Sign in to follow this  
Dhubad.

Kismaayo - Maamul Islaami ah oo looga dhawaaqay

Recommended Posts

Dhubad.   

Kadib kulamo aan kala sooc laheyn oo maalmihii ugu dambeeyay ay ku yeelanayeen magaalada Kismaayo mas’uuliyiinta Xoogaga Isbaheystay ee gacanta kuhaya magaalada ayaa goordhoweyd shir jaraa’id oo la qabtay waxaa lagaga dhawaaqay maamul cusub oo ay yeelaneyso Degmada Kismaayo kaasoo ka kooban Guddiyo dhowr ah oo magaalada sii maamuli doona.

 

Sheekh Xasan Yacquub oo ah Madaxa Warfaafinta Maamulka Maanta la magacaabay oo shir jaraa’id oo dhanka Taleefanka Saxaafadda u qabtay ayaa ka waramay xubnaha Maamulka la magacaabay iyo xafiisyada lasheegay in ay hoos imaan doonaan.

 

1- Sheekh Abuubakar Alzeylaci - Guddoomiyaha Degmada Kismaayo

2- Maxamed Yuusuf Guddoomiye Kuxigeen

3- C/raxmaan Cali Maxamed Madaxa Xafiiska Amniga

4- Maxamed Sahal Iidle Kuxigeen

5- C/wali Aadan Badiyow Madaxa Xafiiska Maaliyadda

6- Ibraahim Axmed Ciise Kuxigeen

7- Khaalid Maxamed Aadan Madaxa Xafiiska Dacwada

8- C/raxmaan Axmed Aadan Kuxigeen

9- Xasan Yacquub Cali Madaxa Xafiiska Warfaafinta

10- C/fataax Ibraahim Cali Kuxigeen

 

Sheekh Xasan Yacquub ayaa u rajeeyay maamulka lagu dhawaaqay in uu si toos ah hawlihiisa u guto, waxayna ka dambeysay magacaabista maamulkani kadib kulamo dhowr ah oo ay yeesheen mas’uuliyiinta gacanta ku haya Kismaayo oo looga arinsanayay sidii Maamul loogu magacaabi lahaa.

 

Sidoo Kale Shirka jaraa’id ayaa lagu sheegay in dhismaha Maamulkani wada tashiyo lagala sameeyay Dadka deegaanka oo ku wajahan qaabka maamulkan loosoo dhisay.

 

Maamulkani iminka loo magacaabay Magaalada Kismaayo ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee mas’uuliyiinta gacanta ku haya magaalada Kismaayo ay magacaabaan tan iyo markii uu dhacay dagaaladii Magaalada Kismaayo gacan ku heynteeda lagu kala wareegay 22-kii Bishii taktay ee August.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Sida loo kala qaybsaday Maamulka:

 

Ururka Al-Shabaab qayb ahaan uga heleen maamulka Kismayo:

 

1- Madaxa Amniga

 

2- madaxa warfaafinta

 

3- Gudoomiyaha degmada Kismayo

 

Xubnaha Maxaakiimta qayb ahaan u heleen:

 

1- Madaxa maaliyada [ Garoonka iyo dekada]

 

2- Madaxa Dacwada

 

3- Madaxa Garsoorka

Share this post


Link to post
Share on other sites

meeshaas dagaal baa ka soo socda ,, bal waa loo wada joogi. Mar hadii sidaa la isu kala saaray then maalin dhow iyagaa isku jeesan doona believe me.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ilax   

What does this mean? Maxkamada, Alshabaab and others, too much factions, then there is arisk factor here.However, culumadu ma maalmul doonbay ahayen mise xoriyada shacabka, haddii ay dantodu tahay xoriyada shaabka ha dhisto maamul iyaguna ha ku ilaalshan

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ People and power adeer, yaa yiri culumadu hawo uma qabaan xukun iyo siyaasad?

 

Based on that information given in Aw Dango's post, they, the wadaads seem not to have learned from past mistakes done by ICU. Waa la arki ayagoo meel kast isku wada koobay abu amina this abu sulfa that abu faruuq there. somali sempre somali wadaad or not wadaad they are just bunch of power-hungry short-sighted creatures. Sayidka (RIP) horey usheegay duulkan!

Share this post


Link to post
Share on other sites
ilax   

haaaaaaaa. laakin in caqli lagu daro ma xumo.wadaadadu ma xuma inay hogaamiyan siyaasada lkn, dadka maka hore dinta hala baro, haddii kale waa ha isla qabadaado.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this