Sign in to follow this  
Suldaanka

An African Union (AU) Fact Finding mission to visit Somaliland soon

Recommended Posts

As Radio Horyaal reported a high level fact finding mission from the African Union is due to pay a long awaited visit to Somaliland.

 

The mission, the first in its kind from the African Union, will make assessments on a number of fronts including the political, economic and security. They will hold talks with the UDUB Administration as well as the opposition political parties and civil society groups.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafti ka socda Midowga Afrika oo uu horkacayo ku xigeeenka Alpha Omar Karona oo socdaal ku yimid Somaliland

 

Ku xigeenka Alpha Omar Karona iyo wafti balaadhan oo ka kooban 7 xubnood uu hor kacaayo ayaa manta galinkii danbe, ka soo degay garoonka diyaaradaha ee caalamiga ee Egal Intranational Airport ee casimda Somaliland.

 

Alpha Omar ku xigeenkiisa oo hogaaminaayay wafti culus oo ka socda midowga Afrika waxa qaabilay Wasiiro iyo madax sar sare oo ka tirsan xukumada Somaliland , waftigan oo ka soo kicitimay caasimda dalka Itoobiya isla markaana ah xarunta ururka midoga Afrika waftigani waxa aay dalka joogi doonaan mudo 5 cisho ah

 

Waftigan oo ka socda midowga Afrika waa kolkii ugu horaysay ee ay yimaadaan dalka, waftigani ayaa waxa ay Hargaysa kala kulmeen soo dhawayn xoogan, kumaan kum oo dadwaynaha caasimda ku nool ayaa caleemo qoyon ku soo dhaweeyay iyaga oo islamarkaasna luxaayay calamada Dalka Somaliland iyo ka midowga Afrika.

 

Gudoomiye ku xigeenka oo ka waramay socdaalkooda ay xiligani ku marayaan Somaliland ayaa waxa uu sheegay in uu socdaalkoodu uu la xidhiidho u kuurgalida xaqiiqada ka jirta Somaliland, iyo wixii u qabsoomay Somaliland 14 sanadood ee la soo dhaafay, sida uu sheegay masuulkani waxa aay la kulmi doonaan dawlada Somaliland, war saxaafadeed ay dawlada Somaliland ay ka soo saartay socdaalak waftigani, ayaa waxa aay ku sheegeen in waftigu uu la kulmi doono madaxwaynaha iyo golihiisa wasiirda, golayaasha Baarlamaanka iyo ka Guurtida, Xisbiyada mucaaridka, ururda bulshada. Sidoo kale waftigu waxa aay booqan doonaan gobolo ka mid ah Somaliland iyaga oo la kulmi doona maayarada iyo badhisaabyda gobolada aay booqan doonaan, waftiga ayaa ka mahad naqay sidii diiranayd ee loo soo dhaweeyay

 

Waftigu hada wax aay ku suganyihiin oo la dajiyay Hotel Ambaasadoor ee Hargaysa, wararka waftigan oo aanu u kuurgali doono, socdaalkooda iyo waxa ka soo baxaba waxa aad kala socon doontaan qarannews

 

Qarannews

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wefdi ka socda Ururka midnimada Afrika oo maanta imanaya Hargeysa

 

Sida uu wasiirka madaxtooyada ee Somaliland Nuux Axmed Cismaan saxaafadda ugu sheegey qoraal uu qeybiyey waxa maanta lagu wadaa in ay magaalada Hargeysa ka soo degaan wefdi ballaadhan oo ka socda ururka midnimada Afrika abbaare 4:00 galabnimo ee maanta.

 

Wasiirka madaxtooyadu waxa kale oo uu qoraalkiisa si faahfaahsan ugu sheegey sida uu dhici doono socdaalka wefdigani inta ay ku gudo jiraan booqashadooda Somaliland, iyadoo lagu wado maantana xiligha ay ka soo degaan gegida dayuuradaha Igal international airport ee magaalada Hargeysa waxa ay booqan doonaan xarunta madaxtooyada oo ay kula kulmi doonaan madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, sidoo kale waxa lagu wadaa ka hort inta aanay caawaba casho sharaf la yeelan hoggaanada laba aqal barlamaan ee guurtida iyo wakiilada in ay ku soo dhex meeraan magaalada Hargeysa si ay macluumaad madax bannaan isha uga buuxsadaan.

