Sign in to follow this  
Jumatatu

Rising voices against the deployment of Igad troops..!

Recommended Posts

Jumatatu   

Dowlada Maraykanka oo wadamada IGAD uga digtay ciidama ay Somalia kula degdegaan xilligan.

Nairobi( Sh.M.Network) Dowlada maraykanka ayaa kaga digtay wadamda ku jira IGAD in ay Somalia ciidama ka socda wadamada IGAD ay tagaan oo ay howlagallo ka fuliyaan, xilli wasiirada arrimaha dibada IGAD uu kulan uga furmay magaalada Nairobi.

 

Qoraal ay soo saartay dowlada maraykanka oo loo qaybiyay wasiirada arrimaha dibada IGAD ee ku shirsan magaalada Nairobi in ay ka fiirsadaan go’aan ku gaaraan in Somalia ciidamo ay u diraan, iyada oo dowlada maraykanku ay intaasi ku dartay in aaney xaq u lahayn IGAD in ay kaligeed go’aan ka gaarto arrimahaasi.

 

Wasiirada IGAD waxa kale oo maraykanka u sheegeen in Somalia 1991kii wixii ka dambeeyay ay saarnayd xanibaad dhinaca hubka ah, ilaa iyo hadana aan laga qaadin, oo ayan jirin cid ciidan galin karta gudaha dalka geeska Africa ku yaala ee Somalia, golaha amaanka ee Q.M ayaa maraykanku uu sheegay in ay go’aan ka gaari karaan arrimaha Somalia IGAD kaligeedna ayayn xaq u lahayn ku dhaqaaqista arrintaasi.

 

Laba jeer oo hore dowlada maraykanka ayaa ka digtay in Somalia loo soo diro ciidama ka socda wadamada deriska lah Somalia sida Ethiopia, Kenya, iyo Djibouti , oo ay sheegtay Washington in ay xaalada ay sii xumeyn karto islamarkaana ay lumin karto kaalintii dib u heshiineed ee dowlada Somalia.

 

Qaar kamid ah xildhibaanada barlamaanka Barlamaanka Somalia ayaa iyaguna laga soo xigtay in wasiirada IGAD go’aankii laga sugaya maanta in ay dib u dhigteen markii qoraalkaasi loo qaybiyay, oo ay sheegeen in ay ka war dhowrayaan go’aanka barlamaanka Somalia ee arrimaha ciidamada.

 

Maxamed Cabdi Yuusuf, oo ka tirsan barlamaanka Federaalka Raisul wasaarena ka noqday dowladii Carte ayaa shabakada Warbaahinta shabelle U sheegay in qoraalka maraykanka ay aad u soo dhaweeyeen islamarkaana IGAD ay ku qasbanaatay markaan in ay ixtiraamto go’aanka Barlamaanka Somalia.

 

Si kasta oo ay ahaataba wadamada IGAD ayaa mab’da ahaan isku afgartay in Somalia loo soo diro ciidama 10kun oo askari gaaraya kuwooga ugu horeeya 30ka bisha dambe ee April imaan doona Somalia, gaar ahaan gobolada Bay, iyo shabeelaha dhexe, magaalooyinkooda xarunta ah ee Baydhaba iyo Jowhar.

 

Hay’ada caalami ah oo ay kamid tahay hayada xalinta khilaafaadka caalamiga ah oo ka digtay qataro ka dhasha ciidama safka hore ka socda oo Somalia loo soo diro, iyada oo agaasimaha hay’adaasi Matt Prieyden oo ku celiyay in laga fiirsado ciidama soomaaliya loo soo diro.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Winton Tubman ayaa ka digey in loo diro Soomaaliya ciidamo ka socda wadmada dariska la ah.

Tubman.jpg

 

Winston Tubman oo ah ninka wakiilka uga ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey arrimaha Soomaaliya, ayaa sheegay in dhibaato ay iman karto haddii Soomaaliya loo diro ciidamo ka socda wadamada dariska la ah.

 

Mr. Tubman ayaa waxa uu tilmaamey ciidamada la geynayo Soomaaliya ay keeni karto tafaraaruq xoogan oo soo kala dhex gala wadamada IGAD iyo Soomaalida.

 

Winston Tubman oo ah ninka wakiilka uga ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey arrimaha Soomaaliya oo u waramayey barnaamijka Network Africa saaka, ayaa ku taliyey in arrinta ciidamo keenista Soomaaliya laga qaato go’aan loo dhan yahay.

