Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Kolonyo gaadiid galbinayesay Axmed Godane oo la weeraray

Recommended Posts

Kolonyadan gaadiidka ah oo ay wateen horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyada Kooxda Al-Shabaab ayaa gelinkii dambe ee Shalay lagu weeraray inta u dhaxeeysa Degmooyinka Bu’aale iyo Saakoow ee gobolka Jubada Dhexe, waxaana weeraray kooxo hubeysan oo ay wararka aynu helnay halkaa ay sheegayaan inay yihiin dadka deegaanka oo kaashanaya maleeshiyaad taabacsan Axmed Madoobe oo kamid ah horjoogayaasha kooxda Xisbul Islaam.

 

Kooxaha weeraray kolonyada ayaa ugu horeyn hub culus ku bilaabay weerarkooda, kuwaasi oo ay la eegteen gaadiidka ay saarnaayeen horjoogayaasha kooxdaasi, ayadoo markaasi kaddibna uu dagaal toos ah oo xalay fiidkii gaaray uu goobtasi oo howd ah ku dhexmaray labada maleeshiyo.

 

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya horjoogayaasha weerarka lagu qaaday waxaana wararku ay sheegayaan in Axmed Cabdi Godane iyo rag kale oo isaga ku feker ah oo isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib, waxaana lasheegayaa in horjoogayaashaasi qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray kaasi oo aan si rasmi ah looheyn.

 

Magaalada Kismaayo dad Wargal ah oo ku sugan ayaa saakay u sheegay Radio Muqdisho in xalay magaalada ay soo galeen kolonyadii weerarka lagu qaaday ayadoona isbital kuyaala magaaladaasi lageeyey dhaawacyada maleeshiyaadka iyo horjoogayaashii weerarkaasi wax kunoqday ayadoo sidoo kalena ay maleeshiyada Al-Shabaab dib u fureen wadada xiriirisa degmooyika Bu,aale iyo Saakoow oo ilaa xalay iyo shalay gelinkii dambe kooxdaasi u xirneed si aan qasaarahooda loo ogaan, waxaana weerarkaan uu imaanayaa xili mudooyinkii ugu dambeyey dadka ku dhaqan deegaanada ay xooga ku heystaan weeraro kala hor imaanayeen maleeshiyaadka kooxdan waloow uu weerarkan imaanayo xili sidoo kale uu jiray khilaaf xoogan oo horjoogayaasha Shabaab u dhaxeeyey kaasi oo keenay in Labo garab ay noqdaan tanina la aaminsanyahay inay taas qayb ka tahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this