Sign in to follow this  
Gar-haye

Qarax aad u weyn......

Recommended Posts

Gar-haye   

[Qoute] Qarax aad u weyn oo xalay ka dhacey Magaalada Jigjiga

 

Jan 13, 2008 War hada naga soo gaadhey Magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in xalay markey saacadu ahayd 8:30PM fiidno xiliga Jigjiga qarax aad u weyni ka dhacey guri u degenaa Sargaal Tigrea ah.

 

Sida warku sheegayo qaraxaas ayaa waxa uu baabi'iyey dhamaan dhismihii guriga, waxaana halkaas oo ay ku dhinteen Gabadh iyo nin marti u ahaa oo is dhalay iyo cilyaalkiii ninka Sargaalka ah u dhaley, waxaana koma ku jira Sargaalkii Tigreaga ahaa iyo xaaskiisii oo Isbataalka loola cararay.

 

Hadaba falkan waraxa ah kadib ayaa waxaa magaalada lagu soo daayey ciidan aad u tiro badan kuwaas oo baadhis kula kaca magaalada, iyaga oo qofkii anaan haysan waraaqaha aqoonsiga ka qaadayey lacag laaluush a oo dhan 10 riyaal. Ciidamadan ayaa toogadsho ku diley dameer fadhiyey meel u dhow goobtii falku ka dhacey.

 

Dhinaca kale, waxaa saaka shir loogu qabtey Iskuulka Xuseen Giire dadkii degenaa xaafada qaraxu ka dhacey, halkaas oo loogu hanjabey "ninkii qof marti geliya oo aanan soo diiwaan gelin wuxuu la mid yahay nabad diid"

 

Shirkan oo uu gudoominayey Wolde Adwa oo ah wakiilka Itoobiya ee ******iya ayaa waxaa isna ka hadley duqam Magaalada Jigjiga Yuusuf Sh. Cabdi Gangaale, kaas oo hadalo aad u xun-xun goobtaas uga soo jeediyey dadkii shacabka ahaa ee qasabka lagu soo shiriyey. Shirkan aya awxaa dadweynaha uga turjumayey ninka Tigrea aha nin lagu magacaabo Sh. Maxamed Dheere.

 

Qaraxan ama weerarkan ayaa ah midkii 3aad ee loo geysto saraakiisha Tigreaga iyo sirdoonkooda ku sugan magaaalada Jigjiga mudo ka yar laba bilood. Ilaa hada ma jirto cid sheegatey falalkan.

 

--****** Online News [/Qoute]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gar-haye   
Ciidamadan ayaa toogadsho ku diley dameer fadhiyey meel u dhow goobtii falku ka dhacey.[/Qoute]

 

talk about being at the wrong place at the wrong time. dameerka xata kuwan kama baxasanayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this