Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Waa dhab in ay ka saamayn badan yihiin tan beelaha kale ee Soomaaliyeed....

Recommended Posts

Waa dhab in ay ka saamayn badan yihiin tan beelaha kale ee Soomaaliyeed, waxanay karaan inay majaraha u qabtaan dabaylaha siyaasadeed ee dalka kuna dabaqaan halka ay aragtidoodu u badan tahay.

 

Aweys-Shariff.jpg

 

Aan ka afeefto marka hore in qormadan magaca qabiil xambaarsan in aan loo qaadan mid aan ku durayo beesha Xamar balse waxaan magacan u soo qaatay markii aan dersey waxyaabihii dalka ka dhacayey dhawrkii sannadood ee ugu dambeeyey, waxanay beeshan inkasta oo aanan anigu ka dhalan ay iga mudan tahay ixtiraam iyo sharaf sida beelaha kale ee Soomaaliyeed.

 

Haddaba qalabka kala duwan ee warbaahinta Soomaalidu gaar ahaan midda ku wareegta hawada ee electronikada ah (Web News), waxay dadka u soo gudbiyaan macluumaadka kala duwan gaar ahaan waxa loogu jecel yahay oo ah WARKA, haa war la helyaaaba talo la hel!, waxana qalabkan warbaahintu uu ka dheereeyaa wax kasta oo kale marka lagu daro xitaa isgaarsiinta guur-guurta ee mobile-ka loo yaqaan, inkasta oo warka dheeraynaya ee dhakhsaha badani uu cillado leeyahay gaar ahaan marka laga hadlayo dhinaca sugnaanshaha dhacdada.

 

Qalabkaas warbaahinta ee Soomaalidu adeegsato wuxuu ka kooban yahay radio reer hebel iyo website reer hebel, Idaacadda la iska akro ee reer Qansax iyo wargeyska reer Qurac, illeyn sidaasey Soomaalidu ku caana maashaa e, waxaa aniga shakhsiyan iila awood badnaa amaba iila saamayn badnaa qalabka warbaahinta ee ay beesha Hawiyuhu adeegsato marka lagu daro BBC-da oo wixii ka dambeeyey sannadkii 2000 u xuub siibatey sida idaacaddaha maxalladiga ah ee dalka.

 

Qalabkan warbaahineed waxaan si dhab ah u bartay labadii sannadood ee ciidamada Ethiopian-ku ay dalka joogeen iyo lixdii bilood ee ka horreysey ee Maxaakiimta.

 

Laakiin sheekadani waxay soo ifbaxday xilli yar kadib doorashadii Cabdullaahi Yuusuf Axmed loo doortay madaxweynahii kumeel gaarka ah ee dawladda federaalka sannadkii 2004, waxanay ka bilaabantay kadib markii oday Cabdullaahi ileyn waa nin askari ahaa e shirkii caleemasaarkiisa ka sheegay in uu u baahan yahay labaatan kun oo ciidan shisheeye ah oo hub ka dhigis sameeya, (Dad badan oo beesha ka tirsan ayaa u qaatay in uu aano iyo aarsi doon yahay iyagana rabo inuu sacabooley ka dhigo, website-ka Qaadisiya waxaa hal ku dheg u ahaa ‘Marka Hore Dabkuu Idinka Dhigi Dumar Sidiisiiye).

 

Homboboro Libaax Bay Soo Waddaa!, cilladayntii dawladdii TFG-ga waxaa lagu bilaabay baarlamanka ku kala duwan fikirka ee u kala jaban labada qaybood, iyo adeegsiga ereyga dawladda taagta daran ee uu fadhigeedu yahay Baydhaba.

 

Waxay awood u yeesheen ama ay suura geliyeen waaba raganimo la is dheeryahaye, in ay qariyaan oo ay daahyo xariir ah huwiyaan shisheeyihii ka barbar dagaallamayey Islaamiyiinta Soomaaliya iyagoo mar kasta beenin jirey iney dalka Alqaacida joogto.