 

“Waxaan u maleynaya waa arrin muran weyn ka taagan yahay, waa arrin lagu kala qeybsan yahay keenista ciidamada wadamada safka hore.†Ayuu yiri Wonston Tubmen, waxaana uu intaasi ku darey in wax waliba oo khilaaf ah waa in meesha laga saara ugu danbeyntii, oo markaasi la eegaa dhibaatada ka iman karta.

 

Winston Tubman waxa aanu meesha ka saarin in wax waliba la isku raaci karin wakhtiga iyo sida loo abaarayana ay addag tahay, laakiin haddii taxadar la muujiyo ay wax waliba hagaagayaan.

 

Winston Tubman waxa uu xusay in Soomaalida ay ku raacsaneyd IGAD shirka dibu heshiisiinta oo ay Soomaalidu ay u arkayeen in laga caawinayo dhinaca nabad soo celinta, markaasna IGAD waxey wadada u xaareysay hanaanka dibu heshiisiineed.

 

Wax waliba oo la sameynayo ayuu yiri Winston Tubman waa in Soomaalida ay go’aan sataa ama ogolaansho laga helaa, waxa uuna intaasi daba dhigey haddii Soomaaliya iyo IGAD ay isku raacaan waa suura gal in wax waliba hagaagaan, waa ciidamo geynta dhinaceedaye, laakiin buu yiri Winston Tubman haddii iyadoo la kala qeybsan yahay ciidamo la geeyo dalka Soomaaliya waxaan u maleynayaa in dhibaatooyin imaanayaan.

 

Mar la weeydiiyey Winston Tubman waxa looga fogaan karo halista uu sheegayo ayaa tibaaxey in halista mar waliba ay jirto, balse loo baahan yahay arrin la isku waafaqey.

 

â€Golaha Amaanka waa inuu soo dhoweeyaa ciidamada Soomaaliya loo dirayo maxaa yeelay Soomaaliya waxaa saaran cuna qabateyn dhinaca hubka ah, go’aan kasta oo Soomaaliya ciidamo loogu dirayo waa in ugu danbeyntii uu ka yimaadaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey.†Ayuu yiri Mr. Tubman.

 

Winston Tubman ayaa xusey in dowlada ay ku jiraan hoggaamiye kooxeed yada iyaguna ay go’aan gaari karaan, si ay u xasiliyaan wadanka Soomaaliya maadaama ay iyagu madax u yihiin maleeshiyooyinka hubka sita.

 

Dhowaan ayey aheyd markii ay shir ku yeesheen dalka Uganda wasiirada gaashaandhiga ee wadamada IGAD, oo iyagu isku raacey in Soomaaliya ciidamo la geeyo 30 bisha April.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Max’ed Qanyare “Dowladu halkan bey ku bur-bureysaa haddii baarlamaanku ansixiyo ciidamo Amxaaro ah

Iyadoo saaka uu ka furmay hotel-ka Grand Regency ee magaalada Nairobi doodii ay xildhibaanada baarlamaanka ka yeelanayeen keenista ciidamada shisheeye, gaar ahaan ciidamada dowladaha safka hore ay ka billaabatay hoolka shirarka hotelkaasi, ayaa waxa uu shir guddoonka baarlamaanka uu siiyey xildhibaan kasta in uu fikirkiisa ku soo koobo 3 daqiiqo, kadibna cod loo qaado qorshaha xukuumadda ee miiska saaran lagu sheegay in xukuumaddu ay dooneyso in baarlamaanku ansixiyo ciidamada Midowga Afrika oo aanan loo kala qaadin saf hore & saf dambe.

 

Wasiirka amniga qaranka Max’ed Qanyare Afrax oo ka mid ah hogaamiyeyaasha hubeysan ee Muqdisho, kana mid ah xubnaha sida weyn uga soo horjeeda ciidamada safka hore ayaa markii uu dhiibanayey saaka aaraa’diisa ku wajahan ciidamada shisheeye waxa uu yiri “Dowladu halkan bey ku burbureysaa haddii baarlamaanku ansixiyo ciidamo Amxaaro ah in Soomaaliya loo diro†ayuu yiri Max’ed Qanyare oo u soo jeediyey xildhibaanada baarlamaanka in Soomaalinimada aanan laga tegin, isla markaana taariikhdu ay qori doonto doorka uu qaato xildhibaan kasta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Doodii baarlamaanka oo meel xasaasi ah mareysa,Cali Max’ed Geeddi “idinka ayey maanta gacantiina ku jirtaa masiirka ummadda meeshaad u codeysaan ayaan taageerayaa, cid dano gaar ah wadata oo anaga naga tirsan ma lahan

 

Doodii xildhibaanada baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya ayaa hadda maraya meel xasaasi ah, iyadoo xildhibaanadu ay hadda ku maqan yihiin qado & salaad, waxaana dooda saaka isku qoray si ay u hadlaan xildhibaano tiradoodu ay gaareyso 113 xildhibaan, waxaana ilaa hadda hadashay 70 xildhibaan, iyadoo 44ka mid ah xildhibaanadaasi ay diideen ciidamada dowladaha safka hore , halka 26-ka kalena ay taageereen in la keen .

