Sign in to follow this  
General Duke

The price of the gun falls market to be closed

Recommended Posts

Dhaq Dhaqaaqa Suuqii Hubka ee Cirtoogte oo gaabis ku yimid tan iyo markii Ciidamada Dowladda ay la wareegeen Muqdisho inteeda kale.

 

Tan iyo markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopianka ee is garabsiinaya ay xaqiijiyeen gacan ku heynta Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho waxaa yaraaday dhaq dhaqaaqii ganacsiga ee Suuqa weyn ee Hubka Cirtoogte.

 

Suuqa Cirtoogte oo ah suuqa Hubka lagu iibiyo kan ugu weyn Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka dareemeysaa isbedel xaga ka ganacsi hubka ah.

 

Maanta oo aan socod ku soo maray Suuqaas ayaa ii muuqan waayay wax hub ah oo lagu iibinayo Miisaskii hore ay saarnaayeen Qoryaha kala duwan ee daran dooriga u dhaca, waxaana taas sabab looga dhigay in la soo bartilmaameedsado.

 

Ganacsatadii Hubka ku iibineysa halkaas ayaa hubkoodii kala baxay, waxaana dhif ah rasaastii halkaas ka dhici jirtay oo qaarkood ahaa kuwo la baroobeyn jiray.

 

Ma arkeyso Qoryaha Ak47, BKM, Bistooladaha, Baasuukaha, Rasaasta kala duwan Qoryaha sida Dhashiikaha, Zuuga Rasaasta Hoobiyaha oo hore halkaas sida dharkii oo kale ay ugu camirneyd, waxaana haatan ay yihiin kuwo maran oo aan waxba oolin.

 

Ciidamada Dowladda ayaa ku sugan meelaha qaar ee Suuqa Bakaaraha iyo daafaha Suuqaas, waxaana aad u adag in dadka ay sidii hore oo kale ay hubka u kala iibsadaan, maadaama ay jirto baqdin ku aadan in hubkooda ay Dowladda kala wareegto.

 

hoos u dhac ayaa ku yimid qiimaha lagu kala iibsan jiray hubka, bedelkii uu hore ka ahaa mid sare uu uga kacay suuqaas, waxaana taa lagu tilmaamay in dagaalo ay ka jireen Muqdisho, dhinacna laga guuleystay, taa ayaa saamaxeysa bey leeyihiin dadka aan kula soo sheekeystay suuqaas inuu hoose u dhaco Hubka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

hoos u dhac ayaa ku yimid qiimaha lagu kala iibsan jiray hubka, bedelkii uu hore ka ahaa mid sare uu uga kacay suuqaas, waxaana taa lagu tilmaamay in dagaalo ay ka jireen Muqdisho, dhinacna laga guuleystay, taa ayaa saamaxeysa bey leeyihiin dadka aan kula soo sheekeystay suuqaas inuu hoose u dhaco Hubka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I will only and only be optimistic about this regime if the Ethiopian troops leave, till then sorry, but they have killed too many Somalis and are roaming around Somalia freely, which only adds salt on a bleeding wound.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Every step will be taken in the appropriate time. The guns are silent, disarmament unseen in history is taking place.

 

The Ethiopians and AU troops will leave as soon as the job is done.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this