Sign in to follow this  
General Duke

16 year old sucide bomber meant for Hargaysa changed his mind

Recommended Posts

16-jir ka tanaasulay inuu ismiidaamiyo

8 Apr 8, 2009 - 7:20:55 AM

 

Wiil Soomaaliyeed oo 16-jir ah ayaa sheegay inuu ka tanaasulay qorshe ismiidaamin ah oo uu ka fulin lahaa Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, isagoo sheegay inay tababareen xubno ka tirsan Al-shabaab.

 

Inkastoo wiilkan uu qariyay magaciisa, hadana wuxuu sheegay inuu uga tagay dalka Mareykanka, sidii uu naftiisa u miidaamin lahaa una dili lahaa dad badan. wuxuuna arintan ku sheegay wareysi uu siiyay VOA laanteeda Afka Somaliga.

 

"Muddo laba bilood ah ayaan qaadanayay tababar ku aadan sida la isku qarxiyo meel ku dhow degmada baraawe ee Gobolka Sh/hoose, waxaana la ii sheegay Janno, taasoo aan is iri yaan lagaaga hormarin" ayuu yiri wiilkan 16-jirka ah.

 

Tababarka ayuu sheegay inay la qaadanayeen in ka badan 300-dhalinyaro Somali ah, kuwaasoo ka yimid dalka dibadiisa, isagoo xusay in isagu uu ogaaday in arintan ay tahay mid lagu khiyaanayo.

 

"Wacdiyo ay bixinayeen culumo ahlusuna ah ayaan ku ogaaday in go'aankeygu yahay mid khalad ah oo aanan Janno galayn, markaas ayaan go'aan ku gaaray inaan joojiyo howsha aan tababarka u qaatay" ayuu yiri wiilkan magaciisa qariyay.

 

Mar la weydiiyay inuu la shaqeynayo Ahlusuna iyo in kale ayuu ku jawaabay: "Sidii ay noqoto ayaan arkayaan, balse waxaan cadeyn karaa inaan joojiyay qorshihii ismiidaaminta ahaa".

 

Wiilkan ayaa hadalkisa kusoo beegay xili ay FBI-da Mareykanku ka digeen dhalinyaro Somali ah oo ka tagaya dalka Mareykanka si ay ugu dagaalamaan kooxda mayalka adag ee Al-shabaab.

 

Dhalinyaro Somali ah oo ka tagay Mareykanka kuna biiray Al-shabaab ayaa dhawaan sheegay inay ka barbar dagaalami doonaan walaalahooda Somalia [Al-shabaab], ayna ku qanacsan yihiin nolosha ay hada haystaan.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

^^ I have no clue, but I think that kuwa oo Culimada Muslimka iyo Maatada Masaakinta oo gacan-geliyaan gaal-madow iyo gaal-cad have a fate a million time worse...both in this world and the next.

 

Like I said, there will be a reckoning. That reckoning has just has not reached your neck of the woods, Suldaanka. After all, the judges and jury are busy exacting justice down Souf.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ADNAAN   

This man doesn't sound like a 16 yrs old from the states, he rather sounds like geeljire goog'ay. af soomaligiisu is just too good for a kid from the states.

 

his answer as to why he wanted to do it :

 

horta ninyow janaa naloo sheegay, oo cajaldihii aan sitey ayaaba eey ku sawirneyd janooyin :D . markaa anaga janadaas ayaa naloo soo dhaweeyey..dhalinyar o ahaana waan ku hiig kacney oo waxaan is nidhi yaan janadaa la idiinka horeyn.

 

 

check it out for urself. listen here

Share this post


Link to post
Share on other sites

Reckoning Kashafa? Adeer give us a break the Kharajites will be wiped out like they were in the days of old. Already they lost the central regions. Forget Somaliland and Puntland they wont hold on to Ceel Buur and Mogadishu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this