 

Inta ay waftigani ku sugan yihiin Somaliland ayaa lagu wadaa in ay u kuur galaan qaabka siyaasadda dalka iyagoo la filayo in ay kulamo heer degmo iyo caasimadeedba la yeeshaan axsaabta siyaasiga ah, iyada oo isla wafdigaasi ay maalinta Talaadadana ka qeyb gali doonaan kulan wada jir oo ay yeelanayaan axsaabta siyaasiga ah, xukuumadda iyo guddida xasuuqii ay Somaliland ka geysteen ciidamadii Maxamed Siyaad Barre dabayaaqadii 80 aadkii. Maalinta arbacada oo uu soo afmeermi doono socdaalka weftigan ayaa la filayaa ka hor inta aanay ka duulin gegida dayuuradaha in ay shir jaraa'id oo ay kaga warbixinayaan arrimo la xidhiidha socdaalkooda ku qabtaan isla gegidaasi Igal international airport ee magaalada Hargeysa.

 

Si kastaba ha ahaatee u xeel dheerayaasha siyaasadda Somaliland ayaa imika ay ku adagtahay in ay fasitraad ka bixiyaan socdaalka wafdigani, iyada oo xilliganna ay Ururka midnimada Afrika dadaal badan ku muujinayaan sida ay ugu heellan yihiin ciidamo loo diro Somalia oo ay Somaliland-na ka go'day, balse aanay wali ku tallaabsan riyadeeda Aqoonsi helidda.

 

 

 

Adam Shardi Axmed

 

Markacadeey.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shacbiga Burco oo Banaanbax ay ku muujinayaan Dareenkooda ku Qaabilay Weftiga Midowga Afrika

 

 

Burco, 2 May 2005--Caruur iyo cirooleba waanu aqoonsanahay dareenkiina waxaanan balan qaadayaa inaan (53) dawladood ee midowga Africa hor dhigo jawigiina Madaxa waftigaâ€.

 

Kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha magaalada Burco ayaa maanta banaan bax balaadhan oo ay ku muujinayaan dareenkooda ku waajahan qadiyada madax banaanidooda waxay ku qaabileen wafti balaadhan oo ka socday midawga Africa oo maanta booqasho ku yimi magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.

 

Banaanbaxan oo ahaa mid dedweynuhu u sii diyaar garoobeen tan iyo habeenkii xalay ahaa, waxay saaka dadweynuhu isla hor dhoobeen waftiga shucuurtooda ka dib markii ay maanta koob iyo toban kii duhurnimo soo gadheen waftiga horaantiisu goobtii ugu horeysay ee ay dadweynuhu ku sugayeen oo ahayd meel 25 km dhinaca waddada Berbara iyo Burco isku xidha, goobtaas oo ay waftigu ku sugayeen madaxda maamulka Gobolka gaadiid ay sudhyaan calamada xisbiyadu leeyihiin iyo boqolaal dadka muhiimka ah.

 

Hadaba waftigan oo ay ku lamaanaayeen wasiirka warfaafinta, daakhliga, madaxtooyada, maaliyada iyo waliba afhayeenka madaxtooyada waxay xawaare toos ah ku dhafeen tan iyo goobta ay ku soo gadheen horaanta dadweynaha iyo ilaa ay ka galeen magaalada Burco, taas oo ay waddada hareereheeda ay safnaayeen komayaal dadweyneha ah, ardeyda dugsiyada, hay’daha kala duwan ee dawlada iyo xisbiyada qaranka kuwaas oo si cad ugu muujinayey waqtigii ay waftigu dhafayeen hal ku dhig yo iyo sawaxan qaylo dheer oo lagu dhawaaqayey areyo ay ka mid yihiin “NO SOMALIA†, “Soomaaliland waa muqadis midawga Africa ha rumeysto dhawaaqayaga, sawirada Africa iyo kuwa la mid ah kuwaasi oo gudbintooda loo adeegsanayey cod baahiyayaal iyo sawaxan aan kala go’ayn, iyadoo dhinacyada ka dhex iftiimayey banaan baxan lagu xusi doona ardayda dugsiyada, xisbiga Kulmiye,UCID iyo gabi ahaanba dadweynaha oo aan u midaan dayeynin muujinta shucuurtooda, isla markaan Madaxmada Maamulka Gobolka Togdheer ayaa iyaguna si xoogan dabada uga riixayey abaabulka jawiga.

