Sign in to follow this  
Qodax Qorax

Former vice Prime-Minister of TFG coming to Somaliland

Recommended Posts

Sifir Oo Ahaa Raysal Wasaare Ku Xigeenkii Dawladii C/Laahi Yuusuf Oo Ku Soo Jeeda Hargeysa

 

Written by Qaran news

Nov 29, 2010 at 05:16 PM

Hargeysa,(Qaran news)- Raysal Wasaare ku xigeenkii dawladii C/laahi Yuusuf, isla markaana ahaa wasiirkii dib u heshisiinta iyo jaaliyadaha dibada Maxamuud C/laahi Jaamac (Sifir) ahaana madaxii Kambaynka madaxweyne Siillaanyo ee doorashadii madaxtooyada ee 14-kii April 2003-dii Mr. Maxamuud C/laahi Jaamac (Sifir) oo Somaliland khiyaamo qaran ka galay ayay iloxogogaal ahi Haatuf u xaqijiyeen inuu todobaadkan ku soo jeedo caasimada dalka ee Hargeysa.

Maxamuud C/laahi Sifir ayay ilo wareedyadu noo xaqijiyeen inuu soo gaadhay caasimada dalka Kenya ee Nairobi, isla markaana la sheegay inuu u soo qalab qaatay socdaal bilaa cafis ah oo uu todobaadkan ku iman doono magaalada Hargeysa, isagoo ka mid ah xubnaha reer Somaliland ee go'aankii laga soo saaray ka qayb galka shirarka Somali-weyn in xabsiga loo taxaabo isla markaana maxkamad la hor geeyo si loogu qaado danbigaasi khiyaamada qaran ee uu dalka ka galay.

 

Ilowareedyo lagu kalsoon yahay oo u dhuun daloola socdaalka Mr. Sifir ayaa sheegay in ujeedada madaxweyne Siillaanyo iyo xukuumadiisu ay sharciga u hor geyn waayeen siyaasiga Cismaan Jaamac Cali (Kaluun) oo socdaal laba todobaad ah dhawaan ku yimid caasimada Somaliland ee Hargeysa madaxweyne Siillaanyo ugu dhiiran waayay in Cismaan Kaluun hadii lagu qaado au dhacayso in Mr Sifir-na lagu qaado, taas darteedna ay ka dhalatay inuu socdaalkaasi ugu soo baxo Somaliland.

 

Dhinaca kale qaraarka ay golaha guurtidu ka soo saareen ka qayb galka shirarka dib u heshiisiinta Somalia iyo ka mid noqoshada dawladaha Somalia loo dhiso oo ay guurtidu ansixisay sanadkii 2000-kun laguna fuliyay siyaasiyiin iyo madaxdhaqameedo ka soo jeeda Somaliland oo xabsiga loo taxaabay, isla markaana xukun maxkamadeed lagu riday xiliyadii maamulkii marxuum Cigaal iyo maamulkii madaxweyne Rayaale ayaa muddadii koobnayd ee maamulka madaxweyne Axmed Siillaanyo aanay dhaqan galin ku dhaqanka go'aankaasi, kaasoo socdaalkii Cismaan Kaluun dhawaan uu ku yimid Hargeysa ay shacbigu ka muujiyeen dareemo shaki leh, hase yeeshee tibaaxuhu waxay sheegeen in sababta sharciga loo hor geyn waayay Cismaan Kaluun ay ahayd mid loogu baraxayay imaatinka Mr. Sifir.

 

Golayaasha xeer dajinta ee guurtida iyo wakiilada Somaliland ayaan iyagu ilaa hadda mawqif cad aan iska taagin ku dhaqan la'aanta go'aankaasi ay hore u meel mariyeen ee ay xukuumada Siillaanyo fulin weyday.

 

Source Haatuf

Share this post


Link to post
Share on other sites

Adeer haddii kale habar habar ayeey sheekadu tageysaa Silanyana sidaa uma caqli xuma ee raggas somaliyeed ee dhulkoodi ku soo noqonaya hala amaan gasho oo dheesha yanan la iska dhabqinin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sxb, every child sooner of later returns home. So will all lost children of Somaliland return one day.

 

Accept we didnt expect them to be back so soon, anyhow its a pleasant surprise.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this