 

Xilligii malleyshiyaadkii magaca Islaamiga ah watey ay dagaalka kula jireen dawladdii Cabdullaahi Yuusuf Axmed, qalabkan warbaahineed waxaa hadal hays u ahaa:

 

- Dagaal goor dhow ka bilowday xaafad hebla, (waxaad mooddaa iney danaynayaan ama ay hubaan in dagaalku sii socon doono).

 

- Ciidamada Ethiopia iyo kuwa dawladda oo dad shacab ah ku xasuuqay meel hebla (goormaa la adeegsan karaa ereyga xasuuq)

 

- Madaafiic jawaab ah oo dad shacab ah waxyeellaysay. (u fiirso ereygaas, aaway su’aashii, ma doonayaan iney ka hadlaan ciddii dagaalka bilowday, waxa la buun buuninayaa waa waxyeellada ay geystaan dawladda iyo Ethiopian-is wata iyadoo aan dhinicii kale waxba laga soo qaadayn).

 

- Xooggagga iska caabinta iyo kuwa Ethiopia oo dagaal fool ka fool ah ku dhex maray halkaas, iyo Ethiopian-ka oo dad rayid ah laayey (waxa rayidka isu rogey waa ciidankii Ethipian-ka dagaalka kula jirey markey dhintaan waa rayid, markay nool yihiinna waa xoogaggii iska caabinta shisheeyaha, ereyga fool ka fool waxaa loola jeedaa geesi gelin).

 

- Odayaasha Beelaha ****** oo ku baaqay in Ethiopan-ka iyo shisheeyuhu baxaan (shisheeyihii la sheegi jirey wuxuu noqday Cabdullaahi oo aan Xamar u dhalan Ethiopian-kiina hadda ayaa loo yeertay).

 

- Intaa waxaa sii dheeraa baahinta ama soo bandhiggidda barnaamijyo dood ah oo nuxurkoodu yahay, in Soomaaliya dadka loo tusiyo in ay gumaysi ku jirto oo ay Ethiopia qabsatay iyo bahdillidda Dawladdii Federaalka Kumeel Gaarka ah ee Soomaaliya.

 

CaCabdullaahi yo Ethiopia kadib

 

 

 

Haddaba wax walba xilli ayey leeyihiine, markii Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo ciidankii Ethiopia ay ka baxeen dalka maxaa is beddeley.

 

 

 

Madaxweyne kumeel gaar ah ayaa loo doortay nin ka dhashay isla beeshan, waa madaxweynaha xilligan Sheekh Shariif Sheekh Axmed, mucaaradkii ka soo hor jeedey ee ay beri saaxiibada ahaan jireennada dagaalkoodii ayey halkii ka sii wadeen.

 

 

 

Qalabkii warbaahineed maalin gelinkeed ayuu isku beddeley oo uu bilaabay in uu isticmaalo erey bixin hor leh.

 

 

 

Waxyaalaha laga faa’iidey kala jabkii kooxaha islaamiyiinta waxaa kamid ah in ay kashifmaan waxyaalo fara badan, waxanay erey bixintoodii hore ku beddeleen middan.

 

- Ajaanib Asia u badan ayaa dalka ku sugan kana tirsan ururka Al-Qaacida (ereygaasi sir culus oo aan suura gal ahayn in la sheego ayuu ahaa wixii ka horreeyey January 2009.

 

- Dalka waxaa jooga kooxo argagixiso ah oo mayal adag.

 

- Waxay waraysi ka qaadeen qaar kamid ah kooxaha dagaallamaya oo si toos ah u qiranaya in ajnebi uu ka buuxo dalka isla markaasna ay ka tirsan yihiin Al-Qaacida.

 

- Kala jabka loo kala jabay Xasan Daahir, Alshabaab iyo Sheekh Shariif ayaa bannaanka soo dhigtay wax allaale iyo wixii la qarin jirey mudadii labada sano ahayd ee la soo dhaafay, waxana suura gal noqotay in warar kala duwan oo madax bannaan la helo halka markii hore la ahaa weerar iyo weerar celis keliya.

 

 

 

Ogaadoy, Marka Dawladda Labada Shariif iska tagaan maxaa la oran doonaa, erey bixintu ma dhammaato ee qaar kalena filo hana u daymo la’aan wejiyada is bedbeddelaya ee hadba dhinac lagu jihaynayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this