 

Daqiiqado ka dib markii ay waftigani soo gaadheen gudaha magaalada Burco iyadoo gaadiidka ay waftigu ay wateen oo si xawli sareeya u soconayey awgeed waxay isla markiiba guda galeen gudaha magaalada Burco oo ay dariiqyada magaalada, ku soo wareegeen isla markaan ay marba marka ka danbeysa ay sii kordhinayeen saxmada dadweynaha, oo gabi ahaanba ay maanta ay xidhnaayeen meherada ganacsigu, dugsiyada gobolkuna aanay ardeydu ka xaadirin.

 

Hadaba markii ay socodka gudaha magaalada ku soo gabagabeeyeen xarunta maamulka Gobolka Togdheer, iyadoo xiligaasi ay xubnahani badidoodu u muuqdeen kuwa daalan oo la dawakhsan shucuurta ay dadweynuhu ku soo dhaweeyeen oo ay u turjunteen in ay tahay soo dhaweyn lakiin ay dib ka garawsadeen in ay tahay sawaxanku mid ujeeda kale huwan,

 

Ka dib markii turjubaankoodii u sharaxay micnaha ereyada lagu dhawaaqayo.

 

Waxaanay daqiiqado nasasho ah ka dib ay waftigu meel fagaare ah kala hadleen dadweynaha markii ay u adkeysan waayeen culayska kaga yimi dareenkooda

 

“Waxaanu halkan u nimi in aanu aragno waxaa dooneysaan dareenkiina iyo waxaad qabsateen, oo aanu idin dhageysano, waxaanu halkan ku aragnaa dareen isku mid ah caruur, ciroole, dhalinyaro, iyo dawladba waxaanuna balan qaadeynaa inaanu (53) dawladood ee midawga Africa aan hor dhigo waxaad na tusteenâ€.

 

Ereyadani waxay muujinayeen dareenka ashqaraarka huwan ee uu ka bixiyey madax waftigani MR. Patrick, oo ninka labaad ururka Midowga Afrika jawigii banaan baxa.waxa kale oo intaas ku daray in magaalooyinkii aanu soomarnay waxay dhmaantood gudbinayeen fariin isku mida wxaanaan rajaynaynaa in dhawaaqiinu guulaysto ayuu kusoo koobay hadalkiisii ,gudomiyha gobolka togdheer ayaa isagu erayo kooban halkaas ka jeediyay ka xogwaran in magaaladani tahay halkii lagu qabtay shirkii u horeeyay, ee dib loogula soo noqonayay qadiyada soomaliland , sidaas darted dadkan aad arkaysaan ee qaylinaya ,goobkastana tubnaa ee idin soo dhaweeyay waxay idiin muujinayaan sida dareenkoodu uga goan tahay inay dib xamar ugu noqonayn ,haday boqolaal sano ku qaadanayso ictraafku ,una samrayaan ,ayuu yidhi gudoomiyuhu.

 

Biyo dhaamiska iyo abaabulka Burco waa lagu yiqiin ee wax cad ayaad muujiseen†sidoo kalena wasiirka warfaafinta ayaa isaguna ereyadan ku muujiyey sida dadweynuhu ugu taageereen qaabka ay xukuumadu u dadihinaysey socdaalka waftiga, taas oo ay weedhaha laga xusi karo ee xubnaha wasiirada dawlada ka soo duul duulay ay u eekaayeen kuwa ka furtay sharaxaad iyo mashquulin culus oo ay waftiga labarbar socdeen, si ay ugu kabaan “Burco ayaa qaaday fasiraada ugu fiican ee ay ka bixin lahyn socodka waftigan,berberina way ku xigtay ,hargaysina waxay noqon lahaydba daadad ayaa dawakhiyay, Wasiirka daakhiliga ayaa isaguna ereyadani uga jeeday in uu ku dajiyo dareenka dadweynaha khudbada dhegeysanayey.

