Sign in to follow this  
nuune

Meet Mawliid Macaane of TFG

Recommended Posts

nuune   

The only person in the TFG who is a true Somali, and feels the pain of Somalia.

 

Badanaa dad badan ayaa ku eedeeyo marka uu runta taabto, laakin inta badan kama baqo inuu runta sheego, this time, Mareekanka ayuu naclada ku seyray!

 

 

Mowliid_macaan.jpg

Meet Mawliid Macaane

 

 

Arbaco, October 29, 2008(HOL): Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud oo ka mid ahaa Mudanayaashii shalay loo xulay in ay la hadlayaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD ayaa wuxuu ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan meesha ay ku dambeyso dowladdii ay IGAD afar sano ka hor u soo dhistay Soomaaliya.

 

Mowliid oo inta badan ay xildhibaannada u sacab tumayeen intii uu hadlayay ayaa wuxuu sheegay in Dalka Soomaaliya uu burburay dhinac walba, dowladdii loo soo dhisay in ay burburkaas wax ka qabatana ay wax qaban weysay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay mas’uuliyadda arrintaas leeyihiin dhamaan xubnaha Dowladda Federaalka, gaar ahaan madaxda sare ee Dowladda oo ka bixi waayay is-qabqabsi dhexdooda ah.

 

“Sac Ruqday oo ay Afar Nin kicin weysay mid Maqaarka raba ayaa ku jira” ayuu yiri Mowliid Macaani Maxamed oo sheegay in uu taasi ula jeedo in dad ka mid ah Dowladda aysan rabin in ay dowladda cagaheeda ku istaagto oo ay shaqeyso.

 

Xildhibaan Mowliid Macaani oo sii hadlayay waxaa uu u mahadceliyay Urur Goboleedka IGAD oo Dowladda Federaalka soo dhisay, welina daba socda, sidoo kalena wuxuu u mahadceliyay Beesha Caalamka oo iyadana taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale siisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Intaas kadib Mowliid Macaani waxaa uu baaq u diray Dowladda Mareykanka oo uu sheegay in wixii ka dambeeyay 1993-kii oo ciidamadooda lagula dagaallamay Magaalada Muqdisho uu Mareykanka si aan muuqan ula macaamilo Soomaaliya.

 

“Mareykanka labo mid ha yeelo: (1) Inta nagu soo duulo hana qabsado sida uu yeelay waddamo dhowr ah oo caalamka ku yaala (2) ama siyaasadda uu nagula dhaqmayo wax haka bedelo oo saaxibtinimada aan u heyno ha nagula dhaqmo”ayuu yiri Mowliid Macaani Maxamuud.

 

Wuxuu intaas ku daray Mowliid Macaani in ay Dadka Soomaaliyeed kala garanayaan qofkii wax u qabtay iyo qofkii dhibaato u geystay,

 

“Soomaaliya waa maro jeex-jeexantay oo kaliya sidaas darteed waxaan beesha caalamka ka codsaneynaa inay gacan nagu siiso sidii aan maradaas u tolan lahayn oo aan maro uga soo saari lahayn”ayuu hadalkiisa ku sii daray Mowliid Macaani Maxamuud.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

lol...nuune. Mowliid few points wuu abbaaray balse waxaa isweydiin leh IGAD buu u mahad celinayo ma waxaan jahawareer hor leh ahayn iyo dad la xasuuqo ahayn bay ka talisay? Mise kuwii gaaweeto bariis siiya oo diyaarad marba dhinac noo sii saara waa la isaga mahad celin.

 

IGAD iyo Itoobiyaan is huwan iyagaa mowliid iyo asxaabtiisa oo masuuliyadda inta badan leh burburka dalka ka jira iyagaa Xildhibaanno ka dhigay C/llaahiga ay canaananayaanna iyagaa keenay. Dadka miyey ku ciyaarayaan mid Soomaali u dhaama miyey keenayaan? Yaase xaq u siiyey inay meeshaan waxay rabaan ka samaystaan oo Kaaba-galaas Jaan ka noqdaan iyagoo ku marmarsiiyoonaya Soomaali baan wax u qabanaynaa. Itoobiya Soomaalida Kilinka lixaaad abaarta iyo Gummaadka ay ku hayso adduunka way ka qarisaa marka ma Somaaliya ayey wax tari?

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

lol@Abwaan, true, mushaarkiisa nimanka siiya haduusan u mahad celin xoogaa shilimaadka ayuu weyni intuu Nayroobi joogo.

 

 

lol@kilinka lixaad

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this