Sign in to follow this  
BiLaaL

Calan u eg Astaanta Dowladda Ethiopia oo laga taagay fagaaraha Tarbuunka

Recommended Posts

BiLaaL   

Mogadishu 26, Feb.07 ( Sh.M.Network) Calan u eg astaanta dowladda Ethiopia ayaa saakay lagu arkay iyadoo 3 meel looga surey fagaaraha Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, calankaasi oo uu ku xusnaa Qoraal Somali ah (Somalia Kalinka lixaad), iyadoo dowladda Ethiopia ay beenisay ku lug lahaashaha arinkaasi.

 

Arintaan ayaa hadaba waxaa caro ka muujiyay dadweyne aad u fara badan oo halkaasi isugu soo baxay deetana jeex jeexay calankii oo ay ka soo dajiyeen halkaasi.

 

Ilaa iyo Iminka lama yaqaan dadkii ka dambeeyay in calankaasi la suro, iyadoo saraakiil u hadashay ciidamada Ethiopia oo la soo xiriirey Shabelle ay beeniyeen in ay sureen calankaasi.

 

Saraakiisha Ciidamada Ethiopia ayaa ku tilmaamay arinkaasi mid la isaga horkeenayo ciidamada Ethiopia iyo Shacabka Somalida.

 

" Anaga ma aanan u imaan halkaan in aynu qabsano, waxaan u imaanay in aynu caawino dowladda KGM ah oo ogolaashaheeda aan ku soo galnay Somalia" ayay yiraahdeen saraakiishaasi oo qaarkood ku hadlayay luuqada Somaliga.

 

Calankaan la surey halkaasi ayaa waxa uu ahaa mid u eg calanka dowladda Ethiopia oo dhexda buluug ka ah, lehna lix xidigood, waxaana ku qornaa qoraal Afsomali ah ( Somalia Kalinka 6aad), iyadoo calankaasi la surey qeybta ugu koreysa ee fagaaraha tarabuunka halkii lagu yaqiinay astaanta qaranka Somalia.

 

Ciidamada dowladda Ethiopia oo aad u hubeysan ayaa isku gadaamay wadada Tarabuunka ilaa warshaddii hore ee caanaha halkaasi oo saakay ay ka bilaabeen baaritaano, iyagoo baaraya sida ay sheegeen dadkii ka dambeeyay falkaasi.

 

Laakiin Goobjoogayaal ayaa shabelle u xaqiijiyay in calankaasi la surey Tarabuunka xalay, iyadoo ay sureen dad ka yimid dhinaca Isbitalka Digfeer oo fariisin u ah ciidamada dowladda Ethiopia.

 

Arintaan ayaa waxaa caro ka muujiyay shacab fara badan oo Somaliyeed oo saakay isugu yimid fagaaraha Tarabuunka, kuwaasi oo aad uga soo horjeeday astaanta Somalia oo lagu badalay calankaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   
:D , Bilaal saxb. Shabelle Radio-ga iyo Web site kuba ilaa shalay. Waxay qorayeen war aan caadi ahay oo iskasoo daba dhacaya. smile.gif Markaa Im sure, Qanyare dacwadiisii iyo warkii beenta ahaa oo ay fidiyeen ayaa cunaha ku dhagan. (Wadkeed korisooy waq waq makkaa yeedhay). Lool Yaa yidhi war been ah sheega.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BiLaaL   

Shabelle sababta loo necebyahay waa run sheegnimada. Ma waxaad leedahay arintaan calan taaga ayaa ah wax la been abuuray? Ma suurto galeeyso in loo qariyo foolxumo kasto oo dowladaan lug kuleedahay, inkastoo aqiyaartiin aad saas jeceshihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

Calanka waala taagay siday ina leeyihiin. Laakiin si fiican u akhri. Cidda taagtay waa caddahay :D . Warkuna waa is burinayaa. Oo mar waxay leeyihiin qolyo dhib abuuraya ayaa taagay. Marka kalena waxay leeyihiin Qolyo dhinacaa Ethiopian-ka kasoo baxay. Almuhim, Shabelle fartaa ku mudan. Warar suganoo aan seef la boodo lahayn waa inay sheegaan. Let me tell you the most impartiall Somali website. Waakan. I vote for it (No1).......

 

www.somaliweyn.com

www.somaliweyn.com

 

I like Siidi too :D . He is a good Somali reporter.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Calan la taagay iyo waxaas macne ma samaynayaan Itoobiya Soomaaliya way soo gashay inaysan sahal ku baxaynna waan ognahay. Hunguri iskaga riyoo inay baxayaan adiga iyo kuwa hadda u nacamlaynaya ayaan arki doonnaa maalin aad ku calaacashaan yaa naga saara waaba haddii ay Soomaalinnimadaadu dhab tahay.

 

Wallee nin qabiil lagu taageeraa inaysan naga saarayn. Soomaaliya xukun ay horboodayaan danaysteyaal aan aqoon lahayn oo dad laayey uma baahna ee waxay rabtaa shakhsiyaad nadiif ah oo aan ummadda dembi ka gelin. Waxase Mbagathi lagu soo dhoodhoobay waa jabkii dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Loool......Somalis want to get closer to their brothers/sisters under Ethiopian Occupation already just incase Ethiopia decides to keep Somalia for good Ahmed that is probably why people talk about this kilinka lixaad thing, not even realising that this number is already filled in....lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this