 

Haddaba isku soo wada xooriyoo, nuxurka ka mooqday jawigan maanta ee reer Burco iyo waftiga midawga Africa waxa uu ku khatinmay in dhinac waliba la dhaqaaqay in uu bogtay muraadkii uu lahaa, taas oo ay gabagabada safarkani buddhig u ahaayeen fareemo kuus kuusan oo qoraal ah oo uu gudoomiyahah golbolka togdheer Cabdi Xuseen Dheer gacanta ka geliyey xubnaha waftiga, taas oo tafaasiisheeda lagu sheegay mid ay soo diyaariyeen ururada bulshada rayidka, kana turjumaysa dareenka dadweynaha iyo heerarkii ay soo martay qadiyada Somaliland,islamarkaana ay ka goan tahay gooni isu taagu. . Tan dhigeedana iyaguna xubnaha waftigan oo ay ka muuqato jawi cufan oo dareenkeedu muujinayo war war ay ka qabaan siday jawaab uga bixin karaan mas’uuliyada ay tuurta u riteen dadweynuhuna waxay sugayaan jawaabta ay ka bixinayaan balan qaadka ay waftigku ku dhawaaqeen.

 

Qarannews

Share this post


Link to post
Share on other sites

HARGEYSA--Waxa maanta labada Gole Fadhi wada jir ah ay ku yeesheen Hoolka Shirarka ee Golaha Guurtida.

 

Fadhigaasna waxa Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Guurtida JSL waxana kala soo qayb galay Weftigi ka socday Ururka Midowga Afirika oo ka Koobna Toddoba Xubnood Magacyadooduna ay kala ahaayeen

 

 

H.E Patrick Mazimhaka (Deputy chair & head of delegation)

Col Jaodody de Matha (snr Military officer, peace & security )

Mr Admore Mupoke Kambudzi (political anayyst)

Mr Diedonne Kombyaya (Snr political officer)

Mr partick tigrer (Head of division humanitarian affairs)

Ambassador Fantahu Hale Michel (head of Protocal)

Mr Golmame Tefera (Security officer)

Ugu Horeyn Qoraal kooban aya halka looga akhriyay oo u shir-guddoonku magaca Baarlamaanku ku Akhriyay C/qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ah Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada , ahna kusimaha Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda.

 

Ka dib illa dhowr & Tobban Mudane aya aragtiyahooga ka dhibatay mowqifkooda ku aadan Dareenka shacbiga Reer S/land.

 

Guddoomiyaha (Suleymaan) ayaa isna sheegay in ay S/land ku hawlan tahay sidii wada-hadal nabadeed looga soo dabaali lahaa Arrimaha ka taagan Gobolka Sool, wuxuna ka codsaday Dalalka Afrika in ay taagero siiyan, oo laga daayo fara-gelin anu dareensanahay in ay ka imanayso Dalal nala Deris ah.

 

Ugu dambayntii, madaxa weftiga aya hadalkii qaatay, wuxuna yidhi †farqi aya u dhaxeeya OAU & AU†AU, waxa u maba’di ah in a ku shaqayso waxa ay dadka Afrikaanku doonayaan, taasina waa tan keentay in aanu dhagaysano Madaxweynihina markii u yimid sanadkani horaantiisa Addis-abbaba.â€

 

Wuxu sheegay in Scodaalka waftiga Midowga Afrika u ka dambeeyo codsigii ka dhasahay wada-hadalkii ay labada dhinac hore u yeesheen.

 

Gaba-gebaddii, wuxuu yidhi “ markii an Hargeysa nimid Berbera tagnay, Sheekh Iyo Burcaba, dadka hal fariin ayay noo dhiibayeen oo ah No Moqdisho No Somalia."

 

"Anigu waxan ballan qaadayna in aanu fariintaasi gaadhsiin doono Dalalkii AU," ayuu yidhi.

 

Waftiga Afrikadu berri ayey socdaal ugu baxayaan gobolka Awdalu ambabaxayaan gobolka Awdal iyaga oo ku sii hakan doona magaalada Gabiley.

 

 

Awdalnews

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this