Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Somali Flag flies over Addis Ababa!

Recommended Posts

Adis-Ababa: Dawladda Federaalka Soomaaliya oo safaarad ka furatay dalka Itoobiya, halkaasina ay ka dhacday xaflad aad u ballaaran oo ay masuuliyiin badan kasoo qayb galeen

- Tuesday, April 04, 2006 at 20:29

flag2.gif

Adis-Ababa(AllPuntland)-. Xafalad ballaaran oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa maanta lagu qabtay xarunta cusub ee Safaaradda DFKGS ee dalka Ethiopia.

 

Ujeedada xalfaddaan ayaa ahayd furitaanka Safaaraddii ugu horaysay oo ay DFKG Soomaaliya ku yeelato dibadda, marka laga reebo safaaradaha kafuran dalalka caalamka qaarkood oo tan iyo intii burburka lagu jiray kafurnaa dalalka ay ku yaalaan.

 

Raysul wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, Wasiirka Arimaha Dibadda ee Dalka Ethiopia, Seyoum Mesfin, Wakiilka Midowga Reer yurub u fadhiya AddisAbaba, Tim Clark, Safiirada, Kenya, Nigeria, Serbia Montenegro, South Korea, North Korea, Finland, Italy, Djibouti, Iran, Masuuliyin kasocota Midowga Africa, ayaa qayb ka ahaa waxaa kaloo joogay safiiro iyo diplomasiyin fara badan oo kaso qaybgalay xafladda lagu furayey safaaradda Somaliya ee dalka Ethiopia.

 

Tim Clark oo ku hadlay afka Midowga Reer Yurub (EU) ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in Somaliya ay caalamka dib ugu soo laabato, safaaradna ku yeelato xarunta Midowga Africa ee AddisAbaba."Raysul wasare Geedi, wuxuu kula kulmay Madaxwaynahayga (EU) Brussels, waxayna Somaliya iyo Midowga Reer Yurub kala saxiixdeen heshiisyo xagga horumarka ah.". ayuu yiri Mr. Clark.

 

Safiirka Djibouti u fadhiya Ethiopia ayaa isna sidoo kale cabiray farxaddiisa iyo soo dhawayntiisa ku aadan furitaanka Safaaradda Soomaliya ee Dalka Ethiopia.

 

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Ethiopia, Seyoum Mesfin oo masuuliyinta hadashay oo dhani uga mahadceliyeen qaybta uu ka qaatay furitaanka Safaaradda, ayaa isna sheegay sida uu ugu faraxsanyahay safaaradda Soomaalida ee lafuray, isagoo tilmaamay inay qayb ka noqon doonto sidii DFKG Soomaaliya ay xiriir ula samayn lahayd beesha Caalamka. Wuxuu sidoo kale ka faallooday taageerada ay dowladdiisu uhayso Soomaaliya, wuxuuna balan ku qaaday inay taageero buuxda siinayaan dowladda Soomaaliya waxkasta oo ay ubaahana ugu deeqi doonaan. Wuxuu kaloo xusay Ato, Masfin, in Dowladda Ethiopia ay magacawday Safiirkeedii u fadhin lahaa Somaliya uuna dhawaan gaari doono Magaalada Jawhar ee fariisinka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya.

 

Dadweyne aad ufarabadan iyo fanaaniin qaadaysay heeso wadani ah ayaa soo buuxshay goobta xafladdu ka dhacaysay, waxayna mashxarad kusoo dhaweeyeen Masuuliyiinta DKF Soomaaliya, iyo diplomasiiyinta kasoo qayb gashay xafladda. Inta aysan bilaaban Khudbooyinkii ay halkaas madaxdu ka jeedinaysay ayaa fanaaniinta Somaliyeed "Haraadigii kooxda Waabari" waxay qaadeen heesta qaranka Somaliya "national anthem".

 

Jawi qiiro iyo murugo leh ayay soo bandhigeen dadweynihii kasoo qayb galay kulanka, markii ay kooxdaasi cod macaan ku aqriyeen heeso qaaraami ah oo waayahaan dambe aan la maqli jirin, balse caan ahaa xilligii kacaanka ee Soomaaliya.

 

Raysul wasaare Cali Maxamed Gedi, Wasiirka Arimaha Dibadda ee Ethiopia, Seyoum Mesfin, Safiirka Ethiopia ufadhiya Somaliya, C/Casiis Axmed iyo masuuliyin kale ayaa istaagay dhammaan si ay calanka Soomaaliya usuraan bir dheer oo ka taagnayd Safaaradda dhexdeeda, Raysul wasaare Gedi ayaa gacantiisa ku suray calanka.

 

Raysul Wasaare, Cali Maxamed Gedi ayaa khudbo kooban ka jeediyey xafladda wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay sharaf utahay inay safaarad ka furato Ethiopia, ayadoo ay utahay bilow hawl dheer oo sugaysa Dowladda Somaliya taasoo ah in ay xarumo diplomasiyadeed kafurato dhammaan dowladaha caalamka.

