Sign in to follow this  
Saalax

Dayax Madoobaad Laga Arkay Gobolada Somaliland Gaar Ahaan Caasimada Hargeysa iyo Sala

Recommended Posts

Saalax   

Dayax Madoobaad Laga Arkay Gobolada Somaliland Gaar Ahaan Caasimada Hargeysa iyo Salaad, Ducooyin Alle Lagu Waydiisanayo Dambi Dhaaf iyo Naxariis Oo Laga Bilaabay Masaajidada 31 Dec 2009

 

 

Hargeysa (OWN)- hadda oo ay saacada Geeska Afirka gaar ahaan Somaliland tilmaamayso 10:40 min, ayaa waxaa laga war helay dayax oo qayb ka mid ahi madoobaatay waana amuur llaahay wax ku tusayo bina’aadanka uu abuurtay.

Sii Akhri

 

 

http://oodweynenews.com/display_page.php?articleid=13422

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Ceerigaabo=Dayax-Madoobaad La-kowsadey sannadka cusub ee 2010-ka.

 

Written by Qarannews

Dec 31, 2009 at 04:11 PM

Ceerigaabo(Qarannews)-Abbaara 10:00-10:10 habeennimo ee caawa oo ah habeen Jimce soo gelayo kuna began 15-ka bisha Muxarram, sidoo kalena saacado yar uun kaddib uu kow noqonayo sannadka cusub ee 2010-ka ayaa waxa kusoo beegmay Dayax-madoobaad si weyn looga dareemay magaalada Ceerigaabo. Kaasi oo sababay muddo ku dhow hal saac in uu dayaxu ahaado mid madow, iyo in dhulku ahaado meel mugdi ah.

 

 

Dayax-madoobaadkan ayaa bulshada reer Ceerigaabo markii ay dareemeen waxa masaajiddada lagaga baaqaya in lay sugu soo boxo salaadda la tukado marka mucjisooyinka noocan oo kale ahi lasoo dersaan bulshooyinka muslimka ah, iyadoo dhawaaqa (Assalaatu-Jaamica) masaajiddada ka baxayey laga maqlayey dhammaan daafaha magaalada Ceerigaabo, halkaas oo iyadoo loo deg degayo culimada iyo cuquusha kaleba masaajiddada isugu tageen oo si isku mid ah dhammaan masaajiddada Ceerigaabo looga Oogey salaaddaas, ilaa iyo intii iftiinka dayaxu ka ahaanayey mid kusoo noqda sidii uu ahaa ka hor intii aanu madoobaan.

 

Waxa xusid mudan sida uu qoray Wargeyska Maalmaha caddadkiisii 360-aad ee soo baxay Isniin 28-December 2009 in Xarunta Cilmi-baadhista Hawada Sare gaar ahaan xarunta mashruuca la socodka Dayaxa ee islaamiga ahi sheegeen in dayax-madoobaadkani habeenka Jimcaha ee ku began 01-January 2009 uu ka dhici doono meelo badan oo ka mid ah Qaaradaha Africa, Eeshiya iyo Yurub oo ay dadku arki doonaan dayaxa oo qaybo ka mid ahi madoobaanayo, haddana yara caddaanaya, haddana ku noqonaya madow, ilaa uu mar danbe ka baxayo madowga.

 

Sikastaba ha ahaatee arrintan ayaa ah mid la kowsatey sannadka cusub ee 2010-ka sida dhaqanka Soomaalida eek u xisaabtama taariikhaha facoodu weyn yahayna loo arki karo isbeddel dadka qaarkiis ku sababayn karaan arrimo sannadkan u gaar ah.

 

Cabdullaahi Xuseen Darwiish

 

Qarannews

 

Ceerigaabo

 

 

http://www.freeimagehosting.net/uploads/10ff7172c5.jpg

 

 

http://www.qarannews.com/index.php?option=com_content&task=view&id=6878&Itemid=62

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this