid buuxda ku helay 57 cod, waxaase Golaha Xukuumadu cayriyeen Wasiirkii Warfaafinta Diiriye Jaamac Geele, iyo Wasiirkii Shaqada iyo Isboortiga C/nuur Cilmi Biindhe.

 

Weli waxaa ka socda hoolka shirarka ee Golaha xeer dejinta ansixinta golaha Wasiirada Puntland tanoo socon doonta ilaa cawa oo lagu ansixin doono dhamaan Wasiirada la horgeyn doono kalfadhigaan, wixii warar ah ee ka soo cusboonaadana dib ayaan idiinkala soo socodsiin doonaa

 

Radio Midnimo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ku xigeenka Wasiirka D/Hoose oo ka hadlay sifooyinka doorashada degmooyinka Puntland

 

Waxaa u suuragashay weriye ka socda wargeyska Kaaha Bari in uu waraysi gaar ah kala yeesho KU xigeenka Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose, C/risaaq Cali Saciid, Sifooyinka lagu dooranayo Golayaasha deegaanka Puntland, Waraysigiina wuxuu u dhacay sidaan:

 

K.B War bixin ma naga siin kartaa Sifooyinka lagu dooranayo Golayaasha Deegaanka P/L?

 

C/risaaq: Arrintaa waxaa qeexaya Sharciga Dalwadaha Hoose oo ay dhowaan ansixiyeen Golaha Xeer Dejinta Puntland, waana la baahinayaa, waxaa la gaarsiinayaa 27ka degmo ee Puntland, qofkii danaynaya sharcigaa in uu helo wuxuu ka iibsan karaa Xafiisyada Wasaaradda Maaliyadda waaxda Canshuuraha Berriga, macluumaadka oo dhan sharcigaa ayaa xanbaarsan, iyo qaabka wax loo dooranayo.

 

K.B. Ma waxaa la dooranayaa Duq, Ku xigeen iyo Gole deegaan?

 

C/risaaq: sida sharcigu dhigayo, marka ugu horreysa waxaa la dooranayaa Gole deegaan, Degmooyinka waxaa loo kala saaray A: iyo B.

 

Qaybta A: waxaa noqonaya 6da Magaalo Madax ee Gobolada Puntland, Golayaasha Deegaankooda waxaa loo qorsheeyey Min 25 Xubnood oo Gole deegaan ah.

 

Qaybta B: waxaa loo qoondeeyey 21ka degmo oo ka baxsan Magaalo madaxyada Gobollada waxaana loo qoondeeyey Min 17 Xubnood oo Gole deegaan ah.

Marka Golaha deegaanka la doorto, waxay iska dhex dooranayaan Guddiga Joogtada ah ee Golaha Deegaanka , Markay qaab dhismeedkooda dhammaystaan, waxay u soo jeensanayaan doorashada Duqa, iyo Ku xigeenkiisa. Sida sharciga ku xusan.Duqa iyo Ku xigeenkiisa, Golaha Deegaankana waa laga dooran karaa,bannnakana waa ka iman karaa.

 

K.B. Maxaa lagu Salaynayaa qaabka doorashada Golaha deegaanka?

 

C/risaaq: waxaa lagu Salayynayaa qaab Beeleed, xubnahana waxaa qaybsanaya Beelaha, iyaga ayaana ka tashanaya qaabka ay u qaybsanayaan, Waana dadka canshuurta bixiya. Waxaase korjoogto ka noqonaya Guddiga Doorashooyinka Golaha Deegaanka loo magacaabay iyagoo ku hagaya qaabka sharcigu dhigayo.

 

K.B. Haddii Khilaaf ka yimaado deegamada qaarkood oo ay isku afgaran waayaan qaabka wax qaybsiga maxad ku xallinaysaan?

 

C/risaaq: wixii khilaaf soo baxa, waxaa u xilsaaran Guddiga Doorashooyinka Golaha Deegaanka oo uu madax u yahay Wasiirka D/ha H&HRM, Aniguna aan Guddoomiye ku xigeen ka ahay.

 

K.B. Dawladdu saamayn intee le’eg bay ku yeelanaysaa Golayaasha Deegaanka marka la dhiso?

 

C/risaaq: Awoodaha xooggooda waxaa yeelanaya Golaha Deegaanka, marka la soo doorto Duqa iyo Ku xigeenkiisa, Dawladdu waxay soo Magacaabaysaa Xoghayaha degmada, isagaana wakiil ka ah dawladda dhexe, ama Wasaaradda D/ha H&HRM.

 

K.B. Ka qaadista xilka Duqa iyo Ku xigeenka yaa awood u yeelanaya?

 

C/risaaq: waxaa awood u yeelanaya Golaha deegaanka, waana u madax bannaan yihiin is xukun hoosaad kooda, marka uu fal denbiyeed galo ama lagu soo oogo cod aqlabiyad ah, ama uu ka soo bixi waayo waajibaadkiisa, Muddada uu xilka haynayo waa 4 sano, sharcigu wuxuu kaloo qeexayaa hadduu dhammaysto in uu mar labad doorasho isu taagi karo, oo hadduu ku guulaysto muddo kale, oo 4 sano oo kale, balse aanu mar saddexaad isu soo taagi karin . Doorka wasaaraddu wuxuu noqonayaa Kormeer, baaris iyo Ilaalin Guud.

 

K.B. Doorashada Golayaasha Deegaanku waa Hawl ballaran, oo u baahan diyaar garow ballaaran, dhaqaale badan, Farsamo, Tabarabar iyo Fulin, yaa gacan idinka siinaya?

 

C/risaaq: Diyaarinta hawlaha 27 Degmo, Arrin fudud ma aha, dhaqalaha dawladdu waa kooban yahay, balse dawladda dhexe waxay u qoondaysay Boqolley dhan 2.5%, oo laga jaray degmooyinka Bosaso iyo galkacayo, dakhligaa ayaa ilaa hadda wasaaraddu u qorshaysay in ay ku maarayso kicinta iyo doorashooyinka Golayasha Deegaanka.

 

K.B. Goorma ayaad qorshayseen in aad hawshaan ku tallaabsataan?

 

C/risaaq: xaqiiqdii Guddigii la magacaabay weli isuguma imaan hawshaan, Xilli cayiman oo weli lagu qabtay ma jiro, degmooyinka hadda Maamulka leh ayaa xoogga la saarayaa, balse ka danbayn mayso Bisha November ee 2003da sida aan ku rajo weynahay.

 

K.B. Waxaa jira degmooyin Siyaasad ahaan loo aqoonsaday, laakiin aan dhaqaale soo saarin , kuwaas maxa idiinka Xeer ah?

 

C/risaaq: Degmo marka la magacaabo wa in ay buuxisaa sifooyinka Degmonimo,Canshuurta bixisaa, leedahay Xafiis D/Hoose, Saldhig Boliis, Dugsiyadii waxbarashada, Caafimaadkii iwm.

 

Sifooyinkaa haddii laga waayo Degmo waa jiritaan beeleysaa, dadka ayeyna ku xiran tahay sida ay wax u diyaarsadaan.

 

Posted by: Horseednet on Friday, October 31, 2003 - 11:21 AM

 

Note: Kaaha Bari

Posted by: Horseednet on Friday, October 31, 2003 - 11:21 AM

 

Note: Kaaha Bari

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this