 

Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa khudbad uu saaka u jeediyey xildhibaanada wuxuu sheegay in go’aankii xukuumadda ay ka soo saartay 5-tii Febraayo ee ay ku dalbaneysay ciidamada shisheeye in uu ahaa go’aan dhabaha u xaaraya sidii ay dowladu dib ugu laaban laheyd Soomaaliya, wuxuu ka codsaday in hanaan dimuqoraadiyad ku dhisan ay ku dhaqmaan isla markaana la taageero dhinicii uu go’aanku u bato.

 

“idinka ayuu maanta gacantiina ku jiraa masiirka ummadda meeshaad u codeysaan ayaan taageerayaa, cid dano gaar ah wadata oo anaga naga tursan ma lahan†ayuu yiri Cali Max’ed Geeddi.

 

Doodan ayaa la laga yaabaa in ay sii socoto ilaa maalinimada berri ah, waxaana sidoo kale dhici karta in marka dib la isugu soo laabto dhowaan in cod loo qaado

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowlada Maraykanka oo wadamada IGAD uga digtay ciidama ay Somalia kula degdegaan xilligan.

So where is the English transcript of this. Or has the US government turned to Somali language radios to voice its concerns?

Share this post


Link to post
Share on other sites

No border state troops in Somalia, donors say

17 Mar 2005 14:17:16 GMT

 

Source: Reuters

 

By C. Bryson Hull

 

NAIROBI, March 17 (Reuters) - A call by the Somali president for peacekeepers drawn from bordering countries, already virulently opposed at home, appears headed for defeat under international donor pressure, diplomats say.

 

Many Somalis, including warlords and militant Islamists, have promised to attack any troops from neighbouring states -- especially from traditional rival Ethiopia -- if they deploy as part of a planned African Union peacekeeping force.

 

The dispute, which provoked sharp debate in the Somali parliament, is fast approaching a deciding moment. Regional leaders on Thursday began a two-day meeting in Nairobi to discuss the AU deployment.

 

Diplomats at the meeting, held by ministers from the east African nations that make up the IGAD regional mediation body, said donors will oppose the use of any troops from Somalia's neighbours Kenya, Djibouti and Ethiopia.

 

"It cannot happen. It can happen if they pay for it themselves," one Western diplomat told Reuters.

 

Ethiopian-backed Somali President Abdullahi Yusuf wants 7,500 AU and Arab League troops to help his government return home from Kenya, and is adamant that border states be included.

 

The AU last month backed a deployment of troops from IGAD members Uganda, Sudan, Djibouti, Kenya and Ethiopia to tame rampant insecurity in lawless Somalia, but it has no money to fund it.

 

Donors have grown increasingly cool towards Yusuf's plan, and the United States last month said it would not support any peacekeeping force with border state soldiers.

 

Other donors, who have thus far kept their reservations quiet because of IGAD's lead role in shepherding Somalia's peace process, echoed that position on Thursday.

 

"We wish to express our concern regarding the question of neighbouring troops in Somalia," Enrico De Maio, Italy's ambassador to Kenya and co-chair of IGAD's donor partnership, told the meeting.

 

The United Nations acting special representative to Somalia, Babafemi Badejo, told the meeting that the U.N. Security Council would have to grant an exemption to a 1992 arms embargo to any foreign force deployed in Somalia.

 

Several diplomats said the United States has promised to use its Security Council veto to block any force involving neighbouring troops.

 

"We have said ... we would not be supportive of such a force in the Security Council," a U.S. official told Reuters.

 

The official cautioned it was too early to say a veto would happen, since it may not be necessary after the IGAD meeting and next week's Arab League summit in Algeria.

 

On Thursday, Somalia's parliament debated a Yusuf-backed motion to approve his plan, and both sides claimed they had the votes to win.

 

But about half of the 275 MPs have publicly supported an alternative plan that would permit foreign troops except those from border states.

 

The plan offered last month by Mogadishu MPs from the commercially influential ****** clan - including several powerful warlords -- calls for voluntary militia disarmament and re-training by former Somali police.

 

Donors are encouraged, but say the plan needs improvement.

 

"It's a gesture and one that deserves careful study," the U.S. official said. Washington has said Somalia has the means to secure its country, through the warlords that are now part of the government.

 

 

AlertNet news is provided

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this