 

Wuxuu intaa kusii daray in furitaanka safaaraddu ay meesha ka saarayso tuhunkii iyo khilaafkii artafishalka ahaa ee udhaxeeyey Ethiopia iyo Somaliya. Kadib markuu ku khudbeeyey luuqadda Ingiriiska ayuu raysul wasaaruhu martisharafka ka codsaday inay u ogalaadaan inuu ku khudbeeyo luuqadda Soomasliga si dadwaynaha Somaliyeed uu u gaarsiiyo fariintiisa. Isagoo la hadlaya Somalida ku nool AddisAbaba ayuu sheegay Geedi in albaabada loo xiray dhammaan Jaaliyadihii Somaliyeed ee ku salaysnaa qabiilka. " waxaa la iisheegay inay jiraan Jaaliyado ku salaysan qabiil, dhammaan ururadaas oodhan mashaqayn donaan mar haddii la furay Safaaradda Somaliya". Ayuu yiri RW. Geedi. " waxaa loo baahanyahay inaad la shaqaysaan safaaradda Soomaaliya iyo safiirkaba" ayuu ku daray Geedi. Inkastoo amaanka aad loo sugayey, ayadoo ay cutubyo kamida booliiska dhexe ee wadanka "Federal Police" ay ka muuqanayeen wadooyinka soo gala Dhismaha Safaaradda, haddana Saxaafadda Dowliga ah iyo midda gaarka loo leeyahayba waxay si siman uga dhexmuuqanayeen xafladda, waxaana si hagar la'aan ah loogu ogolaaday inay la kulmaan masuuliyinta kasoo qayb gashay kulanka.

 

15 kun oo qof ayaa lagu qiyaasaa Somalida ku nool AddisAbaba, waxayna dhammaan farxad ka muujinayaan furitaanka Safaaradda. Dadweyne badan oo aan waraystay ayaa iisheegay inay aad ugu faraxsanyihin talaabadan horay loo qaaday, ayagoo tilmaamay in ay wax wayn uteri doonto joogitaankooda halkaan, maadaama ay heleen Masuuliyad si gaara u matasha, walow aysan wax dhib ah kala kulmin Dowladda Ethiopia.

 

Faysal Gabanow & Adan Indhacadde

 

AllPuntland, Adis-Ababa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Soomaaliya oo safaarad ka furatay maanta Dalka Ethiopia, furitaanka safaaraddaas oo uu ka hadlay Prof. Geeddi

Posted to the Web Apr 04, 20:45

 

 

Addis Ababa (PP) - Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah saafarad uga furtay Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, waxaana furitaankii safaaraddaas xaflad loo sameeyay ka qaybgalay Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Geeddi.

 

Xafladdaas oo ay sidoo kale ka soo qaybgaleen Soomaalida ku dhaqan Addis Ababa ayaa waxaa dhanka kale ka soo qaybgalay madax ka tirsan Dowladda Ethiopia oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia Siyoum Musfin.

 

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Geeddi oo xafladdaas ka hadlay ayaa sheegay in furitaanka safaaradda Soomaaliya ee Addis Ababa ay tahay caddeyn muujinaysa in Soomaaliya iyo Ethiopia ay ka dhex baxday madmadow horay ugu kala dhex jiray labada dal, waxaana uu sheegay in maanta wixii ka dambeeya Soomaaliya & Ethiopia ay yihiin laba dal oo walaalo ah isla markaana daris ah.

 

"Safaaradda Soomaaliya ay ka furatay Addis Ababa waxay tilmaan buuxda u tahay sida Dowladda Ethiopia ay ugu heellan tahay sidii Soomaaliya ay u noqon lahayd Dowlad jirta, sidoo kalena ay ka go'an yihiin Ethiopia iyo Shacabkeedaba in Soomaaliya ay noqoto dal dowlad leh isla markaana uu shacabkeedu noqdo mid hela kala dambeyn iyo sharci" ayuu yiri Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo sheegay in Calanka Soomaaliya oo maanta laga taagay Magaalada Addis Ababa ay tahay ILLAAHAY mahaddii, wax badanna ay ka shaqeynayeen.

 

Ra'iisul wasaaruhu sidoo kale wuxuu sheegay in Safiirka Ethiopia u fariisan doona Soomaaliya oo lagu magcaabo C/casiis Axmed muddana magacownaa uu dhawaan tagayo Jowhar halkaasoo laga furayo Safaaradda Ethiopia ku yeelanayso dalka Soomaaliya.

 

Dhismaha Safaaradda Ethiopia oo galabta laga furay Xaafadda Boolli ee Magaalada Addis Ababa waa dhisme ay leedahay Dowladda Soomaaliya isla markaana ay dhistay dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana Soomaaliya Safiir uga noqday C/kariim Faarax Laqanyo.

 

Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu - Somalia

puntlandpostmog@hotmail.com

 

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Develpoments like this would have significance if Ethiopia and the US government stopped supporting the warlords in muqdisho and conferred with the TFG as Geeddi suggested for all issues in the Country. Otherwise, xafiis meel laga furtay qiimo malahan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this