Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Wajid Falls for Al-Shabaab

Recommended Posts

Initial information received indicates that Al-Shabaab forces captured Wajid town in Bakool region with little effort.

 

Reportedly Al-Shabaab members immediately embarked on a systematic process shutting down cinema houses, burning down of Miraa (Khat) kiosks, shaving off the hair of persons with western hair cuts as well as total bans on smoking and listening to music.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho:- Degmada Waajid ee xarunta gobolka Bakool ayaa maalintii 2aad gacanta Dowlada ku meel gaarka ah ka maqan iyadoo ay shaley la wareegeen xoogaga Alshabaab oo sida weyn uga soo horjeeda Dowlada ku meel gaarka ah iyo tan Ethiopia oo garab siineysa Dowladan.

 

Waajid ayaa ku biirtey magaalooyinka ay qabsadeen kooxaha kasoo horjeeda Dowlada iyagoo bedeley qaab dagaalkoodii in dhoweydna ku duulayey magaalooyinka Gobolada Dhexe iyo kuwa Koonfureed.

 

Hore ayey xoogagani wa xay u qabsadeen magaalooyin ay ka mid yihiin Diinsoor, Idaale iyo Buurhakaba oo ku yaala Gobolka Baay, waxay kaloo qabsadeen magaalooyinka Bu'aale, Saako, Leego oo dhamaantood ku yaalaan Jubada dhexe.

 

Waxaa sidoo kale xusid mudan iney kooxaha hubeysan aysan ku negaaneyn qabsashada magaalooyinkaas iyagoo saacado ama maalmo kadib ka baxayey.

 

Waajid ayaa lagu soo waramayaa iney amaankeeda sugayaan ciidanka Alshabaab oo uu hogaaminayo Abu Mansuur oo ka mid ah raga ugu cad cad ee kasoo horjeeda Dowlada ku meel gaarka ah.

 

Waxaa intaa dheer in goobihii lagu dagaalamey ee magaalada Muqdisho ay saaka degen yihiin iyadoo dad badani ay ka barakaceen goobahaas hadana ay ku sugan yihiin ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowlada Soomaaliyeedd.

 

Dhimashada ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan iyadoo hay'adaha caalamigu ay shegeen iney ku dhinteen dagaaladan Muqdisho ka soconayey labadii maalmood ee nasoo dhaafey dad gaaraya ilaa iyo 80 qof oo isugu jira dad rayid ah iyo kuwa kooxaha dagaalamayey.

 

Cabsi weyn ayaa waxaa laga dareemayaa Magaalada Muqdisho iyadoo ay jiraan ciidamo badan oo isa soo dhoobey Wadada Wershadaha iyo wadooyinka gala Suuqa Xoolaha.

 

Dowlada ayaad moodaa iney wax ka qaban weydey xaaladan dagaal ee wadanka ka taagan iyadoo dhowr jeerna ku dhawaaqdey iney diyaar u tahay iney wada hadal la gasho kooxaha ku kacsan.

 

 

LaasqorayNET/Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this