Sign in to follow this  
General Duke

Jowhar: Canadian MP+ other news

Recommended Posts

jawharmuqdisho.jpg

 

Wafid ka socday Dowlada Kanada oo maanta soo Gaaray Magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlada KFS.

 

Wafdi uu hogaaminayo Xildhibaan iyo qaar ka mid ah jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Kanada ayaa Maanta ka soo degay garoonka diyuuradaha ee Magaalda Jowhar.

 

Wafdigani oo uu hogaaminayo Xildhibaan Borys oo kamid ah Golaha Barlamaanka ee Xukumada Kanada ayaa ujeedada socdaalkooda lagu sheegay sidii Doowlada kanada ay uga qeyb qaadanlahayd dib udhuska Waddanka burbursan ee Soomaaliya.

 

Mid kamid ah wafdiga oo lagu Magacaabo Axmed cali Yuusuf Dhabar Yare) oo hadal yar isiiyey ayaa tibaaxay in ay la kulmi doonaan Madaxweynaha iyo Raysul wasaaraha ka dibna ay saxaafada war siin doonaan.

 

Horjoogaha wafdigani oo lagu magaacabo Mr Borys ayaa waxaa soo doortay inta badan jaaliyada Soomaaliyeed ee waddanka Kanada si uu uga qeyb galo Dib udhiska Dalka.

 

Wafdigaani aya waxaa ka mid ahaa Axmed Cali Yuusuf (Dhabar Yare), C/Shakuur Cilmi, Sheekh Aadan Ciise Iyo Maxamed Ibraahim Culusoow.

 

Manta ayaa lagu wadaa xarumta madaxtooyada in ay kula kulmaan Raisul wasaaraha iyo Madaxweeynaha iyagoona maalinta Birrito ah lagu wado in ay dib ugu laabtaan magaalada Nairopi ee Xarunta dalka Kenya .

 

 

Wafdigaani ayaa socod kusoo maray daafaha magaalada ayadoo aanan la socon wax istaaf ama ilaalo ah marka laga reebo wasiiro dhowr ah oo soo kala baraayey magaalada, wafdigaani oo u badan Jaaliyada Soomaliyeed ayaa lagu tilmaami karaa mid wadiniyad ah waxa ay usoo bareereen ineey dalkooda wax u qabtaan maadaama ay maanta soo gaareen Dalka Somalia gaar ahaan magaalada Jowhar waa guul usoo hoyatay jaaliyada Soomaliyeed gaar ahaan dadka ay matalaan ee dalka kanada waxaana leeyahay waxaad tihiin wafdigii ugu horeeyey ee soo booqda Xarunta KMG ee dowlada, waxaana ay mudan yihiin in lagu dayan doono iyadoo waliba wafdi kastaa oo Jaaliyadaha Soomaalida ee dibada ku nool lasoo dhaweeyn doono.

 

Warar ah oo kusoo kordhana waan idoon soo qori doonaa hadii uu ILAAH yiraahdo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi_Jowhar_0608.jpg

 

Wafdi ka kooban afar xubnood oo ka socda jaaliyada soomaaliyeed iyo barlamaanka dalka Canada oo Jowhar soo gaaray

 

Wafdi ka socta barlamaanka wadanka kanada iyo jaaliyada soomaaliyeed ee wadankaas ayaa maanta soo gaaray magaalada Jowhar oo ah xarunta kmg ah ee dowladda, wafdigan oo ka kooban afar xubnood ayaa waxaa hogaaminyay xildhibaan ka tirsan barlamaanka wadanka kanada oo lagu magacaabo Mr. Borys.

 

Wafdigana ayaa la sheegay ujeedad socdaalkooda in ay tahay u kuur gelida xaalada dalka iyadoo la sheegay in ay kulamo la qaadan doonaan xubno ka tirsan dowladda, wafdiga ayaa waxey socdaal ku tageen qeybo badan oo ka mid ah magaalada Jowhar iyo dhismayaalka dhowaantan laga hirgeliyay magalaada Jowhar.

 

Axmad Cali Yoonis oo ka mid ah jaaliyada soomaaliyeed ee wadanka kanada ayaa sheegay in ay socdaalkooda uu yahay u kuur gelida dalka iyo dib u dhiska dalka isagoo intaa raaciyay in ay qeyb ka qadaan doonaa horumarinta waxbarashada, caafimaadka iyo arimaha bulshada.

 

C/casiis Xasan Max’ed (GOLF) googooye16@hotmail.com

Jowhar Midnimo

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Diinow) nuradin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this