Sign in to follow this  
General Duke

Baidoa: Somali speaker the security is getting better

Recommended Posts

Afhayeenka barlamaanka Somaliya oo sheegay in xaalada amaanka ee dalka Somaliya ay soo hagaageyso

Last Updated::2007-12-02 15:45:59

 

Afhayeenka barlamaanka Somaliya Sheekh Adan Maxamed Nuur ayaa waraysi dheer uu siiyay Xarunta Walta isla markana ay baahisay laanteeda afka Carabiga ayaa waxaa uu ku sheegay---

in xaaladaha amaanka oo soo wanaagsanaaday ay abuureen fursado ku haboon in loo hawl galo sidii dib loogu soo celin lahaa adeegyada asaasiga ah ee dalka

 

Waxaa uu afhayeenku intaa ku daray in si dib u loogu dhiso hay'adihii siyaasada ,bulshada iyo dhaqaalaha ee dalka ay muhuum noqotay in mudnaanta la siiyo xaaladaha amaanka .

 

Waxana uu sheegay in iyada oo amaanka iyo xasiloonidu ay dib ugu soo laabanayaa dalka awgeed ay dawladu bilawday in ay dhisto waaxyihii maamulka ee ku salaysnaa heerarka federalka iyo kan gobaleedyada .

 

Waxa uu afhayeenku intaa raaciyay in shacabka Somaliya uu ku raaxaysanayo amaanka uu haatan dalku ku sugan yahay isla markana uu shacabku ku xaqiijiyay munaasabado kala gedisan in uu dawlada ku garab taagan yahay hawlaha horumarineed ee ay wado .

 

Waxaa uu Sheekh Adan uu sheegay in shacabku Somalidu ay nafta u hurayaan sidii loo hor istaagi lahaa falalka ay wadaan xubnaha mayalka adag ee taageerada ciidan iyo mida qalabka ka helo maamulka Eritrea .

 

Waxaa uu afhayeenka barlamaanku uu sheegay in Ethiopia iyo dalal kale kuwaas oo gar waaqsaday in xasiloonida Somaliya ay tahay xasiloonida afrika iyo caalamka kale ay haatan taageerada muhiimka ah u fidiniyaan shacabka Somaliya kadib markii ay DFKMS ay ka codsatay

arrintan ,taariikhduna ay ka dhigi doonto mid waarta weligeed.

 

http://www.waltainfo.com/Archive.aspx?Cat=Arabic

 

 

Faysal wakaalad

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this