Sign in to follow this  
General Duke

Waa kuma Axmed Diiriye? Nabadoon Biliiliqo!!!

Recommended Posts

MUQDISHO: Waa kuma Axmed Diiriye?

Posted to the Web Apr 03, 16:13

 

Muqdisho: (pp)- Waa kuma Axmed Diiriye? : Wuxuu waayahan aad uga hadlaa Idaacadaha ku yaal Magaalada Muqdisho iyo BBC-da Laanta Af-soomaaliga , wuxuu sheegtaa inuu yahay Nabadoon , wuxuu kaloo sheegtaa inuu yahay Af-hayeenka Beelaha ******.

 

Axmed Diiriye Cali, Wuxuu aad u soo baxay kaddib dagaalkii muqdisho ka dhacay ee lagu soo saaray dowladii Marxuum Siyaad barre, wuxuu ka mid ahaan jiray kuwo daba orda qab-qablayaasha Soomaalida , wuxuu aad ugu dheerayn jiray inuu u kala basaaso isla qab-qablayaasha dhexdooda , wuxuuna caan ku ahaa oo kale inuu wararka u kala qaado qabiiladii ku wada dagaalamyey magaalada Muqdisho.

 

Wuxuu sheegtaa inuu yahay Halgamaa weyn, halgankaas uu sheegto oo ku salaysan xasuuq aan meel loo dayin uu u gaysan jiray dadkii maatada ahaa ee ku noolaa muqdisho.Axmed wuxuu in badan ku soo caano maalayey qabsadayna guryo badan oo ku yaal If iyo Aakhiro, wuxuu guryahaas intooda badab qabsaday dagaaladii muqdisho looga saaray Marxuum Maxamed Siyaad Bare (RABBI JANNADIISA HA SIIYEE), wuxuu degenaa Guri nin masaakiin uu lahaa oo uu isagu dilay , kaddibna uu deegaan ka dhigtay.

 

Sidoo kale, wuxuu lacago kuwaas la mid ah ka qaadan jiray guryaha Wasaaraddii hore ee Gaashaandhigga, halkaasoo dadka daggan ay isku beel ahaayeen isaguna uu dajiyay kirooyina uu ka qaadan jiray. Ahmed wuxuu dadka aan garanayn u sheegtaa inuu yahay Wadaad soomaaliyeed , Laakiin dadka Muqdisho ku nool waxay u yaqaan inuu yahay nin ******** ah oo aysan wadaadnimadu meel ka soo marin, maadaama uu yahay nin ay yaqaaniin, wuxuu kaloo ahaan jiray ******** wata kooxo ******** oo dadka dila´, siiba kuwa u ololeeya inay Xamar iyo Soomaaliyaba nabad ka dhalato.

 

Axmed Diiriye, waa ninka sida la sheego ka dambeeya dilalkii saraakiisha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadka kale ee aqoonyahanka ah ee lagu dili jiray Muqdisho, wuxuuna haystaa ******** uu u adeegsado inay dadka dilaan. ********ta wuxuu ku hayaa goobo qarsoodi ah, waxaana lacag ku siiya arrintaas kooxo ka haray Maxkamadaha oo ku sugan Muqdisho waana nin shaqo gooniya oo la yaqaan u qabta kooxihii Maxaakiimta.

 

Axmed Diiriye, waa nin aan wanaag lagu aqoon xumaan mooyeen marka la joogo Muqdisho, wuxuuna ka mid yahay dadka ololeeya inaan nabadi ka dhicin Muqdisho, maadaama uu wax ku noqday guryo uusan lahayn , hanti dad leeyahay iwm.

 

Axmed Diiriye , waxaa kaloo lagu yaqaan waa ninka kaliya ee magaalada Muqdisho, lagu yaqaan in hadba qolada uu dantiisa ka helo inuu raaco, waxaa ilo kale ay sheegayaan in Maamulka Banaadir iyo kooxo kale oo DFKS , uu kula gor-gortamay inuu la shaqeeyo si uu ugu soo rufyaamo kooxaha dowlada ka soo horjeeda. Arrinkaas Axmed Diiriye ma noqon mid laga aqbalay oo wuu ku guul-daraystay , taasoo la sheego inay dhalisay mucaaradadan xoogga badan ee uu ku itiiminayo waxyaalo aysan Soomaali raali ka ahayn.

 

Axmed Diiriye ayaan ku caan ah [Axmed Bililiqo] , Nasiib darose wuxuu huwaday Beelo Soomaaliyeed magacooda , iyadoo aysan jirin cid aan uga neefinaysa ama ku kaalmaynaysa Qabyaalada uu ku qarinayo danbiyadii uu ka galay soomaali badan oo ciida ka hoosaysa, oo uu ka mid yahay ninka uu gurigiisa ku dilay ee uu degaanaa intaysan dagaalada u dhaxeeya dowlada iyo kooxaha ka soo horjeeda ka qarxin Muqdisho.

 

Xigasho: Aqoon-yahano Soomaaliyeed

 

Daabacaada: Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

10830 lies and still counting on!

 

Axmed diiriye speakes the language you speak, and nothing more!

 

but increase the lies to support your ailing uncle before he dies with misery and humiliations in Mog.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ebyan   

He'll die when his time comes, just like you'll die when yours comes. You can wish death upon him all you like, but unfortunately (for you) words don't kill. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this